Dr_Osman Posted February 8, 2012 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug ayaa Caawa markale gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kawada howlgalo culus oo lagu xaqiijinayo Amaanka guud ee gobolka Mudug gaar ahaana Amniga iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyadoo holwgalkana dad badan lagus oo qabqabtay imikana su’aalo lagu waydiinayo qaarkamid ah dadkii lagu soo qabqabtay howlgalada culus ee Amaanka iyo Xasiloonida lagu xaqiijinayo. Ciidamada Amaanka ayaa Howlgalkooda caawa laga dareemay guud ahaanba magaalada Gaalkacyo waxaana ciidamadan oo watay gaadiidka booliska ee gobolku ay howlgaladooda ka sameeyeen meelo badan oo kamid ah Magaalada Gaalkacyo iyagoona u ekaa inay si gaar ah u beegsanayeen goobaha ay ka dhacaan falalka ugu badan ee Amnidarada ah kuwaasoo dad badana kasoo qabqabtay meelo badan oo ay shilal ka dheceen iyo meelo kale oo ay saraakiisha Amaanku sheegeen in la tuhusanyahay. Gudoomiyaha gobolka Mudug ahna gudoomiyaha gudiga Amniga ee gobolka Mudug Mudane.Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo Howlgaladan si toos ah u hogaaminayey ayaa APL u sheegey in Howlgalada dad badan oo qaarkood la tuhunsanyahay lagu soo qabqabtay wuxuuna sheegey Gudoomiyaha gobolku in Howlgalkani uu yahay kii ugu balaarnaa ee lagu xaqiijinayo Amaanka gobolka Mudug, Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegey in dadka lasoo qabqabto su’aalo lawaydiin doono cidii wax lagu waayana la fasixi doono. Shacabka gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyey Howlgalkan culus waxaana ay sheegeen inay la shaqaynayaan ciidamada Amaanka si hubantii looga dhigo Amaanka gobolka Mudug, Shacabku waxay mahadcelin balaaran u direen Maamulka gobolka Mudug oo howlgalkan Amaanka lagu xaqiijinayo si qorshaysan usoo diyaariyey. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland, Team Quote Share this post Link to post Share on other sites