Xaaji Xunjuf Posted January 31, 2012 Shirkaa London yaan laga Qayb Galin, Siilaanyoow Haddaad ka qayb gashona Waxa kaa gaadha Waad ka shanlayn, Nimanka Gaalada ahna ka hadh oo fogee sida Illaahay u fogeeyay, dadkaaga iyo dalkaagana kalsooni ku qab”Gudoomiyaha Xisbullaah. posted by: Axmed Kulan Gudoomiyaha urur Diimeedka Xisbullah Sh.Maxamuud C/laahi Geele ayaa ka Warbixiyay Arrimo door ah oo ka hadlaya mawqifka urur diimeedkiisa uu Hargeisa kaga dhawaaqay, Dastuurka Somaliland iyo shareecadu waxa ay ka qabto Shirka London iyo dhibaatooyinkiisa iyo Arrimo kale oo ay ka mid tahay Xaalada dalku halka ay marayso oo uu ku Tilmaamay inay halis ku jirto. Sh.Maxamuud C/laahi Geele oo Waraysi Khaas ah siiyay Wargeyska Caalami ayaa Sheegay in aanu ka noqonayn Go,aankiisii hore, ururkiisuna waligii jirayo isaga xusay in ururkiisu yahay urur Samaawiya oo aan bani aadam samaynin. “Ururkii waa jiraa, illaa qiyaamahana waa jirayaa waayo ururkani urur bani aadmi sameeyay maahee waa urur Samaawiya oo ILAAHEY sameeyey S.W.T quraankiisana uu ku caddeeyay kuna sheegay, cid kasta oo ururkaasi iimaan ahaan ugashaana way jiraysaa illaa qiyaamaha, markaa ururkaasi waa jiraa, waana jiri doonaa insha allaahu tacaalaa” ayuu yidhi Sh.Maxmauud C/laahi Sh.Maxamuud C/laahi mar uu ka hadlayay Xadhigii dhawaan Xukuumadu kula kacday waxa uu yidhi“wallaahi arin gaf ah ayay ahayd oo diin ahaan Aad u fool xun, dadnimadana ku xun bay ahayd waxaanad moodaysay in Nimankan Maamulka deg deg ku jiro, waxaanad moodaysay oo jirtay in nimankan suuqa laga dirayay, maamulka laftiisa ayaa suuqa laga dirayay oo la lahaa ninkan qabta, xidhi iyo wixii la mid ah, markaa arin aad u fool xubay ahayd iyagana ku fool xun ururkana ku foolxun oo aan haboonayn in lagu kaco” Sh.Maxamuud mar uu ka hadlayay Waxyaabaha u qorshaysan urur ahaan maadaama oo aanu ka mid ahayd ururadda is diiwaan galiyay ee u tartamaya inay noqdaan xisbiyo qaran oo dalka ka jira waxa uu ku jawaabay in ururkiisu sharaacada ku talinayo in la raaco, kuna tilmaamay ururadda kale inay yihiin xisbiyo shaydaan“ aniga waxa ii qorshaysan in Shareecada illaahay ay taliso, waxaanan leeyahay shareecadu ha taliso, shan iyo tobankaa ururba waa xisbu shaydaan, ninka diinta ku baaqaya ee jidka rasuulka raacaya uunbaa sax ah,dimuqraadiyad nimanka ku baaqaya diinta islaamka dibada ayay ka joogaan, waxaanan umada leenahay ha ucodaynina, agtoodana ha ka wareegina, idinka oon cidna raacin u ololeeya diinta iyo kitaabka illaahay” Gudoomiyaha urur Diimeedka Xisbulaha mar uu ka hadlayay sida ay isku waafaqayaan ururkiisa iyo Dastuurka Somaliland u yaala waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay Dastuurka Somaliland oo uu ku sheegay mid ka hor imanaya Diinta islaamka waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ Xaq iyo Baadil islama jaan qaadaan Distoorku waa baadil waa Xaaraan illaahay agtiisa Xaaraanbuu ka yahay diinta islaamkuna distoor wax la yidhaa ma ogola, markaa waxaan leeyahay distoorka diintaa ka horaysay baahi umadda muslimiinta ahi uma qabaan distoor, markaa anigu waxaan leeyahay wax ka jiraa ma jiraan, kitaabka illaahay iyo sunada nabi muxumed C.S.W waxaan ahayn distoor ma noqon karaan, xataa gaalnimo ayuu keensanayaa, ninka distoor samaystayna waa nin yidhi illaahay ma jiro, illaahay cadaalada ma yaqaan, illaahay danta umada ma yaqaan, markaa anagu mar rumaysnin, umada muslinka ahna waxaanu leenahay ha rumaynina” isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “marka koowaad maamulka (Somaliland) Waanu u sheegnay oo shareecada qaado ayaanu ku nidhi , waanu kugu taageeri ayaanu nidhi, way ka dhago adaygeen, rajona kama qabno inay hirgalin doonaan, marka la eego waxa ay rumaysanyihiin, ururkanina in isaga lalal jaan qaado mooyee isagu cidna la jaan qaadi maayo, cid aanu dastuurkoodu diinta maxamadiya ahayn la jaan qaadi mayno, umad muslim ah baanu nahay xaq baanu u leenahay inaad diinta islaamka nagu xukuntaan, umadana waxaanu