walaalkis Posted February 6, 2012 Buuhoodle: (Sh. M. Network) Iska horimaad muddo socday ayaa la sheegay in uu dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Maamul la magacbaxay Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle ee gobolka Togdheer sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah. Inta la’ogyahay hal ruux ayaa geeriyooday sadax kalena way dhaawacmeen kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana Max’ed Xasan Max’ud oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Togdheer uu u sheegay Shabelle in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland islamarkaana ay Madaafiic ku garaaceen dad shacab ah oo ku sugnaa degmada Buuhuudle ee gobolka Togdheer. Nabadoonka ayaa sheegay in dhinacoodu uusan qasaaro kasoo gaarin dagaalka, hase ahaatee waxa uu hoosta ka xariiqay in qasaaro badan ay gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Somaliland oo uu sheegay inay kusoo duuleen deegaankaasi. Maalmihii dambe ayaa xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ah waxa ay ka taagneyd deegaanada gobolada SSC, waxaana dagaalo marar badan halkaasi ka dhacay ay qasaaro badan gaarsiiyeen dadka shacab oo ku nool deegaanadaasi. Looks like this will be long battle for both sides Quote Share this post Link to post Share on other sites