Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Laxaadle Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Reer Buuhoodle Oo Saaka

Recommended Posts

Saalax   

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Laxaadle Ku Dhuftay Maleeshiyaadka Reer Buuhoodle Oo Saaka Ku Soo Qaaday Weerar Gaadmo Ah Iyo Khasaraha Dagaalkaasi

 

Buuhoodle (Ramaas) Feb 8,2012 – Ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada reer Buuhoodle ayaa dagaal khasaare badan geystay uu ku dhex maray deegaanka Sool-joogta oo ka tirsan deegaanada Buuhoodle.

 

Dagaalkan oo ka dhashay weerar gaadmo ahaa oo Maleeshiyaadku ku qaadeen fadhiisimada ciidamada qaranka, ayaa waxa uu socday ilaa 11:00 duhurnimo ee maanta, iyadda oo la sheegay in labada dhinac ay kala gaadheen khasaare aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Wararka madaxa-banaan ee ka imanaya jiida dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada qaranku ay maleeshiyaadka ka dileen dad tiro ahaan aan la sheegin, isla-markaana ka qabteen gaadiidka dagaalka oo tiradooda lagu sheegay shan baabuur iyo maxaabiis tiro badan.

 

Dagaalkan oo laba jeer oo kala dambeeyay dhacay ka dib markii maleeshiyaadka oo la eryaday soo rogaac celiyeen ayaa dhanka kale la tilmaamay inay jiraan askar ka geeriyootay ciidamada qaranka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay jiraan khasaare ciidamada qaranka soo gaadhay iyo khasaare ay gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka isaga oo ka gaabsaday inuu tiradda dhimashada sheego.

 

Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Buuhoodle oo la sheegay inay taxadar badan ka muujinayaan dagaalada ay kula jiraan maleeshiyaadka Buuhoodle ayaa la sheegay inay imika heegan culus ugu jiraan inay iska difaacaan maleeshiyaadka.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool

 

 

Maxaad kudhufateen? bal kusoo celi, dharbaaxo todobaadle miyaa tiri loooooooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Buuhoodle oo la sheegay inay taxadar badan ka muujinayaan dagaalada ay kula jiraan maleeshiyaadka Buuhoodle ayaa la sheegay inay imika heegan culus ugu jiraan inay iska difaacaan maleeshiyaadka.

 

 

:D @Taxadar & Difaac... Ciidamadii qaranka iyo boarder xidhkii ma sidaanaa u danbeysay..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;786745 wrote:
Pirates maanta wa ka jiifta galkacyo dagaal xun ba ka socda , bariga sool dhirbaaxo kulul ba ku dhacday:D

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Loooooooool the local youth of Buhoodle defeat your army again and again, hopeless looooooooooool

 

 

Galkacyo is all a different story, meshaas heshiis baa la iska yahay, marmar ayaa la istaabtaabta ee wax buuran mahan, balo kama jirto. Adiga un haceeboobin caawa ama bari subax haday howshaa wanaag isaga dhamaato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX and his script are THE joke of the day! Wax kale odhan maaye alle ha kala qaboojiyo adiga iyo inta kula aqliga ahna alle xaqa ha tuso iyo inay dhulka & dadka nabad u daayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
;) you're loosing the grip awoowe.. Bal iska wada waxaa lagaa buuxiyey no one else here with that low of IQ would listen such thing..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heeeee Khadar IQ ma aniga goortan qalin jabiiyey hadaad ogaan lahayd balse ta u guda gali meyne eh waxad yeeleysa wa inad odoyadi buuhoodle la hadashid oo aad u sheegtiid inay nabada ka shaqeyaan oo ay wiilaasha AK47 Lo ordaya la xakameyo sii deegaanka dee nabadi uga dhalato nabadu ciid walba wa u dan. dee Awoow maha in mar walba ciidanka qaranka la kalifo wax si kale loo dhamayn karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this