Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sool governor on the taleex Khaatumo conference

Recommended Posts

Shirkii Taleex Wuxuu ahaa Kacdoon Dhallinyarada iyo Dumarka ku Kooban’

 

Sun 05th Feb,2012

Badhasaabka gobolka Sool

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Gobolka Sool Mr. Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa beeniyey in uu wax khilaaf ah soo kala dhexgalay isaga iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Laascaanood.

 

Mr. Jiini-yare oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya, ayaa hadalkiisani daba socday war ku soo baxay shalay wargeyska Waaheen caddadkiisii 758 oo nuxurkiisu ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Taliyaha Qaybta Booliska Laascaanood gacanta isula tageen.

 

“Waxaan beeninayaa war ku soo baxay shalay wargeyska Waaheen cadadkisii 758 oo lagu yidhi waxa is-gacan-qaadan oo is dilay Guddoomiyaha Sool iyo Taliyaha Qaybta ee ciidanka Bilayska gobolkaas.

 

Wargeyska Waaheen sumcaddiisa ayaa ku xumaanaysa in uu wax aan jirin iska soo qoro, aniga iyo taliyuhuna laba qof oo wada shaqeeya oo is barbar taagan baannu nahay.” ayuu yidhi Jeeni-yare.

 

Badhasaabka oo Jamhuuriya wax ka waydiiyey xaaladda guud ee Gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay; “Xaalad fiican oo degen ayey ku jirtaa, wax culays ah oo na saarana ma jiraan.”

 

Sidoo kale, mar la weydiiyey saamaynta uu shirkii Taleex ee lagaga soo horjeeday qaranimada Somaliland uu ku yeeshay gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay; “Shirkaa Taleex waxa jirtay inuu abuuray kacdoono shacbi, waxa uu ahaa kacdoon dhallinyarada iyo dumarka ku kooban, laakiin muu ahayn mid wax garadka saameeyey, iminkana dadkii waxgaradka ahaa ayaa wacyigeliyey, waanay kala deggan tahay xaaladdu wax dhibaato ahina ma jiraan,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this