Dr_Osman Posted February 8, 2012 Kalfadhigii 3aad ee Golaha degaanka Qardho oo furmay (Sawiro) February 6, 2012 // Warar Somaali Waxaa maantay si rasmi ah loo furay kalfadhigii saddexaad ee golaha degaanka degmadda Qardho, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Qardho. Kalfadhigaan oo socday mudo saddex cisho ah ayaa waxaa looga doodayey wax yaabaha u hirgalay dowladda Hoose mudooyinkii ugu dambeyay. Arimaha sida aadka ah looga doodayo ayaa waxaa ka mid ah Arimaha miisaaniyadda dowladda Hoose,Caafimaadka,Waxbarshadda,Amniga,Hagaajinta wadooyinka magaaladda iyo weliba sidii loo hirgelin lahaa sarre u qaadista arimaha bulshadda ee degaanka. Kalfadhigaan ayaa waxaa gudoominayey Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaama la roor) iyadda oo la filayo in uu socon doono illa iyo dhowrka maalmood ee soo socda. Golaha degaanka ayaa waxaa looga fadhiyaa wax ka qabshadda sidii wax looga qaban lahaa arimihii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta mashaariicda arimaha bulshadda . Xildhibaatadda oo qaarkood hadal ka jeediyey kalfadhiga golaha degaanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka kalfadhiga 3aad ee Golaha degaanka. Waceys Caydaruus Guure xoghaynta Golaha degaanka iyo duqa magaaladda Qardho ayaa u sheegay Saxaafadda in ay dhawaan ay soo gudbin doonaan qodobadda looga doodayo kalfadhiga golaha leeyihiin. Kalfadhigaan ayaa waxaa uu noqon doonaa kii saddexaad oo golaha degaanka Qardho kaas oo la filayo in ay ka soo baxaan waxqabad dhab ah. Puntlandnews24 Qardho-Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted February 8, 2012 I am running for office in Qardho, hell with Puntland its to big for me to manage Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted February 8, 2012 Dr_Osman;786650 wrote: I am running for office in Qardho, hell with Puntland its to big for me to manage Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 8, 2012 Dr_Osman;786650 wrote: I am running for office in Qardho, hell with Puntland its to big for me to manage Its not a Cabinet, its called a Local council or municibility. Quote Share this post Link to post Share on other sites