Sign in to follow this  
Somalina

Hello South Sudan

Recommended Posts

Somalina   

saxiixa.jpg

 

Ra’isul Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa shalay magaaladda Juba ee dalka cusub ee South Sudan wuxuu heshiis laba geesood ah iyo cilaaqaadka labada wadan dhexmara kula saxiixday wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas Nhial Deng Nhial.

 

Ra’isul Wasaare ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehliyay lataliyaha wasaaradda arrimaha dibada Xarbi Cali Kullane iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee koonfurta Sudan Maxamed Cusmaan, halka dhinaca Koonfurta Sudan uu xafladda heshiiska lagu kala saxiixday goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka xiriirka caalamiga ah Prof. Elias Nyamieli Wakoson.

 

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa xukuumada South Sudan kala hadlay arrimaha Soomaalida ka ganacsada dalkaas, waxayna intii ay ku sugnaayeen caasimadda Jubba xabsiga laga siidaayay dhowr qofood oo Soomaali ah oo xirnaa.

 

Wasiirka arrimaha dibada ee South Sudan ayaa ballan qaaday inuu dhawaan booqosho ku tagi doono magaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isla markaana ay xukuumadiisu gacan ka geysan doonto dhismaha safaaradda Soomaaliyae ee South Sudan, si heshiisa diblumaasiyadeed ee laba geesoodka ah uu u dhaqan galo.

 

Waa markii ugu horeysay ee labada dal ay kala saxiixdaan wax heshiis ah, maadaama dalka South Sudan uu ku cusubyahay Siyaasadda Caalamka iyo dowaladaha Dunida.

 

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa hagaajinta cilaaqaadka kala dhexeeya Soomaaliya wadamada kale ee caalamka.

 

Dalka South Sudan ayaa bishii July ee sanadkii hore ka xoroobay dal weynaha Sudan, waana markii labaad ee wafdi heer qaran oo Soomaali ah ay booqasho ku tagaan magaaladda Jubba ee caasimada Koofurta Sudan.

 

Wasaaradda Arrimaha dibadda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this