Carafaat Posted February 6, 2012 Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cali Khaliif Galaydh oo maanta Addis Ababa wadahadalo ku yeelanaya iyo Itoobiya oo Heshiis ka dhex wada Waxa la filayaa inay ka wadahadli doonaan Shirka Ingiriiska oo lagu wado inay wada tagayaan iyo Nabadgelyada Goboladda Barri Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo oo maanta u kicitimaya Addis Ababa Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmedc Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar iyo Madaxtooyadda Xirsi X Cali Xasan ayaa saaka u Ambabaxaya Caasimadda Dalka Itoobiya halkaas oo la filayo inay wadahadalo toos ah iyo kuwo dadbaniba ku dhex maraan kooxda Khaatumo State dhawaan kaga dhawaaqday magaaladda Taleex kuwaasoo toddobaadkii ugu danbeeyayba ku sugnaa Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Ilaa hada Xukuumadda Somaliland kamay hadal safarkan iyo Ujeedadiisa hase yeeshee sida ay Waaheen u sheegeen Ilo xogogaal ahi waxa la filayaa inay Dawladda Itoobiya ku qanciso sidii ay wadahadalo toos ah u yeelan lahaayeen Kooxda Cali Khaliif oo ku sugaysa Itoobiya inkastoo warar kalena sheegayaan Cali khaliif in uu isla maantaba ka baxayo dalkaasi oo uu u xadhko xidhanayo shirka Ingiriiska loogu qabanyo Somaliya oo ay isaga iyo Madaxweynaha Khaatumo ku dhawaaqay ka wada qayb galayaan. Si rasmi ah looma oga xogta dhabta ah hase yeeshee sida ay sheegayaan dadka Siyaasadda Odorosaa waxa la filayaa inay ka wadahadli doonaan Madaxweyne Siilaanyo, Kooxda Cali Khaliif ee Khaatumo iyo Dawladda Itoobiya sidii nabad waarta iyo xasilooni looga dhalin lahaa Goboladda barri ee Somaliland ee dhawaan dagaalku ku dhex maray Somaliland iyo Kooxda Khaatumo State maadaama colaada halkaas ka huraysaa saamayn labada dhinac iyo Itoobiyaba ku yeelanayo. Sidoo kale aragtida kale ee la hadal hayo in socdaalka Madaxweynuhu ku qotonto ayaa ah in kooxda Khaatumo iyo madaxweyne Siilaanyo isla soo hor fadhiisan doonaan maadaama Somaliya shir loo qabanayo labadooda dhinacna sida la hadal hayo ka wada qayb galayaan in aragtida siyaasiga ah ee ay ku kala duwan yihiin loo mideeyo sidii iyagoo Somaliland oo kali ah ama gobolada Waqooyi ah ay uga wada qayb gali lahaayeen. Si kasta ha ahaatee xogta dhabta ah ee socdaalka Madaxweynaha iyo xubnaha Wasiiradda ah waxa la ogaan doonaa marka ay Addis Ababa gaadhaan maadaama la adkeeyay xogta rasmiga ah safarkooda laga ogyahay. Warar hore oo ay Xukuumaddu ka gaabsatay ayaa sheegayay in Cali Khaliif iyo madaxweyne Siilaanyo hore ugu kulmeen Addis ababa ka hor intaanay kooxdaasi ku dhawaaqin Khaatumo State isla markaana uu jiray Xidhiidh Siyaasadeed oo ka dhaxeeyay iyadoo horena ay u jireen tuhuno sheegaya in ay Saaxiibo dhaw yihiin Cali Khaliif Iyo Madaxweyne Siilaanyo balse la odhan karo ilaa hada waxa jira heshiisyo qarsoodi ah oo aan soo shaac bixin oo Ummadda laga qarinayo ama waxa jira sidii ay Xukuumadda Somaliland ku dooday markii lagu dhawaaqay khaatumo in la khiyaameeyay oo shir beeleedkii loo sheegay in ay qabsanayaan beesha Cali Khaliif iyo ay isku bedeshay Maamul Madax banana. Dhinaca kalena safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xidhiidh la leeyahay socdaal dhawaan ay dalka Itoobiya ku tageen wasiiradda Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duura kaasoo ay madaxda Dalkaasi ka wadahadleen Arrimo la xidhiidha dhinaca Ganacsiga iyo Isticmaalka Dekedda Berbera iyo Xaalada Colaadeed ee ka taagan bariga Somaliland kaasoo ay labada Wasiir Mar ay saxaafadda kula hadlayeen Addis Ababa ay sheegeen Xukuumadda Itoobiya inay isku af-garteen isla markaana kulamo kale ay iskugu soo noqn doonaan. Si kasta ha ahaatee socdaalka Madaxweynaha oo Ujeedooyinkiisu badan yihiin ayaa laga war sugu dooonaa inay tafaasiil dheeraad ah bulshada ka siiyaan marka ay baxayaan ama marka ay soo noqdaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 What a power delegation it would be, if Siilaanyo and Khaliif joined hands? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 6, 2012 Bulshit and disgraceful two somalilanders oo xabashi heshiisnayo ileen ceeb looma dhinto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 war nimanku waa heshiis. wouldnt suprise me, if they jet off together to Londen. Like they did in 1982. