Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Local Administration Sign Off On Paved Road Developments. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Boosaaso: Heshiis ku aadan Jid Laami la saarayo oo maanta la kala saxiixday [sawiro]

 

Updated:- 46 mins ago| 1 Commnets

 

Munaasabad balaaran oo lagu saxiixayey heshiiska dhisme lagu bilaabayo mid kamid ah wadooyinka magaalada Boosaaso ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka degmada.

 

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland, golaha deekaanka ee Boosaaso, Isimo, Aqoonyahan, Ganacsato, haween iyo dhalinyaro ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay islamarkaana aayado qur’aan ah ku furay sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise, Sheekhu wuxuu ku dheeraaday sida ay diinta Islaamku u cadaysey faa’iidada ku jirta dayactirka wadooyinka, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in bulshadu wixii danteeda ah ay ka wada shaqeyso maadaama aysan dalka ka jirin dowlad awood leh oo *****li karta dhamaan baahiyaha ay bulshadu qabto.

 

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada kulanka maanta la isugu yimid isagoo tilmaamay inuu yahay mid lagu kala saxiixanayo heshiis ay wada gelayaan maamulka degmada, Guddiga horumarinta degmada, iyo shirkadda dhismaha ee El-Gar kuna aadan sidii laami loo saari lahaa wadada ka tagta xarunta dowlada hoose ee Gaaca taas oo aada Airport-ka iyada oo hor maraysa Hotel Jubba, Eeneeye, iyo garoonka kubadda cagta ee Boosaaso

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo isna duqa kadib hadlay ayaa sheegay in howshan hirgelinteeda dadaal badan lagu soo bixiyey, wuxuuna gudoomiyuhu mahad balaaran usoo jeediyey guddiga horumarinta degmada oo iyagu howshan bilaabay, mudane Gallan wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada inay arintan kaalintooda ka qaataan islamarkaana ay maamulka degmada kala shaqeeyaan sidii bilicda magaalada kor loogu qaadi lahaa.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka Cabdishakuur Mire Aadan oo madashaas si kooban uga hadlay ayaa sheegay in heshiiska maanta lakala saxiixday uu yahay bilow fiican oo ay magaalooyinka kale ee Puntland Boosaaso kaga dayan doonaan, mudane Cabdishakuur waxa kale oo uu xusay in dhismaha jid 1km ahi aysan ahayn wax weyn marka xiliga maanta la joogo laga fiiriyo balse ay bulshoweynta Puntland u tahay horumar gaar ah maadaama ay tahay markii ugu horeysey oo ay dowlada iyo shacabkeeda oo is kaashanayaa talaabo noocan oo kale ah si wada jir ah u qaadaan.

 

Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isagu kulankii maanta xarunta dowlada hoose ee degmada Boosaaso ka dhacay soo xiray ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay kasoo qayb galkiisa munaasabadan oo uu tilmaamay inay tahay mid laga dheehan karo waxqabadkii ugu balaarnaa ee maamulka hada jiraa uu sameeyey, wasiirka amnigu waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay in marka dhismaha wadadan la bilaabo ay ka ilaaliyaan wax walba oo shaqada laga wado carqaladayn kara.

 

Intaas kadb waxaa dhacay heshiiska qandaraaska oo ay qaadatay shirkadda dhismaha ee El-Gar waxaana si wada jir ah u saxiixay Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasasn, Gudoomiye ku-xigeenka gudiga horumarinta degmada Boosaaso Maxamed Caydiid Jaamac, iyo Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkada dhismaha wadooyinka ee El-Gar.

