Sign in to follow this  
Carafaat

Somaliland participates united in the upcoming Somalia Conference

Recommended Posts

Carafaat   

Somaliland Oo Ka Midaysan In Xukuumada Lagu Garab Galo Ka Qaybgalka Shirka London Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Hogaamin Doona Wefti Balaadhan Oo Isugu Jira Golayaasha Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada

 

Hargeysa, February 5, 2012 (Haatuf) – Golayaasha Qaranka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa si weyn uga midaysan in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo lagu guubaabiyo laguna garab galo ka qaybgalka shirka London ka furmaya 23-ka February ee Beesha caalamku kaga arinsanayso siddii xal loogu heli lahaa xaaladaha amaan daro ee Somalia ka taagan, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Nabadgalyada Mandaqada iyo guud ahaan Caalamka.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii shalay kulamo la yeeshay goleyaasha Baarlamaanka, Salaadiinta iyo Ururada Bulshada si uu ugala arinsado ka qaybgalka Somaliland ee shirka London ayay wada tashigaasi ka dib si buuxda ay dhamaantood ugu taageereen xukuumada in wefti balaadhan oo uu hogaamin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isugu jira Golayaasha Qaranka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ay ka qaybgalaan shirkaasi, isla markaana ay Somaliland in ka badan 40 dawladood oo madashaasi ka soo qaybgalaya ay ka hor cadayso Mawqifkeeda ku wajahan qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, kana talo bixiso waayo aragnimada ay u leedahay xalinta khilaafaadka iyo daminta colaadaha.

Madaxweyne Siilaanyo oo kulan casuumad ah ugu qabtay xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay goob joog ka ahaayeen shirgudoonada labada aqal iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulankaasi albaabadu u xidhnayeen isla markaana saxaafadu dibada ka joogtay, kaas oo la sheegay in labada gole ay ku taageereen Madaxweynaha in xukuumadu ka qaybgasho shirkaasi, maantana ay fadhi gole ku ansixin doonaan.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii shalay kulamo la yeeshay Salaadiinta Somaliland iyo Ururada Siyaaasada dalka, kuwaas oo ku dhawaaqay inay si buuxda ugu taageersan yihiin xukuumada in Somaliland si balaadhan uga qaybgasho shirka London lagu qabanayo 23-ka Bishan oo lagu lafa gurayo arimaha ka taagan Somalia ee saamaynta ku leh Mandaqada iyo guud ahaan Caalamka.

Salaadiinta Beelaha Somaliland iyo Masuuliyiinta ururada Siyaasada ayaa sidaasi ku sheegay shirar saxaafadeed ay u qabteen warbaahinta kala duwan ee dalka kadib markii ay shalay Madaxweyne Siilaanyo la yeesheen fadhi ay kaga arinsadeen in Shirka dawladda Ingiriisku soo qaban qaabisay laga qayb galo iyo in kale oo ay isla qaateen in Somaliland ay ka qaybgasho shirkaasi kadib markii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka qancisay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin In Weftiga Somaliland ka tagaya shirkaasi ee uu Maxweynuhu hogaamin doono in aan meel lala fadhiisin doonin kooxaha iyo Maamul Goboleedada Somalia, isla markaana Madaxweynaha Somaliland uu khudbad ka jeedin doono madasha shirkaasi ee ay ka soo qaybgalayaan in ka badan 40 dawladood.

 

Ugu horayn Salaadiintan oo shirjaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf si ay uga warbixiyaan kulankii wada tashi ee ay Madaxweynaha shalay la yeesheen oo ugu horayn Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaanu ka soo baxnay shir aanu la yeelanay madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada hadalnay go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay Somaliland, kaas oo aanu hore anagu hadii aanu nahay Golaha Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay inay maanta haboontahay in laga qayb galo. Nasiib wanaag Madaxweynaha iyo dawladu waxay go’aamiyeen oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka ay soo jeediyeen oo shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku taageernay in laga qayb galo shirkaasi oo maanta waxa inoo diidayaa jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran, markaa Madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu ducaynaynaa, shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaanu usoo jeedinaynaa inay go’aankaa nala qaataan,” ayuu yidhi Suldaanku.

