Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khaatumo returned where it came from back to the diaspora

Recommended Posts

Kooxdii Ku Maxaafsanaysay Maamul Goboleed S/land Laga Dhaqdhaqaajiyo Si Ay Shirka London Uga Qaybgalaan Oo Markii Ay Ku Fashileen Isku Diyaarinaya Inay U Duulaan Qurbihii Ay Ka Yimaadeen

Hargeysa, February 7, 2012 (Haatuf) – Kooxdii Siyaasiyiinta Somaliland diidka ahaa ee uu Cali Khaliif Galaydh hor boodayey ayaa la sheegay inay isku diyaarinayaan inay dib ugu noqdaan dalalkii qurbaha ee ay ka yimaadeen kadib markii ay beenawday riyo ay ku doonayeen in Maamul goboleed ay samaysteen ay kaga qaybgalaan shirka London loogu qabanayo Kooxaha iyo Maamul goboleedyada Somalia bishan February oo aan shirkaasi laga ogolayn in wax loogu yeedho Maamul goboleed oo dhulka Somaliland lagaga dhawaaqo ay ka soo qaybgalaan.

Cali Khaliif Galaydh oo ahaa gadhwadeenka kooxdaasi ayaa markii uu ku hunguubay una suuragali wayday inuu shirka London kaga qaybgalo waxa uu ula baxay Khaatumo State ayaa la sheegay inuu u duulay dalka Norway oo uu u sii dhaafi doono Maraykanka oo uu degan yahay, iyadoo sidoo kalena wararka ka imanaya deegaanka Buhoodle ay sheegayaan in siyaasiyiintii ka hadhay Cali Khaliif ay sidoo kale iyaguna isku diyaarinayaan sidii ay ugu amba bixi lahaayeen wadamadii qurbaha ee ay ka yimaadeen kadib markii ay socon wayday qorshihii ay ku doonayeen in maamulkaasi ay la baxeen ay kaga qaybgalaan shirka London.

Horaantii Bishii January ee 2012-ka ayay ahayd markii Beesha sool oo ka mid ah Beelaha reer Somaliland dega ay Shir ujeedadiisu ahayd in beesha sool ay kaga tashato arimaha gudahooda iyo nabad ku wada noolaansha beelaha reer Somaliland ayay geedi socodkii shirkaasi Taleex ka dhacay majara habaabiyeen kooxda Cali Khaliif, kuwaas oo si lama filaan ah ugu dhawaaqay maamul goboleed 10-kii Bishii January, isla markaana hadafkoodu uu salka ku hayey in ay kaga qaybgalaan shirka London iyaga oo huwan waxa ay ugu yeedheen Khaatumo Seeg State.

Siyaasiyiintan oo markii ay maamulkaasi ku dhawaaqeen si weyn loogu kala qaybsamay, isla markaana koox uu wato Xagla Toosiye oo doonayey in magaca Maamul ku sheega Khaatumo laga dhigo SSC ayaa markii uu cadho kaga soo baxay shirkaasi isaga iyo garaado deegaanka Buhoodle ahi ay ku dhawaaqeen gogol Nabadeed oo la galaan Somaliland, isla markaana tilmaamay in shirkaasi iyo maamulkaasi aanay waxba ka jirin.

Siyaasiyiintan uu gadhwadeenka ka ahaa Cali Khaliif Galaydh ayaa la tilmaamay in markii ay ku dhawaaqeen Maamulkaasi inay qoraalo u direen dawladda Britain si ay shirka London uga qaybglaaan, balse waxa wararku ay tibaaxeen in arintaasi ay ku hungoobeen kadib markii laga diiday in wax maamul goboleed ah oo Somaliland gudahooda lagaga dhex dhawaaqo aan la aqbali Karin in shrikaasi ay ka soo qaybgalaan, taas oo keentay in Cali Khaliif uu ka baxo dhulka Somaliland oo uu guuldaro ugu caraabo Qurbihii uu ka miyid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

All will become clear during the London Conference. If the new leadership of the Khaatumo project is allowed to participate in the Conference, then the Khaatumo gamble will have paid off (in all honesty). If, however, they're denied participation as a region/stakeholder, then it will be a set back for the architects of the Khaatumo project.

 

Let's wait till late February.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

So you're implying the whole purpose of Khatimo state of Somalia was for London's conference? Too sad if you didn't follow the history of its early stage back in early 2011 KH1 for it's decisive agreement to help KH2 in home. A that time, there was no such London conference unless you are saying the master minds of Khatimo are aware of unseeables, istaqfurulahi..

 

Regardless of Lodon's participation, Khatumo is a regional state within Somalia where its people decided to mind their affairs..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this