Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President Jets Off to Addis Ababa

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org|- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Hargeysa u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisu qeyb ka yahay kulamo joogto ah oo ay labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaga wada hadlaan iskaashigooda.

 

Madaxweyne Axmed Sillaanyo waxa uu sheegay inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta sar sare ee dalka Itoobiya ay uga wada hadlaan dhinacyada cilaaqaadka labada wadan.

 

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray inuu dalka dib ugu soo noqon doono marka uu soo dhamaysto socdaalkooda Itoobiya.

 

Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay mad-madow la sheegay inuu soo dhex galay iskaashigii Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ku dooday inaanu jirin wax xidhiidh ah oo xumaaday wadanka Itoobiyana yahay dal ay iskaashiyo dhinacyo badan ah wadaagaan waxaanu tilmaamay in la sii horumarin doono.

 

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Itoobiya ku weheliya Marwada Koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Socdaalkaygan oo qaadan doona maalin keli ah, waxa aanu kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Ethiopia, kuwaas oo aanu kala hadli doono sii xoojinta xidhiidhka labadda dal oo hadda maraya meel aad u fiican, waxaanu qorshuhu yahay sidii aanu u sii xoojin lahayn" ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

 

Mar la weydiiyay socdaalkiisani bal in qorshihiisu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu sheegay in hadii danta qaranka Somaliland ay gasho ay la hadli doonaan.

 

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland oo ahaa mid kedis ah ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maalintii shalay ay labadda gole ee guurtida iyo wakiiladu cod aqlabiyadd ah ku ansixiyeen ka qayb galka shirka 23 February ka dhacay London uu ka qayb geli karo.

. .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar la weydiiyay socdaalkiisani bal in qorshihiisu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu sheegay in hadii danta qaranka Somaliland ay gasho ay la hadli doonaan.

Good one ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this