Garaad Bari Posted February 8, 2012 Dagaalkii xooganaa ayaa sii laba jibaarmey, wuxuuna hada isku bedeley mid gacmaha lasula tegay, Ciidama maamulka Khaatumo State ayaa u eg kuwo si xawli leh ugu siqaya difaacyada kuwa maamulka Hargaysa, ayagoo ugu yaraan afar goobood kala wareegay. Shabakada Horufadhi.com waxay indhaheeda saaraty baabuur nooca dagaalka ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano Shilke kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee maamulka Khaatumo State. Dagaalkan oo bilowday bacda salaada subax ka dib markii ay weerar gaadmo ah soo qaadeen mal;eeshiyaadka Siilaanyo ayaa u eg mid lagaga guulaystey. Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa hada u jahaystay dhanka tuulada Qorilugud oo fadhiisin u ah maamulka Hargaysa, ayadoo la sheegay in qax balaadhan ka soconayo Qorilugud. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 8, 2012 Allow Ummadan kala qabooji,,, waryaa usheega qoladan landta nabadu waa macaantahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 8, 2012 Waxaa goor hore oo saaka ah ka qarxay duleedka degmada Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Sool-joogto dagaal u dhexeeya ciidamada Khatuumo iyo kuwa maamulka la magac baxay Somaliland. Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii salaadda subax, waxaana weerarka soo qaaday ciidamada Somaliland oo iyagu markii horeba ku sugnaa meel aan Sool-joogto sidaas uga sii durugsanayn. Diryanka maadaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo ka baxsan meesha uu dagaalku ka socdo lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaaray labada garab ee ay dirirtu u dhexeyso. Wararkii ugu danbeeyey ee Horseed Media ay ka heshay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in dagaalka oo xiligan u muuqda mid sii xoogeysanayaa uu u fiday dhinaca tuulada Qori-lugud. Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada deegaanku ay gacanta ku dhigeen gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalidu (Cabdi-bilaha) u taqaano ah islamarkaana uu qori (Shilke) ahi saaran yahay. Sool-joogto waxay 30km ka durugsan tahay degmada Buuhoodle waana markii 6-aad ee halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada taabacsan maamulkii dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo iyagu rabay ina la wareegaan gacan ku haynta degamda Buuhoodle. Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay duleedka Buuhoodle ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
billan Posted February 8, 2012 For how long SL will continue spilling people's blood.. War aawayee kuwii lahaa culamaanahay oo waa in dagaalka la joojiyo may lahadlaan.. Allow umadan xaqa tus. Waxaa xaqiiq ah inuu dagaal iclaamiyey markuu Siilaanyo dhoofayey isagoo afkana kalahaa gogol nabad baa dhigay yet orders his thugs to attack daily to Buhodle and its people. This dog has two mouths.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 8, 2012 waa nasiib daro waana wax laga naxo maalaayacni lagu laayo dad soomaliyeed,,,,, marka aan caqliga saliimka aannu shaqayn waxaan oo kalaa dhaca....... qoladaan Hargaysa maannay quusan qadiyad caalamkoo idil diiday oo 20 sano dabada ka riixayeen maxay wiilashooda iskaga laynayaan war yaa alla yaqaaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 8, 2012 War ma ciidanki qaranka ruqaansaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 8, 2012 Xaaji Meesha ciidanna majiraan,,, waxay gawaari wateeen laga furay:::::: nimankii Khaatumo waa dhaarsanyihiin,, Qorilugud na ugacan gashay,,, PICz of gawaaridii dagaalka ee landta laga qabsaday,, Gari Qabaalla http://horufadhi.com/2012/02/08/war-culus-daawo-gaadiidka-laga-qabsaday-jabhada-snm/ Gaari Zuu ah http://horufadhi.com/2012/02/08/deg-deg-daawo-sawirada-gaadhiga-suuga-ah-ee-laga-qabtay-maamulka-snm-live/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 8, 2012 More to come!!! stay tuned Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted February 8, 2012 Xaaji Xunjuf;786632 wrote: War ma ciidanki qaranka ruqaansaday Haa ciidankii qaranka baa mar kale ciyaal xaafada ku baashaalay. War nimanyahow dad tababaran soo dira. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 8, 2012 Hadhow uun yaan la ooyin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 8, 2012 By the way dagaalka saaka nabad diidka so qaaday garaad bairyow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted February 8, 2012 Waxba kama qabo ... bal marka la madax tirsado habro Burco iyo Hargeysa ka cabaadaya yaanan maqlin. You guys still have a chance to vacate SSC territories and live in peace with your neighbors. The choice is yours. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 8, 2012 Xaaji Xunjuf;786632 wrote: War ma ciidanki qaranka ruqaansaday Haa XX way soo ruqaansadeen kadibna waa lagu ruqaansaday! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted February 8, 2012 Haa XX way soo ruqaansadeen kadibna waa lagu ruqaansaday![/QUOT dabadeedna waa laraamsaday! Quote Share this post Link to post Share on other sites