leenahay noo gar qaada nimankan” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbullaah Ma uu ka hadlayay Marxalada dalku marayo waxa faahfaahin ka bixiyay Cida ka danbaysa Dagaalada ka dhacay Barriga somaliland “marxalada dalku ku jiraa waa marxalad xun oo laga naxo, waxaanan leeyahay waa marxalad loogu talo galay, markaa maamulka joogana waxaan leeyahay intaan reer miyi laynaysaan ama masaakiin dagaalaysaan ciidamada itoobiya ayaa ka danbeeya oo soo galbiyay ilaa taleex cali khaliif galaydh, waanad la socoteen, illaa hada jawaab kamaydaan soo saarin, waxa ay itoobiya inoo faro galinayso, markaa marxalada aynu ku jirnaa waa mid halis ah illaahay waxaan ka baryayaa in gaalada iyo dadka ina burburinaya inuu inaga qabto umadana waxaan leeyahay toosa” waxaanu intaasi ku daray“nabad wax dhaama oo xal lagu gaadhi karaa ma jiro, qori nabad laguma keeno, xabadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho, somalina intaa waxa ka soo reebay waa xabad iyo dagaal, qabyaaladuna waa tay eeday Somaali, timacade gabaygiisii waxaa ka mid ahaa dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane, waxaan leeyahay nimankan maamulada sheeganaya ama puntland ha joogaan, ama Somaliland ha joogaane waa niman cadaw u adeegaya, danta dadka somaliyeed iyo ta islaamka midna kama talinayaan, waa niman cadaw ku adeeganayo, Waxaan leeyahay dadoow siddeetanka milyan ee xabashida ah lama ogola hal nin inuu ka go,o dagaal inuu ka dhacona lama ogola, dawlaha kiristaanka oo dhana waa sidaas oo kale ee lama ogola, dalalka islaamka ah waxa ay u qayb qaybinayaan waa Cadaawad” ayuu yidhi Ma uu ka hadlayay Maamul Goboleedka lagaga Dhawaaqay Taleex waxa uu yidhi“nin Calmaani ah ayaa diiday in la qayb qaybiyo markaa ma ogolin, ma Calmaaniga ayaanu ka liidanaa wax kasta oo umada qaybinayana ogolaan mayno” Sh.Maxamuud isaga sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “ Shirka London waa shir halis badani ku jirto, wajiga loo dhigayo xaqiiqadiisuna maaha, waa waji lagula dagaalamayo diinta islaamka iyo dadkeeda, nimankan daba ******yada ahna lagu soo cadaynayo oo lagu soo tashkiilinayo, markaa waxaan leeyahay shirkaasi aad buu khatar u yahay inta hadhay ayaa la rabaa in la isku sii dilo, diinteenaa loogu tashanayaa, shirkaa yaan laga qayb galin, siilaanyoow haddaad ka qayb gashana Waxaan ku leeyahay waxa kaa gaadha waad ka shalayn, haka qayb galin baanu ku leenahay, agtoodana ha ka wareegin, nimankan gaalada ahna ka hadh oo fogee sida illaahay u fogeeyay, dadkaaga iyo dalkaagana kalsooni ku qab” Mar uu ka hadlayay waxyaabaha ururkiisu kaga duwanyahay urur diimeedyada ka jira koonfurta somaliya waxa uu kaga jawaabay “ ururkaygu horta qori ma sito ee qalin buu sitaa, waa urur Nabadeed doonaya in uu xal nabadeed ku raadiyo xudunta Khilaafka Islamka, waa Urur gacantuun loola yimaado mar uu isagu aanu diyaar ahayn in uu gacan qaado oo waa tii lana xidh xidhay oo hadhawna way is bedelaysaa, waa urur aan nina fogoynayn kii isagu ILLAAHAY fogeeyey mooyaane. Bulshada Muslimka ah waxaan u soo jeedinayaa Maamulka Somaliland iyo Maamulada kale ee Somalida ahba dhamaantiin ILLAAHEY u soo noqda ooILLAAHEY u toobad keena, gaar ahaan dadku waa iska xoolo waa la wateen inta badan, waar dadka umadda wataw ee Diintooda ka hor taaganaw ee Gaalada ILLAAHEY nacdalay dabada ku wataw ILAAHiina u soo noqda oo shareecadooda Cadaaladu ku jirta ku Xukuma. Dadweynahana waxaan leeyahay waar baraaruga oo midooba oo Sababta Sideedanka Milyan ee Axmaarada ah loo qayb qaybin laayahay idinkana la iskugu kiin dirayo ku baraaruga oo fahmaan idin leeyahay”. Wargeyska Caalami Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted January 31, 2012 .....dimuqraadiyad nimanka ku baaqaya diinta islaamka dibada ayay ka joogaan,... I always suspected what are this Xisbullahi upto, but they seem to be Takfiiri group more dangerous than Shabab if they get weapons. Quote Share this post Link to post Share on other sites