Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Puntland-Cup Opens In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Tartankii 6-aad ee kubadda cagta Puntland oo Garoowe ka furmay [sAWIRO + COD]

Updated:- 14 hours ago| Commnets

 

Magaala-madaxda Puntland ee Garoowe waxaa galabta ka furmay tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland.

 

Munaasabadii tartankan lagu furayey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan goleyaasha dowlada Puntland, mas’uuliyiintaas oo uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Gen.Cabdisamed Cali Shire.

 

Ciyaartii ugu horeysey ee tartankan lagu furayey ayaa waxaa yeeshay gobolada Bari iyo Nugaal, Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa ku guuleystey xulka gobolka martida loo yahay ee Nugaal kadib markii ay ku badiyeen 2-1.

 

Gobolka Bari ayaa goolasha ku hormaray waxaase loogu bedelay 2-gool oo mid kamid ahi oo Rikoore (Gool ku laad) ahaa, dhinaca kale ciyaaryahanada xulka Bari ayaa ahaa 9 iyo gool haye waxaana kaarka cas ka qaatay ciyaartoy muhiim ah oo dhexda u qaabilsanaa.

 

Qaybta danbe ee tartanka maanta oo hada socota ayaa waxaa ciyaaraya labada xul ee Karkaar iyo Haylaan, waxaana garoonka ay ciyaartu ka socoto ee Mire Awaare ku sugan taageerayaal aad u badan oo kumanaan qof gaaraya.

 

Waa tartankii 6-aad ee kubadda cagta ee ay gobolada Puntland isug yimaadaan, waxaana dhowr mar horyaalnimada koobkan u qaatay xulka gobolka Bari.

 

Horseed Media

 

DSCN2171.jpg

ciy.jpg

ciy-9.jpg

ciy-12.jpg

DSC07462.jpg

ciy-13.jpg

ciy-15.jpg

ciy-16.jpg

ciy-17.jpg

ciy-18.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I am so happy duke. Port expansion is happening, 5 major roads in bosaso is being paved, puntland cup is on, the oil drilling is occuring, every updated pic I see from Bosaso and Garowe I see wicked development changing by the year. We have some awesome projects to look forward to opening like olympic village (to be host the only grassed stadium in the nation), commercial developments from golis and iftin. I am still waiting for SEPCO electricity to open up, Plus NECSOM in garowe is going wind-farm technology route.

 

Education and Health sector is thriving like unseen before and even rumors that sharif asked minister of health after he saw the excellent work he does to be minister of health of his govt, but the minister of health told him no can do I am here for my people first when that is done I will consider mogadishu. International relation is at all-time high for the state and the profile of our region is bar none second to Hamar in the foreign worlds eye followed thirdly by somaliland and then galmudug

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

3_10.jpg

 

Ma Boosaasaad ka timid Ma bari hoosaad ka timid Ma soo badi baa is tiri Ma boorkey kugu rogeen”

February 6, 2012 // Sports, Warar Somaali

 

Gobolka Bari ayaa guud ahaanba mac-salaameeyey koobkii gobolada Puntland, kadib markii maanta gobolka ay mataanaha yihiin, balse duruufuhu kala kexeeyeen ee Karkaar ay ku suul daartay Hal Gool iyo Eber.

 

Karkaar galabta waxay u baahneyd oo kaliya hal dhibic, hadii Hayland mar kale lagu celiyo draw, amase laga badsho laakiin waxay jeebka ku hubsatay 3 dhibcood, qaab ciyaareedkooduna wuxuu ku jaan go’onaa daafaca adkeeyso, hal goolna kugu filan.

 

Karkaar waxay horay uga soo badisay laacibiinta Hayland, balse waxaa dhagaha ku dhuftay iyagana Nugaal, oo sanadkan si weyn ugu dedaalaysa in Koobku uusan dhaafin jidadka waaweyn ee caaasimada, waana tan uu qof walba kuu sheegayo.

 

Xulka reer Karkaar waxay sidaas ku leeyihiin 6-dhibcood maadaama ay laba jeer ka badiyeen, Hayland iyo Bari, halka Nugaal ay leedahay iyana 6 dhibcood, balse ciyaarta isla maanta dhex mari doonta iyaga iyo Hayland hadii ay badiyaan 9 dhibcood ayey lahaan doonaan.

 

Waxaa xusid mudan in Hayland hadii ay xataa Nugaal kasoo badiso, aysan tartanka kusii jiri doonin, maadaama Karkaar ay soo badisay, lix dhibcoodna heysato Nugaalna lix kale heysato.

 

Waa guul daradii labaad oo ku dhacda Libaaxyadii gobolka Bari, oo sanadkan la tuhmayo in siyaasad ahaan loogu soo safay caruur yar yar oo aan khibrad lahayn, kadib markii mar qura la waayey laacibiintii gobolku lahaa oo aanba tartankaba ka qayb galin.

 

Gobolka Nugaal oo isagu ah gobolka ugu khatarsan sanadkan isalamarkaana aaminsan mukalaal minankeeda joogta, ayaa gobolka Bari guul daradii koowaad huwiyey, ciyaartii labaadna waxaa Bari ay bareejo la gashay gobolka Hayland, iyadoo maantana ciyaar ay ku khasbanayd inay badiso kusoo dhamaatay guul darro.

 

Xulka Gobolka Bari ee maanta Boorsadiisa ka qaatay tartankii lixaad ee ciyaaraha Puntland ayaa waxaa la isweydiin karaa maxaa soo dadajiyey inay dhakhso uga baxaan horyaalka.

 

Iyadoo la xasuusan yahay gobolka Bari inuu ahaa xulkii labaad ee ciyaaraha gobolada Somalia kaalinta labaad kagalay kadib markii Banaadir ay qaaday koobka.

 

Xulka Gobolka Bari wuxuu kaloo ahaa xul dhisan, khibrad, weeraryahano laga cabsado oo culus lahaa, waana tan keentay inay koobab badan qaadaan oo ay ugu dambeeysay koobkii ciyaaraha gobolada Puntland ee Garoowe lagu qabtay.

 

Sanadkan sheekadu sidaas maaheyn oo ciyaartoyda waa la iska soo aruuriyey, waxay ahaayeen muuqaal ahaan dad aad u yar yar, horayna aan loogu arki jirin fagaarayaal Spoorti, marka laga reebo dhowr ciyaartoy oo u dheela koox caan ka ah Boosaaso oo lagu magacaabo Horseed-media.

 

Markii uu yeray Firimbigii ugu dambeeyey ee galabta ciyaartii gobolka Bari looga saaray Koobka ciyaaraha Puntland, ayaa waxaa soo shaax baxay guux ahaa in tababaraha xulka Gobolka Bari iyo gudoomiyaha Spoortigaba G. Bari ay is casilaan, oo shaqada ka fariistaan.

 

Puntland News-24

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this