Sign in to follow this  
A_Khadar

Duqayn la isku waydaarsaday Jiida hore ee Maygaagle oo Khasaare Lixaadleh gaadhsiisay jabhada SNM

Recommended Posts

A_Khadar   

Duqayn la isku waydaarsaday Jiida hore ee Maygaagle oo Khasaare Lixaadleh gaadhsiisay maleeshiyaadka Jabhada SNM

kalshaale-300x225.jpg

Waxaa galabta la isku waydaarsaday madaafiic jiida hore ee dagaalka halka loo yaqaano Maygaagle, ka dib markii maleeshiyaadka SNM ay soo rideen madaafiic. Jawaab la siiyey ayaa dhalisay in laga gubo gaadhi nooca dagaalka ah iyo mid xaamuul ah oo khasaare lixaadleh gaadhay. Halka afar ka mid ah maleeshiyaadkoodana la sheegay in dhawaacyo halis ahi soo gaadheen.

 

Ciidamada qalabka sida ee maamulka Khaatumo State ayaa dhankooda waxaa ka dhaawacmay hal askari, kaasoo qaba dhaawac fudud oo lugta midig ah. Maleeshiyaadkii SNM ee rasaasta daan daansiga ah soo ridey, ayaa dib ugu durkay dhanka tuulada Qoorilugud oo dhawaanahan ay ku sii siqayeen, ka dib guuritaankii Ciidamada Khaatumo ay ku doonayaan inay ku sifeeyaan guud ahaan deeganada Khaatumo State.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee ku soo dhacaya xafiiska shabakada caalamiga ah ee Horufadhi ee magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka SNM gudahooda ay hadhaysay isku dhexyaac iyo khilaaf, kaasoo maalmihii u danbeeyey joogto noqday, ka dib markii ay kala amar qaadan waayeen, isla markaana ka niyad jabeen beenta loo sheego ee ah cidi idima hortaagna iyo wararka warbaahinta SNM laga sii deynayo ee ka soo yeedhaya Horjoogayashaya maamulka Hargaysa ee lagu jaho wareerinayo Shacabka beelaha degan Hargaysa iyo Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this