Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somaliland Joins Somalia Conference. Good Move President Siilanyo

Recommended Posts

Dr_Osman   

Maamulka Somaliland oo ka qayb galaya shirka London

 

5 Feb 5, 2012 - 11:19:18 AM

 

Mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhi-wada jir ah oo ay maanta yeesheen 5 Feb,2012 cod aqlabiyada ah ku ansixiyay in xukuumadda lagu taageero in laga qayb galo shirka Somaliya loogu qabanayo dalka Ingiriiska iyo wax laga bedelo golohu horey ugu diidey in gabi ahaanba Somaliland ka qayb gasho shirarka Somalida.

 

Fadhigaan ayaa waxaa guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxman Maxamed Cabdulahi Cirro, waxaana soo xaadirey 109 mudane oo ka mid ah 164 ee golayaasha guurtida iyo wakiiladda Somaliland, ka hor intii aan cod loo qaadin labadaasi qodob waxa khudbad ka hor jeediyay Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdulahi Cumar, kaasoo ka waramay faa’idada Somaliland ugu jirta inay shirkaasi ka qayb gasho.

 

Khudbada Wasiirka kadib guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa mudanayaasha ka codsaday inay cod u qaadaan labada qodob ee la soo hordhigay, waxaanu yidhi “mudanayaal waxaad ogtihiin in Madaxweynuhu shalay labada gole hor yimi oo uu u xog-waramay, maantana waxa yimi Wasiirka arrimaha Dibadda oo isna labada gole siiyay xog waran, waxaanu inagu war geliyay in xukuumaddu wada tashi balaadhan qaran samaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi Cirro isagoo la hadlaya Mudanayaasha waxa kale oo uu yidhi “laba arimood ayaanu mudanayaasha u soo jeedinaynaa midi waxa weeye waxa ina horyaala go’aan goluhu gaadhay mar hore, waxaana daruuri noqotay in inagoo ilaashanayna qaranimadeena inay danaheena kale ilaashano, markaa qodobka hore waxa weeye in qodob lagu soo daro Xeerkii lagu xakamaynayay in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaasoo ah in xukuumaddu ka qayb gasho oo loo arko in dani ugu jirto Somaliland.

 

Khudbada Guddoomiyaha kadib waxa ay xildhibaanadu u codeeyeen ansixinta labadaasi qodob, kuwaasoo 101 xildhibaan u codeeyeen in la ansixiyo, 3 mudane diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada qodob.

 

Geesta kale intii ay socotay dooda iyo ansixinta qodobadan saaka la soo hor dhigay mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland, waxa buuq iyo sawaxan laga dareemayay hoolkii ay doodaasi ka socotay, waxaana jiray mudanayaala ka soo hor jeeday in la meelmariyo qodobadaasi oo doodayay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamd Faarax Qabille oo isagu markii dambe iskaga baxay Golaha ka hor intii aan la codayn.

 

Go'aankan golaha ayaa noqanaya mid wax ka badalaya siyaasadii gooni isu taaga Somalilnad madaama muddo 20 sano kuwaasoo wax aqoonsi caalami ah aan helin.

 

Garowe Online, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Jacaylbaro;785605 wrote:
Yes ,, good move indeed. Somaliland from Lasanod to Ceelaayo as one nation represented by not other than President Siilaanyo
:D

Lol at you saving face after all of your calaacal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

General Duke;785610 wrote:
Somaliland State of Somalia or SSS is a good step indeed.

Indeed it is a good step for them to take.

 

Twenty years of doing nothing and simply praying for British attention did not work, now it is time to actually put a foot forward. We should commend them on their correction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this