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted February 6, 2012 Xaaji Xunjuf;785665 wrote: Bulshit and disgraceful two somalilanders oo xabashi heshiisnayo ileen ceeb looma dhinto I think you and others have been living in bubble Xaaji. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 6, 2012 Carafaat if they were friends mr melez would've not tried to mediate between them Any way its sad two see two somalilanders trying so hard something they could have solved themselves. Che reer somaliland waxay ku faani jireen anaga hawlhayaga dhamaysana geed hoostis a h I believe today this is no longer the truth but I hope I am wrong and mr xuuto waaheen editor is being dishonest Deep inside I hope this is not true Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 Melez just offered some injeera and sidamo bun. He offers it to everyone. nothing special. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 6, 2012 Nonsense ciyaalish talks Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 Xaaji, why are you angry. Siilanyo is working towards his legacy. Kulmiye should praise the President. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 6, 2012 Xaaji Xunjuf;785665 wrote: Bulshit and disgraceful two somalilanders oo xabashi heshiisnayo ileen ceeb looma dhinto Now waa labo somalilanders and xabashi mediating between them is BS, but yesterday you were beating your chest up and calling him Nabad diid and other names and you were calling for his capture? What a hypocracy.. Now come back and tell me that wasn't u but was other landers.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 6, 2012 Xaaji Xunjuf;785691 wrote: Carafaat if they were friends mr melez would've not tried to mediate between them Any way its sad two see two somalilanders trying so hard something they could have solved themselves. Che reer somaliland waxay ku faani jireen anaga hawlhayaga dhamaysana geed hoostis a h I believe today this is no longer the truth but I hope I am wrong and mr xuuto waaheen editor is being dishonest Deep inside I hope this is not true Taa sow wixii la idinka waayey maah oo sheekadiinu anagaa Ciidamada qaranka ah & somaliland is muqadis kamaydan dhamaan waayin.. Awoowe cabaadka yaree somali adaa sidaa u kala fogeeyey.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 A_Khadar, xal qaado adeer. Anaku waan qadanay midnimadee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 6, 2012 Carafaat adiga you're a good heart fellow, this is more towards likes of XX the rest here who consistanly baac here with things like "Ciidamada qaran", supporting attacks for other people's homes, Somaliland is Muqadis, blaa blaa and many other BS.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 6, 2012 Ali Khalif was the last person, non AS, to ever talk to Adis regime. He always against them and also tell other somalis that Ethios are somalis #1 enemy.. Thanks u landers for bring him down to bow for Maliz. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 6, 2012 A_Khadar;785807 wrote: Now waa labo somalilanders and xabashi mediating between them is BS, but yesterday you were beating your chest up and calling him Nabad diid and other names and you were calling for his capture? What a hypocracy.. Now come back and tell me that wasn't u but was other landers.. I never called Cali khalif a nabadiid i call him the professor and you know that i have a high respect for educated people. he is a Somalilander by birth Cali Khalif is from the southern part of the sool region which is part of Somaliland republic him not being satisfied with the Somailand government is something else also Cali khalif is a smart politician we will get along and agree on things when time is right i am just pissed because Melez zanawi the Ethiopian is trying mediate something we could have solved ourselves. There were close talks between the SL government and the professor prior to the Khaatumo conference and there was some sort of agreement 3 points were discussed will tell you later about them. Quote Share this post Link to post Share on other sites