Sign in to follow this  
Dr_Osman

Qardho Local Cabinet 3rd Session Begins. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Kalfadhigii 3aad ee Golaha degaanka Qardho oo furmay (Sawiro)

 

February 6, 2012 // Warar Somaali

 

Waxaa maantay si rasmi ah loo furay kalfadhigii saddexaad ee golaha degaanka degmadda Qardho, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Qardho.

 

Kalfadhigaan oo socday mudo saddex cisho ah ayaa waxaa looga doodayey wax yaabaha u hirgalay dowladda Hoose mudooyinkii ugu dambeyay.

 

Arimaha sida aadka ah looga doodayo ayaa waxaa ka mid ah Arimaha miisaaniyadda dowladda Hoose,Caafimaadka,Waxbarshadda,Amniga,Hagaajinta wadooyinka magaaladda iyo weliba sidii loo hirgelin lahaa sarre u qaadista arimaha bulshadda ee degaanka.

 

Kalfadhigaan ayaa waxaa gudoominayey Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaama la roor) iyadda oo la filayo in uu socon doono illa iyo dhowrka maalmood ee soo socda.

 

Golaha degaanka ayaa waxaa looga fadhiyaa wax ka qabshadda sidii wax looga qaban lahaa arimihii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta mashaariicda arimaha bulshadda .

 

Xildhibaatadda oo qaarkood hadal ka jeediyey kalfadhiga golaha degaanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka kalfadhiga 3aad ee Golaha degaanka.

 

Waceys Caydaruus Guure xoghaynta Golaha degaanka iyo duqa magaaladda Qardho ayaa u sheegay Saxaafadda in ay dhawaan ay soo gudbin doonaan qodobadda looga doodayo kalfadhiga golaha leeyihiin.

 

Kalfadhigaan ayaa waxaa uu noqon doonaa kii saddexaad oo golaha degaanka Qardho kaas oo la filayo in ay ka soo baxaan waxqabad dhab ah.

 

Puntlandnews24

Qardho-Soomaaliya

 

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Kalfadhi-Golaha-Deegaanka-Qardho-By-Blac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dr_Osman;786650 wrote:
I am running for office in Qardho, hell with Puntland its to big for me to manage

Its not a Cabinet, its called a Local council or municibility. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this