Somalina Posted January 31, 2012 Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo tiradoodu ka badan tahay 150-Dagaalyahan ayaa laba jiho ka soo galay saldhigyo ciidamada Dowladda KMG ah ay ku leeyihiin degmada Kaaraan iyo degaanka Kax Shiiqaal ee dhinaca bari magaalada Muqdisho kana tirsan Degmada Dharkeenley. Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah iyo Taliyeyaasha ciidamada labada saldhig ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen ciidamo wata gaadiidka dagaalka watana hub fara badan, kuwaasi oo si rasmi ah ugu soo wareegay dhinaca Dowladda KMG ahi ka taliso. Waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowladda KMG ah in ciidamada ka soo goostay ururka Al-Shabaab ay ka mid yihiin laba horjooge oo ururka Al-Shabaab u qaabilsan dagaal gelinta iyo arrimaha ciidamada, kuwaasi oo markii ay soo gaareen saldhigyada ciidamada Dowladda hubkii ay wateen laga dhigay isla markaana lagu xareeyay xarunta Warshadda Nacnaca. Ciidamada ka soo goosatay ururka Al-Shabaab ee lagu xareeyay Warshadda Nacnaca ayaa waxaa xalay soo weeraray ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo howlgalkoodu ku wajahnaa inay hubka ka dhigtaan ciidamada u wareegay dhinaca Dowladda. Weerarka lagu soo qaaday ciidamada Shabaab ka soo goostay oo dhammaantood ka wada tirsan, ayaa kuwii weerarka soo qaaday waxay halkaasi kala kulmeen jab iyo in iyagii qalqal la geliyo oo hal haaday iyo hal heybshay laga dhigay isla goobtaasi ay isaga baxsadeen intoodii badneyd. Dhinaca kale wararku waxay intaasi raacinayaan in ciidamada ka soo goostay Shabaab ay ka dambeeyeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah iyo saraakiisha ciidamada kaddib wadahadallo dhex maray guddi ka socda Dowladda iyo dhallinyarada ka soo goostay ururka Al-Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 31, 2012 http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=JruacJa6KFE#!" frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted January 31, 2012 Militia meel ay joogtaba way wareereen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 31, 2012 Good news. Even shababist Niikoboy Che and Ciyaal Xafad Maddeey, will soon join their Somali brothers. Quote Share this post Link to post Share on other sites