Sign in to follow this  
Somalina

Maleeshiyaadkii ugu faraha badnaa kana tirsan ururka Al-Shabaab oo ku soo wareegay dhanka TFG ka????

Recommended Posts

Somalina   

Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo tiradoodu ka badan tahay 150-Dagaalyahan ayaa laba jiho ka soo galay saldhigyo ciidamada Dowladda KMG ah ay ku leeyihiin degmada Kaaraan iyo degaanka Kax Shiiqaal ee dhinaca bari magaalada Muqdisho kana tirsan Degmada Dharkeenley.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah iyo Taliyeyaasha ciidamada labada saldhig ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen ciidamo wata gaadiidka dagaalka watana hub fara badan, kuwaasi oo si rasmi ah ugu soo wareegay dhinaca Dowladda KMG ahi ka taliso.

 

Waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah in ciidamada ka soo goostay ururka Al-Shabaab ay ka mid yihiin laba horjooge oo ururka Al-Shabaab u qaabilsan dagaal gelinta iyo arrimaha ciidamada, kuwaasi oo markii ay soo gaareen saldhigyada ciidamada Dowladda hubkii ay wateen laga dhigay isla markaana lagu xareeyay xarunta Warshadda Nacnaca.

 

Ciidamada ka soo goosatay ururka Al-Shabaab ee lagu xareeyay Warshadda Nacnaca ayaa waxaa xalay soo weeraray ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo howlgalkoodu ku wajahnaa inay hubka ka dhigtaan ciidamada u wareegay dhinaca Dowladda.

 

Weerarka lagu soo qaaday ciidamada Shabaab ka soo goostay oo dhammaantood ka wada tirsan, ayaa kuwii weerarka soo qaaday waxay halkaasi kala kulmeen jab iyo in iyagii qalqal la geliyo oo hal haaday iyo hal heybshay laga dhigay isla goobtaasi ay isaga baxsadeen intoodii badneyd.

 

Dhinaca kale wararku waxay intaasi raacinayaan in ciidamada ka soo goostay Shabaab ay ka dambeeyeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah iyo saraakiisha ciidamada kaddib wadahadallo dhex maray guddi ka socda Dowladda iyo dhallinyarada ka soo goostay ururka Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this