Sign in to follow this  
Dr_Osman

Pirates Attack A Karkaar Envoy To Bendar Bayla But Repulsed

Recommended Posts

Dr_Osman   

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Karkaar oo deegaanka Baar-madow lagu weeraray

Updated:- 32 mins ago| 2 Commnets

 

Kooxo Burcad-badeed ah ayaa maanta ka afduubtay agagaarka deegaanka Baar-madow ee gobolka Karkaar gaari nooca raaxada ah oo ay wateen saraakiil ka tirsan hay’adda DAI iyo maamulka gobolka Karkaar kuwaas oo kusii jeeday degmada Bender-Bayla.

 

Kooxaha afduubka geystey oo ka yimid dhinaca degmada Xaafuun ayaa soo weeraray labo gaari oo ay wateen mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiye ku-xigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax iyo saraakiil ka tirsan hay’adda DAI oo safar shaqo ugu baxay degmada Bayla kana tegey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Duqa degmada Bayla Siciid Aadan Cali Ateeno oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa sheegay in falkaasii uu dhacay waxyar kahor salaada casarka ee wakhtiga gobolka geeska Africa, isagoo intaas ku daray in ragga weerarka soo qaaday oo aad u tira badnaa ay israsaaseeyeen ilaaladii wefdiga haseyeeshee ay markii danbe iyagu awood bateen.

 

Siciid Ateeno wuxuu intaas ku daray in Burcadii weerarka soo qaaday ay la hareen labada gaari midka danbe oo ay dhowr askari oo wefdigaas ilaalo u ahaa saarnaayeen haseyeeshee gaarigii hore oo ay mas’uuliyiintu la socdeeni uu kasoo baxsaday, wuxuuna intaas raaciyey in ay la aadeen dhinaca Xaafuun kadib markii ay ka dejiyeen ilaaladii wefdigaas la socdey oo 4-nin ahaa.

 

Duqa degmada Bayla ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay soo dhoweeyeen gudoomiye ku-xigeenka gobolka Karkaar iyo 3-qof oo kale kuwaas oo kasoo baxsaday kooxdii Jirri badeeda ahayd ee soo weerartay isagoo hadalkiisa kusoo afmeeray in xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay wax dhibaato ahina aysan kasoo gaarin weerarkii lagu soo qaaday.

 

Lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee ka danbeysa weerarka ay kooxdaas Burcad badeeda ahi kusoo qaadeen wefdiga ay gaariga ka qabsadeen ee kusii jeedey dhinaca degamda Bender Bayla, waxaase loo badaninayaa in uu damac ka galay gaadiid ay xubnahaasi wateen oo ah nooca raaxada Land-Crusier nooca ee ay Soomaalidu (Layla-Calaawida) u taqaan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Its obvious the pirates know the locals will now be getting desperate and are attacking an envoy carrying officials from karkaar with developmental agencies. The game is over in the coastal regions of Puntland and they know it because the locals will be getting development packages and the pirates know their in trouble and will lose local support. Last minute attacks won't save you. Call it a day and pack up boys

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this