 

Waa markii ugu horeysey oo ay maamulka iyo bulshada magaalada Boosaaso iska kaashadaan hirgelinta mashruuc noocan oo kale ah, wadada laamiga laga dhigayo oo dhererkeedu 1.25km yahay ayaa kharashka ku baxaya intiisa badan waxaa bixiyey ganacsatada iyo mulkiileyaasha iska leh dhismayaasha wadadaas oo jidadka magaalda ugu muhiimsan kamid ah hareeraheeda ku yaal

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-011.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-012.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-014.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-015.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-017.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-019.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-080.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-081.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-025.jpg

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-071.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This is good start but We need to make sure all the road gravel projects implemented mainly 4-5 roads are all paved. Bosaso needs way more then 1.5km, infact the gravel base that was implemented recently in the city installed the base on 4-5 roads and its length is 10km even that is not enough but we need to achieve that to get back our respectability as a state

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Guddiga horumarinta Boosaaso oo ka war bixiyey qaabka wadada Gaaca Laamiga looga dhigayo [sawiro]

 

Updated:- 1 min ago| 1 Commnets

 

Guddiga horumarinta ee degmada Boosaaso ayaa ka warbixiyey qaabka loo bilaabayo howsha Laamiga lagu saarayo mid kamid ah jidadka magaalada ugu muhiimsan oo lagu magacaabo wadada Gaaca.

 

Qandaraaska dhismaha wadadan oo la siiyey shirkadda El-Gar oo iyadu ku guuleysatey tartankii loo galay ayaa waxaa si rasmi ah heshiiskiisa maanta u kala saxiixday maamulka degmda, guddiga horumarinta, iyo maamulka shirkadda dhismaha ee El-Gar.

 

Cabdifataax Maxamed Sugulle oo ah xog-hayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo markii ay munaasabadii heshiiska lagu kala saxiixanayey soo gaba gabowdey kadib warbaahinta uga warbixiyey qaabka ay howshaasi u bilaabmi doonto ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 2/2/2012 si rasmi ah loo furay mashruuca lagu hagaajinayo jidadka magaalada Boosaaso.

 

Mudane Cabdifataax waxa kale oo uu sheegay in dhismaha jidkan oo dhererkiisu yahay 1.25km uu qaadan doono mudo 29-maalmood ah, wakhtigaas oo Sugulle uu tilmaamay inuu yahay mid ku cad heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee maanta la kala saxiixday.

 

Xog-hayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso Cabdifataax Maxamed Sugulle waxa kaloo uu xusay in marka jidkaas dhismihiisa la dhameeyo uu mudo bil ah tijaabo ku jiri doono si loo ogaado in Laamiga loo saaray qaabkii heshiisku ahaa iyo in kale.

 

Dhinca kale Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkadda qaadatay qandaraaska wadadan oo markeedii hore jid-cade ahayd Laamiga lagu saarayo ee El-Gar ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysey ee ay wado magaalada Boosaaso ku taal Laami ka dhigaan.

 

Mr Gaar wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata ugu baaqay dad weynaha in ay taageero siiyaan inta howshu socoto, isagoo tilmaamay in howshani ay tahay mid aad u dhib badan, suurtagalna aysan noqon doonin in wakhtiga loogu tala galay lagu soo gaba gabeeyo hadii aan bulshada caawimaad laga helin.

 

Wadada maanta lakala saxiixday qandaraaska Laamiga looga dhigayo ayaa kamid ah 4-jid oo dhowaan maamulka degmadu uu dayactir Caro-tuur ah ku sameeyey, waxayna waxgaradka, ganacsatada, iyo maamulka degmada oo dhowr jeer kulamo arintan ku aadan yeeshay isku afgarteen in la dhamaystiro oo wadooyin Laami ah laga dhigo maadaama wax badan laga qabtay ayna u dhimantahay keliya in Laami la saaro.

 

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadan waxaa soo uruuriyey guddiga horumarinta degmada oo la kaashanaya ganacsatada, maamulka degmada, iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada, waxaana u qorsheysan marka uu dhisma jidkan laamiga laga dhigayaa soo gaba gaboobo inay bilaabaan sadex wado oo kale kuwaasoo uu ku jiro jidka laamiga ah ee magaalada dhexmara oo isagu dhowr meeleed ka burbursan.