 

Suldaan Siciid xaaji Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa Salaadiintaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Salaadiin ahaan ay taageersan yihiin in shirkaasi London la tago ayaa sidoo kale ka hadlay in Madaxweyne Siilaanyo ay kala hadleen dagaalkii dhawaan ka dhacay Buhoodle isaga oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu Madaxweynaha kala hadalnay shaqaaqada ka taagan gobolada bariga, gaar ahaan Degmada Buuhoodle, taasoo aanu soo jeedinayno anagoo Salaadiintii ah in arrintaasi nabad gelyo lagu dhameeyo colaad waynu naqaanaa oo wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Markaa waxaanu madaxdhaqameed ahaan ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso in nabad-gelyo iyo wada hadal lagu dhameeyo wixii wax tirsi ah, anagoo ka tacsiyadaynayna dadkii halkaasi ku dhintay qoysaskoodii iyo dhamaan shacbiga Somaliland inuu illaahay samir iyo iimaan ka siiyo, kuwii ku dhaawacmayna illaahayn ha u sahlo oo caaafimaad ha ugu bedelo”.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo isa guna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in talo wadajir ah ka dib markii la isla qaatay ay ka Salaadiin ahaan dawlada ku taageersan yihiin ka qaybgalka shirka London ee Somalida loo qabanayo, waxaanu Suldaanku madaxweynaha ugu baaqay in xubno Salaadiinta ka mid ah ay waftiga ka mid noqdaan Somaliland uga qaybgalaya shirkaasi, isaga oo xusay in Salaadiin ahaan ay meesha ay galaanba ay ka midho dhalinayaan.

 

Suldaan Aadan Faarax Cumar iyo Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo iyaguna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin in dawlada Somaliland ka qayb gasho shirka Somalia loogu qabanayo cariga Ingiriiska.

Salaadiintan ayaa sidoo kale ku baaqay in shaqaaqada Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan Deegaamada Buuhoodle lagu xaliyo wada hadal iyo nabad-gelyo, lana joojiyo colaada, iyagoo ugu baaqay Madaxdhaqameedyada deegaankaasina inay nabada iyo wada noolaanshaha Bulshada Somaliland ka shaqeeyaan, isla markaana ajiibaan gogosha nabada ee ay ugu baaqayaan.

Dhinaca kale Kulan kaa la mid ah oo 10 ka mid ah 15-ka urur siyaasadeed ee Somaliland ay Madaxweynaha arintaasi wada tashi kala yeesheen ayaa ku taageeray xukuumada in laga qaybgalo shirkaasi London.

 

Ugu horayn Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah gudoomiyaha ururka NDB oo shirkaasi jaraa’id ee ururadu ku soo bandhigayeen taageeradooda oo ay ku q

abteen Hotel Imperial ka hadashay waxa ay tidhi “Maanta Madaxweynahaa Noo Yeedhay oo nagala tashaday noona sheegay in maanta ay taagan tahay wakhti muhiim ah oo safar soogalay oo ku saabsan shirka London oo lagaga arinsanayo arimaha Somalia iyo gobolka guud ahaan in badan ayay dadku ka doodeen shacbigu is weydiiyeen, waxanay inta badan dadku isla garteen in madaxweynaha lgu taageero laguna hambalyeeyo talaabadaa uu qaaday oo ah in loo baahan yahay in somalialnd 20 sano ka dib ay iska qaaday daahii oo ay ka qaybgalayso shirkaasi oo lagaga hadli doono budhcad baddeeda ama nabadgalyada gobolka ama Somaliland mawqifka ay taagan tahay in laga cadeeyo meesha oo 44 dawladood in ka badani ay iskugu imanayso meesha, shacbiga reer Somaliland markaa waxa aanu u sheegaynaa in ay muhiim tahay in la fahmo in madaxweynaha iyo dawladda lagu garab istaago talaabadaa geesinimada leh ee uu qaaday oo loo baahan yahay in la garto in aynaan daah dabadii ka hadli Karin 20 sanadood kaidb ee ay maanta tahay in qadiyada

