Jacaylbaro Posted February 6, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org|- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland oo ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Hargeysa u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisu qeyb ka yahay kulamo joogto ah oo ay labada wadan ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaga wada hadlaan iskaashigooda. Madaxweyne Axmed Sillaanyo waxa uu sheegay inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta sar sare ee dalka Itoobiya ay uga wada hadlaan dhinacyada cilaaqaadka labada wadan. Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray inuu dalka dib ugu soo noqon doono marka uu soo dhamaysto socdaalkooda Itoobiya. Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay mad-madow la sheegay inuu soo dhex galay iskaashigii Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ku dooday inaanu jirin wax xidhiidh ah oo xumaaday wadanka Itoobiyana yahay dal ay iskaashiyo dhinacyo badan ah wadaagaan waxaanu tilmaamay in la sii horumarin doono. Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Itoobiya ku weheliya Marwada Koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 6, 2012 "Socdaalkaygan oo qaadan doona maalin keli ah, waxa aanu kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Ethiopia, kuwaas oo aanu kala hadli doono sii xoojinta xidhiidhka labadda dal oo hadda maraya meel aad u fiican, waxaanu qorshuhu yahay sidii aanu u sii xoojin lahayn" ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo. Mar la weydiiyay socdaalkiisani bal in qorshihiisu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu sheegay in hadii danta qaranka Somaliland ay gasho ay la hadli doonaan. Socdaalka Madaxweynaha Somaliland oo ahaa mid kedis ah ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maalintii shalay ay labadda gole ee guurtida iyo wakiiladu cod aqlabiyadd ah ku ansixiyeen ka qayb galka shirka 23 February ka dhacay London uu ka qayb geli karo. . . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 6, 2012 Mar la weydiiyay socdaalkiisani bal in qorshihiisu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen Cali Khaliif Galaydh, ayaa waxa uu sheegay in hadii danta qaranka Somaliland ay gasho ay la hadli doonaan. Good one ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 6, 2012 Listen to the President's brief press conference at the airport Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 6, 2012 Siilanyu spokesman is having a hard time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 he should hire you Duke. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 6, 2012 I am not related to him like JB is. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted February 6, 2012 doesnt matter, Cukuse aint related to him either. Quote Share this post Link to post Share on other sites