Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Democratic Constitional Conference Begins. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweynaha oo daahfurey Dastuurka Puntland

8 Feb 8, 2012 - 4:15:24 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabddiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 8,Feb ,2012 waxa uu si rasmi ah u daahfurey Dastuurka Puntland oo ka dhacdey munaasabadiisu xarunta hayada cilmi baarista Puntland ee PDRC.

 

Gudoomiyaha barlamanka Puntland ,wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,godoomiyaasha gobollada Puntland ,duqeyda 36 degmo oo Puntland ka kooban tahay, iyo marti sharaf ka socotey caalamka sida safiirka Talyaaniga ee Somalia Andrea Mazzella , Valentina Auricchio madaxa maamul wanaaga iyo amaanka Midowga Yurub iyo Yohan Svensson madaxa Interpiece Bariga iyo Bartamaha Afrika.

 

 

Wasiiru dowlaha dastuurka ,dimoqraadiyeynta iyo arrimaha federaalka Puntland Dr.Xasan Cabdi Jimcale oo ka hadlay furitaankii kulanka maanta ayaa ka soo sheekeeyey marxaladihii kala duwaan ay somartey diyaarinta dastuurka Puntland ila maanta oo loo fadhiyo furitaankiisa.

 

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa lagu soo dhaweyey isna hadlka oo tilmaamey in Puntland hayaan u tahay nidaamka axsaabta badan oo laga guurayo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

 

Gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka Somalia IFCC Cabdilahi Xasan Jaamac oo laga casumey xaflada ayaa waxa uu ku booriyey Puntland inay hormuud ka noqoto dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka Somalia maadama lagu qabanayo Garowe todobaadka soo socda shirka looga hadlayao dastuurka.

 

Ugu danbeyntii ayaa lagu soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo horaantii mahad balaaran u soo jeediyey hayada PDRC oo martigelisey kulanka iyo shaqada ay guud ahaan u hayso umadda reer Puntland.

 

Dr.Cabdiraxman Farole ayaa xusey in balanqaadkii uu doorashada ku galay 2009 ay ka mid ahayd geedi socodka dimoqraadiyada Puntland,waxana uu balanqaadey inuu dhamaystiri doono qodobadda kale ee ka dhiman balanqaadkiisi inta uga dhiman wakhtiga.

 

‘’In dadweynaha loo celiyo xukunka,oo iyagu ka yimaado inay doortaan maxdaxdooda ,waana in qof weliba uu magaciisa ku doorto qofka uu doono’’ ayuu yiri Dr.Farole.

 

Madaxweynuhu waxa uu iclaamiyey in bisha soo socota Garowe isugu iman doonaan wakiilada ka socdey bulshada Puntland ,isagoona u sababayey arintaasi inaan la gaarsiinkarin dhamaan deegaanada Puntland codbixinta aftida.

 

Xeerarka ansixinta aftida dastuurka ,axsaabta siyaasadeed iyo kuwo kale ayuu tilmaamey madaxweynaha Puntland inay ku guuleysteen sameyntiisa iyo meel marintiisa.

 

Nidaamka axsaabta tirada badan ayuu ku dheeradey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole sharaxaadisa isagoona wax ka taabsan nidaamka wax ku salaysan awood qaybsiga beelaha.

 

Dhinaca kale munasabada ka faaideysana fursada ayuu wax laga xumaado ku timaamey weerarka Somaliland ku qaadey degmada Buhoodle oo maanta ugu danbeyey dagaalka ka socdo ,waxana uu ugu yeerey inay ku laabato deegaanadii ay ku sugnaayeen ka hor 15.Jan-2012.

 

‘’Waxaan ugu yeereynaa Somaliland inay ka baxdo magaalada Laascaanood,beesha caalamkana waxana ugu yereynaa in shirka London ay isugu yimaadaan dad Somalia ah oo nabadda jecel’’.

 

Waxa uu ugu baaqey Ethiopia oo haatan ku sugan yahay Silanyo inay ka waaniyan falalka uu ka wado Sool-joogta ,isagoona dhanka kale ugu yeerey inaysan waxba ka maqlin kuwo uu ku tilmaamey inaysan cidna matalin horeyn ugu soo fashilmey siyaasada ,dadkuna u xiiso qabin.

 

Audio

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_oo_daahfurey_Dastuurka_Puntland.shtml

 

12_10.jpg

5_13.jpg

1_15.jpg

2_12.jpg

3_13.jpg

4_11.jpg

5_13.jpg

9_10.jpg

7_14.jpg

8_11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Carafaat;786757 wrote:
dr.osman, what is the conference about?

The state has come of age. Thats what about. Its setting up democratic constitution, a referendum, democratic outreach education to citizens in the cities and country, electorates, multi-parties, one man one vote system. Its streghtening puntland institutions now so that people can vote for their presidents in an oil rich state

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this