n ummadaha halkaa iskugu imanaya ee faraha badan loo soo bandhigo”.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSCD Kayse Cabdi Yuusuf ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu kulan wada tashiya la yeelanay Madaxweynaha iyo dareenka aanu ka qabno shirkaa London, waxa la isku afgartay kuna hambalyeynay inuu tago oo uu rabitaanka shacabka iyo rabitaanka somalialnd uu u gaadhsiiyo miiska caalamku isgu imanayo oo la yidhi dhawr iyo afartan dawladood ayaa isugu imaanaya, dhawr iyo afartankaa dawladdood in la hordhigo rabitaanka shacabka somaliland shay muhiim ah iyo fursad weyn baanu u aragnay isaga isaga iyo intii raaci karta oo waa la idiin sheegay in aanu tagayn madaxweynaha oo kaliya iyo saddex wasiir toonee Somaliland oo qarankeeda oo dhan iyo bulshada Somaliland haday tahay ururada Bulshada, haday tahay xukuumada, haday tahay ururada siyaasada iyo haday tahay qurba jooga dad badan baa kala qaybgalaya, dhamaana waxa aanu ku waafaqsanahay uguna sii ducaynay in shirkaasi uu tago oo uu ka qaybgalo wananu la qabnaa oo kuligayo arintaasi waanu ka midaysanahay”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Axmed Muxumed Cumar Guddoomiyaha Urur Siyaasiga Nasiye oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Madaxweynuhu waxa uu saaka fursad siiyey inuu la kulmo ururada cusub, waxaanu madaxweynuhu noo sheegay shirkaa mawduucyadii ku xidhnaa oo uu noo iftiimiyey waxyaabo farabadan (1) Waxa uu noo sheegay in Shirkaasi uu yahay fursad maadaama ay ka qaybgalayaan 44 dawladood oo caalamka ka mid ahi, Madaxweyneyaashii ay soo fadhiisanayaan ay noqonayso madashii ugu horaysay ee tiro intaa leeg oo dawladood isugu timaado inay Somaliland istaagto oo ay qadiyadeeda ka sheegto, waxa kale oo uu noo sheegay in dawladda Ingiriisku ay hawl badan ka qabatay sidii Somaliland aanay uga mid noqon lahayn ururadaa kale ee Somalia, waxa uu sidoo kale noo sheegay inay u cadeeyeen dawladda Ingiriisku inaan Somaliland ku jirin kooxaha Road Map-ka waxa loo yaqaano ku jirin, waxa kale oo uu Madaxweynuhu noo sheegay in Kuraasida halka shirka Somaliland ka fadhiisanayso inay ka duwanaanayso kooxaha kale ee Somalia ee shirka ka soo qaybgalaya. Waxa kale oo Madaxweynuhu uu noo sheegay in la siin doono Fursad uu kaga hadli doono qadiyada Somaliland oo uu khudbad ka jeedin doono shirkaa oo la siin doono, sidoo kalena in wefti heer qaran ah oo golayaasha qaranku ay ku wada jiraan inay kaga qayb galaan”.

 

Si kastaba ha ahaatee 10 urur ee Madaxweynaha kulanka ay wada yeesheen ayaa waxa ay kala ahaayeen, Ururada Wadani, Umadda, NDB, SSCD, Nasiye, Xaqsoor, Gurmad, Jamhuuriga, Rays iyo Horyaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somaliland’s parliament votes to attend Somalia conference in London

5 Feb 5, 2012 - 12:28:30 PM

 

HARGEISA, Somalia Feb 5, 2012 (Garowe Online) – The two houses of parliament in Somalia’s separatist region of Somaliland have voted overwhelmingly voted in favor of the Somaliland, Radio Garowe reports.

 

 

Somaliland leader Ahmed Silanyo at parliament in Hargeisa

The joint parliamentary session was held Sunday in Somaliland’s capital of Hargeisa and attended by 109 MPs from the elected House of Representatives and the nominated House of Elders (Guurti). The session, chaired by the Speaker Abdirahman Mohamed Irro of Somaliland’s House of Representatives, discussed two major issues: Somaliland’s attendance at the London conference and revision to a Somaliland law which prohibited participation at Somalia conferences.