 

Horseed Media

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I am satisfied if they can't rehabiliate the highway and pave all the four roads of the JPLG program which is 10km in length from my calculations, thats a very good start and that will bring some respectability back to Bosaso. The airport wa ceeb wayn haysato Bosaso even hargeisa who justed started their airport project are leaping heads and bounds over where we are they opened a new terminal at berbera, their building a new terminal at port and hargeisa airport has gotten a huge face lift, and we been at it for over 5 years sitting at dust ridden bosaso runway. alla ceeb badana!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xarunta dowladda hoose ee Bossaso ayaa maanta oo 02-02-2012 lagu kala saxiixday bilaabitaanka dhamaystirka wadooyin dhowaan la benaayey oo Bossaso ku dhex-yaal.

 

Shanta wado ee ugu weyn Bossaso ayaa waxaa la saari doonaa Jay iyo daamur waxaana ay noqon doonaan laami dhamaystiran kaasi oo dadweynaha iyo gaadiidkuba ay adeegsan doonaan.

 

Waxaa kulanka joogay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horyeeyey duqa degmada Bossaso Xasan Cabdalla Xasan oo isagu heshiiska lagu dhisayo laamiga wadooyinka Bossaso saxiixay,waxaa isaguna madasha soo xaadiray gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxed Gallan.

 

Dhamaan masuuliyiinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay wadooyinka laamiga ah ee laga samaynayo magaalada Bossaso,waxayna isla qireen in Bossaso ay tahay halbowlaha dhaqaalaha Puntland.

 

Docda kale Gaar Yaasiin Axmed waa maamulaha shirkadda qandaraaska laamiga wadooyinka lagu dhisayo qaadatay ee El-Gar ayaa sheegay in aysan ahayn tallaabadii ugu horeysey ee ay shirkaddu qaado waxaana uu raaciyey in ay si wacan uga soo bixi doonaan shaqada loo xil-saaray.

 

Mudane Gaar waxa uu baaq u diray dhamaan bulshada reer Puntland gaar ahaan Bossaso,isagoona ka codsadey inay la shaqeeyaan maamulka dawladda hoose iyo shirkada dhismaha si ay hawshu u noqoto mid hagaagta.

 

Xarunta gobolka Bari ahna xarunta dhaqaalaha Puntland Bossaso ayaa waaydan danbey waxa ka socotey hawlho dayactir wadooyin ah oo lagu soo celinayo bilicdii magaalada iyo banayntii goobaha ka agdhaw wadooyinka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso:-Magaalada Dakada ah ee Boosaaso ayaa waxaa iminka ka bilaabmay dhismaha waddo laamiga ah o dhexmarta magaalada taas oo isku xiri doonta Saldhiga Booliska dhexe ee magaalada iyo Masjiudul-rashiid.

 

l1.jpg

 

Wadadan laamiga ah, ayaa waxay qayb ka tahay mashruuca ballaaran ee 7 Degmo oo Puntland ah ka socda kaas oo ay ka mid yihiin samaynta iyo hagaajinta waddooyinka Degmooyinkaasi.

 

Waxaa kaloo barbar socda dhismaha wadadan waddooyin jay ah oo dayactir iyo hagaajin lagu wado kuwaas oo qayb wayn ka qaadan doonta bilicda magaalada, isku socodka gaadiidka iyo dadwaynaha iyo ammaanka.

 

Magaalada Boosaaso oo aad u kobocday una ballaaratay muddadii 20-ka sano ahayd ee burburka lagu gudajiray ayaa waxaa ka jira waddo xumo aad u ballaaran, iyada oo magaalada la iskaga dhistay qaab dagdag ah oo aysan jirin qorshe magaaleed (Town Plan), taasna waxay sababtay in dhibaato ballaran ay ka timaado gaar ahaan isku socodka gaadiidka oo dhibaato ballaaran ku qaba.

 

Dhismaha wadadan laamiga ah iyo waddooyinka kale ee Jid cadaha ah ayaa waxay wax wayn ka badali doonaan hanaanka magaalo ee dhinacyada adeega gaadiida iyo dadwaynahaba.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this