Sign in to follow this  
Somalia

Somaliland ugu dulqaadan mayno inay markasta na yasto”Afhayeenka Galmudug.

Recommended Posts

Somalia   

Gaalkacyo:”Somaliland ugu dulqaadan mayno inay markasta na yasto”Afhayeenka Galmudug.

 

Gaalkacyo : (Allpuntland)-Maamulka Galmudug ayaa canbaarayn kulul usoo jeediyey maamul goboleedka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland taasoo ay Galmudug ku eedaysay in Somaliland ay kula dhaqanto dhaqan xumo iyo Aflagaado joogto ah oo ay Yasid iyo macno yarayn jiritaanka Galmudug ah taasoo ay Somaliland usoo qaadato maamul liita ama aanan jirin.

 

Afhayeenka Maamulka Galmudug Axmed Maxamed Baasto oo Maanta Warfidiyeenada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey in galmudug ay marar badan u dulqaadatay Dhaqan xumada iyo Aflagaadada maamulka la magacbaxay Somaliland taasoo uu sheegey inay Si diciifnimo ah iyo yasid ah ula dhaqanto Galmudug taasoo uu ku tilmaamay mid aan sina loogu dulqaadan Karin.

 

Afhayeenka Galmudug ayaa sheegey in Dawladiisu ay canbaaraynayso hadalada ay Somaliland markasta soo qaadato oo ay kamidyihiin”Annagu maamul Xaafadeed sida Galmudug oo kale ah lama fariisanayno”, Wuxuuna sheegey in taas ay ka xunyihiin.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland, K/Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this