Sign in to follow this  
Dr_Osman

Carafaat Says Mogadishu Is being punished because of our Intense tribalism and hatred. Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Tarsan2-300x202.jpg

 

Tarsan: Dadka Reer Muqdishow Waxaa Meeshan Dhigay Waa Dulmigii ay Galeen iyo Qabyaalad (Dhageyso)

Comments (3) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho looga baahan yahay inay dib u midoobaan ayna iscafiyaan ka dib markii labaatan sano ay ku soo jireen qabyaalad. nacayb iyo dulmi ay dadka kale u geysteen, siduu yiri.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadal uu ka jeediyey xaruntii degmada Wardhiidley oo shalay lagu qabtay xaflad lagu maamuusayey dib u soo celinta dhismayaasha dawlada ee ay dawladu wado ayaa sheegay in loo baahan yahay dib u soo celinta bilicdii magaalada iyo in dadku iscafiyo.

 

“Dulmigii magaaladan lagu galay iyo colaada shacabka la dhexgeliyey waxay keentay in ciqaab Illaahay ka timaado, sababtoo ah ummadu markay dambaabeyso hadey si furan u dambaabto ciqaab baa ku imaaneysa, ciqaabtaasoo ahayd gumaad, cabsi, qax, gaajo iyo faqri” ayuu yiri mudane Tarsan.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in barnaamijka ay dawladu wado uu yahay sidii bulshada loogu soo celin lahaa noloshii hore ee ay lahaan jirtay.

 

Wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay iska daayaan nacaybka iyo qabyaalada isla markaana dib loo soo celiyo dhaqankii wanaagsanaa ee bulshada ay lahaan jirtay kaasoo ku saleysnaa “karti, saaxiibtinimo iyo aqoon”.

 

“Dadkii waagii hore waxaa la isku wareysan jiray, aniga reer Wardhiigley baan ahay, waxaan ahay reer Hodan…. taasaana rabnaa inay soo laabato” ayuu yiri gudoomiyaha.

 

Tarsan wuxuu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ahmiyad gaar ah siinayaan amaanka iyo nadaafada isla markaana degmooyinka lagu tartansiinayo horumarkooda xagga amaanka iyo nadaafada.

 

DHAGEYSO KHUDBADA GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR

 

Dhanka kale gudoomiye Tarsan wuxuu sheegay in hawlgalja soo celinta guryaha dawlada la sii wadi doono illaa dhamaan adeegyadii bulshada ay ka soo laabtaan. Wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay gacan ku siiyaan maamulka arintaasi fulinteeda.

 

RBC Radio

 

Audio

http://www.raxanreeb.com/2012/02/tarsan-dadka-reer-muqdishow-waxaa-meeshan-dhigay-waa-dulmigii-ay-galeen-iyo-qabyaalad/

Share this post


Link to post
Share on other sites

I disagree the people of Mogadishu iyaga ba la dulmiye from warlords Islamic Militants Siyad bare, allah does not punish people who are innocent. Warlords held the people of Mogadishu hostage for years the residents of Xamar are innocent. Reer Mogadisho never supported dulmi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Dr.Osman, why are you comparing me with Tarzan? However I like the man and he has a point. Somalia iyo kuligeen waxa meeshan na dhigay dulmi aanu geesanay, kolay anigu macaa eeda wee ii saaran tahay. We need to look at our selves and look how we can improve ourselves, pointing fingers has no use, yaa Boqor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this