Shinbir Majabe Posted February 7, 2012 Ra’isul Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa shalay magaaladda Juba ee dalka cusub ee South Sudan wuxuu heshiis laba geesood ah iyo cilaaqaadka labada wadan dhexmara kula saxiixday wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas Nhial Deng Nhial. Ra’isul Wasaare ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehliyay lataliyaha wasaaradda arrimaha dibada Xarbi Cali Kullane iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee koo nfurta Sudan Maxamed Cusmaan, halka dhinaca Koonfurta Sudan uu xafladda heshiiska lagu kala saxiixday goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka xiriirka caalamiga ah Prof. Elias Nyamieli Wakoson. Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa xukuumada South Sudan kala hadlay arrimaha Soomaalida ka ganacsada dalkaas, waxayna intii ay ku sugnaayeen caasimadda Jubba xabsiga laga siidaayay dhowr qofood oo Soomaali ah oo xirnaa. Wasiirka arrimaha dibada ee South Sudan ayaa sheegay ballan qaaday inuu dhawaan booqosho ku tagi doono magaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isla markaana ay xukuumadiisu gacan ka geysan doonto dhismaha safaaradda Soomaaliyae ee South Sudan, si heshiisa diplomaticyadeed ee laba geesoodka ah uu u dhaqan galo. Waa markii ugu horeysay ee labada dal kala saxiixdaan wax heshiis ah, maadaama dalka South Sudan uu ku cusubyahay Siyaasadda Caalamka. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa hagaajinta cilaaqaadka kala dhexeeya Soomaaliya wadamada kale ee caalamka. Dalka South Sudan ayaa bishii July ee sanadkii hore ka xoroobay Sudan, waana markii labaad ee wafdi heer qaran oo Soomaali ah ay booqasho ku tagaan magaaladda Jubba ee caasimada Koofurta Sudan. Xigasho: http://radiomuqdisho.net Quote Share this post Link to post Share on other sites