Sign in to follow this  
Saalax

Dawladda Itoobiya oo Xuduuda Sool iyo Buuhoodle ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska

Recommended Posts

Saalax   

Dawladda Itoobiya oo Xuduuda Gobolada Sool iyo deegmaada Buhoodle ee Xuduuda la leh Ethiopia ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa kuwa Federal ahna keentay

 

Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka ee Itoobiya.

 

Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa soo degay dhinaca Dawladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee deganaa magaaladaasi.

 

Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay soo dagitaanka Ciidamadda Dawladda Federalka ah waxaanu sheegay in Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin badan oo looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawaan Madaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada hadleen sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii ay wada galeen.

 

Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Dee tani wa Ethiopia gudaheeda haday Ethiopia gudaheeda wax iska bad badalayso wa yeelkadeed ambay wax kale uga laba jeedaan sheekadan never trust xabashida , ambay onlfta si fiican ugu so qa qaban wayeen liyo boolistu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this