 

Somaliland Foreign Minister Mohamed Abdullahi Omar addressed the joint session of parliament and argued strongly in favor of Somaliland’s attendance at the upcoming International Conference on Somalia, hosted by the UK Government in London on 23 February 2012, where UK officials expect the attendance of world leaders and diplomats from over 50 countries.

 

Speaker Irro told the parliamentarians that Somaliland President Ahmed Mohamed Silanyo addressed parliament earlier. “Today you have heard the Foreign Minister expressed that the administration has engaged in wide consultation regarding the London conference,” said the Speaker.

 

Continuing, Speaker Irro said: “There are two issues here: one issue is a prior law banning Somaliland participation at Somalia conferences, as it has become vitally important that we protect our statehood while simultaneously protecting our interests, and so there is a proposal to amend that law as the administration finds our Somaliland’s interest in attending the London conference on Somalia.”

The Somaliland MPs from both houses of parliament voted thereafter, with 101 MPs voting in favor of Somaliland’s attendance at the London conference, while 3 MPs rejected and 4 MPs abstained, and the Speaker did not vote. The law passed in favor of Somaliland’s attendance at the London conference on Somalia, parliamentary leaders declared.

 

Independent sources in Hargeisa tell Garowe Online that the parliament hall was loud and rowdy during the deliberations, with one legislator named MP Mohamed Farah Qabile storming out of the hall in anger.

 

Sunday’s vote by the houses of parliament in Somaliland favoring the separatist region’s attendance at the London conference marks a major shift in policy for the separatist region, which has deliberately stayed away from the more than 15 Somalia peace conferences held in capitals like Cairo, Addis Ababa, Djibouti, Nairobi, and soon London.

 

It is not clear what brought this major shift in policy in Somaliland, but the change comes at a momentous time in Somalia’s recent history with African peacekeepers and neighboring countries’ armies seizing control of land from Al Qaeda-affiliated Al Shabaab terrorist group in south-central Somalia.

 

Political analysts say international pressure, particularly by the UK government, played a key role in influencing politics in Somaliland, a former British protectorate. Last month, Somaliland forces faced a resounding military defeat after a failed invasion of Buhodle town, a failed military operation that exposed Somaliland’s clan politics and its stretched military might.

 

Somaliland, located in northwestern Somalia, unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991 but has not been recognized internationally.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;785629 wrote:
Indeed for breaking with and moving away from the rubbish that the late Egaale AUN put in place. He is doing a great job...

waryaa, AUN my adeer Egaal or my Abti Tuur would have done the same. But unfortuantly Somali folks werent ready at that time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah, when Tuur & Egaal went to war, costing the lives of thousands and destroying whole towns. Who was not ready? Adeer spare us the bull.. Siilanyu has been forced to abandon the legacy of Egaal. Now that's a good thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

General Duke;785651 wrote:
^^^Yeah, when Tuur & Egaal went to war, costing the lives of thousands and destroying whole towns. Who was not ready? Adeer spare us the bull.. Siilanyu has been forced to abandon the legacy of Egaal. Now that's a good thing.

Duke, you have no idea about SL. Politics. Let me tell you that there isnt an inch of diffrence between Egaal, Tuur, Riyaale and Siilanyo.

See how United all 10 political parties, clan leaders, parlement, guurti and goverment is about Londen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

No duke changing policies is always good for the cause we need to know what the brits are cooking in london and the best way to know that is to be there

Siilaanyo was fighting for somaliland almost 3 decades sure history will remember him. In politics there are some principles but there always several policies one can apply its all about the end goal duke. We welcome the conference there will be more than 40 delegates from all over the world this is not pigfarm eldoret adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Jacaylbaro;785621 wrote:
Somaliland participates as ONE ...
:D

;);) What a disappointing creature that you're.. Yesterday was we're an independent nation SL and somalia conferences are not our business and here you're again. Ma intanaa lagu soo sheegay hadana ood ku qanacday.. Maad iska aamustid sida NG & Oodweyne.. Ileen qofaan xishoonayn..

 

It's good if that project is completely of your list. It's a bit sad, it disappeared that quick though.. Welcome back to reality all successionists.. That is what we were telling you all alone.. Somalia is one nation, under one flag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this