Liibaan Posted February 7, 2012 Wafti Balaadhan oo ka Socda Maamulka Khaatumo State oo ku Sii Jeeda Dalka Norway oo ay Casuumaad ka Heleen. Wufuud Balaadhan oo uu Horkacayo Raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Khaliif Galaydh ayaa ku sii jeeda dalka Norway. Waftiga Khaatumo State waxaa ka mid ah Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Pro: Xuseen Saleebaan X, Axmed iyo xubno kale. Wufuudan oo ka ambabaxday magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa casuumaad rasmi ah ka helay wasaarada arimaha debeda ee dalkaasi Norway. Dawladda Norway iyo maamulka Soomaaliyeed ee Khaatumo State ayaa lagu wadaa inay isla lafa guraan arimo badan oo khuseeya labada dhinac, sida arimaha nabadgelyada , Xidhiidhka caalamiga ah iyo deeqaha ay xaqa u lee yihiin shacabka Khaatumo ee Soomaaliyeed. Sida uu noo xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada xidhiidhka caalamiga ah ee maamulka Khaatumo State xubnahan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dawladda Norway oo ka mid ah dawladdaha deeqaha ugu badan siiya dalka Soomaaliya. Dawladda Norway ayaa ka mid dawladaha ugu badan ee hada daneeya arimaha Soomaaliya ayadoo xubin ka ah kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee loo yaqaano,{Contact Group}. Sidoo kale hay’ada keliya ee ka hawlga deeganada Khaatumo State Of Somalia ayaa ah hayda loo yaqaano Norwegian People’s Aid{NPA}. Taasoo si xawli ah uga shaqaysa deeganada Khaatumo kana hirgelisay ceelal biyoodyo fara badan iyo xarumo caafimaad oo dhamaadtood ku yaala deeganada maamulka Khaatumo ee Soomaaliyeed. Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee maamulka Khaatumo State si Rasmi ah ugu tago dalalka reer galbeedka, kuwaasoo hada daneynaya in ay iskaashi la yeeshaan maamulka cusub ee Khaatumo State Of Somalia. Horufadhi News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 7, 2012 Going to norway i told you so the Khaatumo is going back to the qurbo:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 7, 2012 Khatimo ma cali baad u taqaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted February 7, 2012 A_Khadar;786455 wrote: Khatimo ma cali baad u taqaan? Khadarna Xaaji ma barto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 7, 2012 Taleexina xaajiga juq juqeynta kama dayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted February 7, 2012 Waayehee aan isdeyno. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 7, 2012 Xaaji, soo adigii lahaa Professor-ka waa la xiray! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 7, 2012 ^^ goormaan idhi professorka wala xidhay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 7, 2012 ^Ma waxaad leedahay Saalax and co of SOL waxay soo qorayeen kumaadan jirin? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 7, 2012 Mayaa xita salax ma odhan wala xidhay war uun buu so tabiyey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 7, 2012 Dee adna waad ku raacdoo tiri "free the professor". Miyay taa ahayn inaad rumaysatay warkii beenta ahaa ee aad madadaalada inii ahaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 8, 2012 Wafuud Badan oo ka Socda Khaatumo State of Somalia oo Jabuuti iyo Norway Gaadhay, Wafdi Kalana Ku Sii Jeedo Caasimada Soomaaliya Muqdisho Isimadda Khaatumo ayaa maanta gaadhay magaaladda Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyey madax sar sare oo ka tirsan Dawladda Jabuuti iyo waliba madax dhaqameedka wadankaas waxana Isimadda loo galbiyey dhinac magaaladda oo ay galabta iyo caawaba shirar kula lee yihiin Madaxdda Jabuuti Isimadda ayaa markii hore ka soo kicitimay dalka Itoobiya oo ay kulamo kula yeeshay madaxdda dalkaas iyaga oo ay kulamadaas ku waheliyeen xubno ka tirsan Golaha9 waxana ugu danbayntii ay Isimadu ka qayb galeen Caleema saarkii Garaadka Guud ee Beelaha ****** iyo Adeerkood oo ka dhacay Dhagax buur Golaha Sare ee Dhaqanka ( Isimadda) iyo Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) ayaa Khamiista isku tagaya magaaladda Muqdisho si ay ula soo kulmaan madaxdda DFKM ee Soomaaliya oo ay Casumaad rasmi ah ka heleen, waxaa la filayaa in Dawladda Shiikh Shariif ay ka wada hadlaan sidii Iskaashi uu u dhexmari laha Khaatumo iyo Xukuumadiisa Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Wafti culus oo uu horkacayo ayaa maanta u dhoofay dalka Norway ka dib casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasaaradda Arimaha dibadda ee Dalka Norway waxana waftidan ay kulamo la qaadanaysaa Wasiirka Arimaha dibadda ee Norway iyaga oo kala hadli doono deeqaha ay Dawladda Norway siiso deegaanadda Khaatumo State loona soo marsiiyo Haayadda NPA oo shaqaaleheedu wax badan uu lunsaday, waftidan Dr Cali Khaliif horkacayo ayaa dalka Norway uga sii gudbi doono dalka Uk kaas oo ay 12 bishan ka qayb galaya shir weyn oo loogu dabaal dagayo Khaatumo state Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 8, 2012 Gheelle.T;786484 wrote: Dee adna waad ku raacdoo tiri "free the professor". Miyay taa ahayn inaad rumaysatay warkii beenta ahaa ee aad madadaalada inii ahaa? Dee wa hadu xiidhna laakin anigu waligay ma odhan profesoorku wu xiidhanyahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
AsadSL Posted February 8, 2012 Waba riwayaad socda. Quote Share this post Link to post Share on other sites