Saalax Posted February 3, 2012 Dawladda Itoobiya oo Xuduuda Gobolada Sool iyo deegmaada Buhoodle ee Xuduuda la leh Ethiopia ka qaaday Ciidamadii Liyuu Booliiska ahaa kuwa Federal ahna keentay Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka ee Itoobiya. Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa soo degay dhinaca Dawladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee deganaa magaaladaasi. Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay soo dagitaanka Ciidamadda Dawladda Federalka ah waxaanu sheegay in Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin badan oo looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawaan Madaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada hadleen sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii ay wada galeen. Waaheen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 3, 2012 So Tigrays Gurage oromo and Amhara troops will replace the clanish Liyo Police interesting development there. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted February 3, 2012 Cidu aad bay isugu dhex yaacday.. Allow sahal.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted February 3, 2012 Xaaji sow idinkii dhahay xidhiidhku waa xumaaday maaha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 3, 2012 ^^ Dee tani wa Ethiopia gudaheeda haday Ethiopia gudaheeda wax iska bad badalayso wa yeelkadeed ambay wax kale uga laba jeedaan sheekadan never trust xabashida , ambay onlfta si fiican ugu so qa qaban wayeen liyo boolistu. Quote Share this post Link to post Share on other sites