Sign in to follow this  
Dr_Osman

Qardho Development Plans. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

QARDHO oo lagu qabtay Bandhiga Cilmi Baaris ah [sawiro]

 

Qardho[RBC Radio] Bandhigaan cilmi baarista ah ayaa si rasmi ah caawa (30-01-2012) Munaasibad lagu furayey lagu qabtay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho, kaas oo ay iska kaashnayaan Qaar ka mid ah Qurba joogta Puntland , Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda.

 

Ugu horeyn qorshaha cilmi baarista lagu sameynayo degaanka oo ay sameynayaan Ardayda Jaamacadda ayaa waxaa ka hadlay C/rashiid Maxamuud Siciid oo ka tirsan qurba joogta Puntland, gaar ahaan Mareykanka. isaga oo si gaar ah uga hadlay in la doonayo in Cilmi baarista lagu sameeyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta Qardho.

 

“Cilmi baaristani waxaa laga doonaya in ay noqto, mid lagu hirgeliyo furitaanka wadooyinka xiran ee Qardho, dayaca iyo qashinka ka muuqda gudaha degmaddana lagu aruuriyo, isla markaana la sameeyo in magaaladda wadooyinkeeda mid walba loo bixiyo magac gaar ah, iyadda oo sidoo kalena la sameynayo in meelo Taalooyin leh laga dhismo Degmadda.” ayuu yiri C/rashiid Maxamuud.

 

Prof. Axmed Faarax Yare oo ka tirsan Macalimiinta Jaamcaadda ESU ayaa isaga hadal dheer oo uu jeediyey kaga hadlay in Qurshaha magaaladda lagu horumarinayo uu marka hore ka bilowdo sidii loo taageeri lahaa in Jaamcadda ay hesho dhisme u gaar ah], isaga oo aad uga hadlay in Jaamacadda ay dhawaan aad iyo aad ugu rajo weyn tahay in uu hirgalo xiriiro Jaamacado kale oo ku yaal Afrika iyo Aasiyo ay la sameysanayaan.

 

Prof. Axmed Faarax Yarre oo isaga ka mid ah qurba joogta Puntland, isla markaana Macalin ka ah Jaamcaadda ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in ardayda ay hirgelin doonaan Barnaamijka Cilmi baarista iyagga oo marka horena ka bilaabi doonaa sidii Loo hirgelin lahaa in Jaamcadda ay hesho dhisme.

 

Cali Maxamed Cali “Cali Hurre” Maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya oo hadal goobta ka jeediye ayaa ku dheeraad sida ay muhiim u tahay in Qurba joogta ay gacan uga geystaan taageeridda Waxbarshadda iyo weliba sidii gacan looga geysan lahaa in Jaamacadda ESU ay u hesho dhisme ay leedahay.

 

“Runtii Qardho waa Magaaladda Aqoonta, halka Bosaso ay ka tahay Caasimadda Ganacsiga,Garowe ay ka tahay Caasimadda Siyaasadda, waa in aanu xoojinaa in Magaaladeena oo ah mid taariikh ku leh Waxbarshadda sida ay u noqon laheyd mid hankeedu u gaaro meel sare”ayuu yiri Maamulaha Jaamacadda ESU.

 

C/weli Xasan Gooni oo ka tirsan Ardayda Jaamacada ayaa isaga hadal uu Bandhiga Cilmi Baarista ka jeediyey ayaa sheegay in Magaaladda ay ka maqan tahay halkii dadka laga hagi lahaa oo waxa looga sheegi lahaa, taasi oo ku sheegay Idaacadda FM ah , isla markaana waxa uu sheegay in Ardayda iyo Macalimiintaba laga doonayo in aysan ka daalin sidii waxbarshadda Qardho sarre loogu qaadi lahaa.

 

Cabdiweli Gooni ayaa xusay in Mahadcelin loog jeediyo Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo NOv 11, 2010: dhul qiimihiisu yahay 150,000 oo doolar(boqol iyo konton kun Dollar ) ugu deegay Jaamacadda Bariga Soomaaliya, kaas oo la sheegay in tilaabadda uu qaaday tahay mid looga baahan yahay in ay ku daydaan qurba joogta iyo siyaasiyiinta u dhashay Qardho.

 

Liibaan C/laahi Denni oo ka tirsan Aqoonyahanka Jaamacadda taageera ayaa isaga waxa uu si gaar ah uga hadlay sida nasiib daradda ah oo Qurba joogta Qardho u dhaltay ay uga gaabiyeen in Jaamacadda ay garab istaagaan , isaga oo dhowr jeer oo horena sidaan oo kale baaq u jeediyey Diasporaha Qardho.

 

” Ragga leh Jaamacadda ESU ma ahan mid shaqeyn karta ee Qurba jooga, ogadda in Jaamacadda ay shaqeyso hadii aad gacan ka geystaana sidii ay u sii socon laheydn waa mid idinka iyo umadda wax tar u ah, hadii aad diidaan hadde Jaamacadda way tagtay oo ma ahan mid u dhutineysa qof iyo shaqsiyaad horumarka ka soo horjeeda” ayuu yiri Liibaan Denni.

 

Axmed Maxamed Rashiid oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda ayaa Wacdi iyo dardaaran u jeediyey ardayda Cilmi baarista sameyn doonta, isaga oo sidoo kale uga sheekeyey qaabka ugu muhiimsan ee loo sameyn karo cilmi baaris iyo in mar walba la xasuusnaado Cabsida Alle.

 

sidoo kale Waxaa halkaas ka hadlay Raagge Cali Xaaji Baaruud oo ka tirsan Odayaasha degaanka Qardho ayaa waxa uu muujiyey in Jaamacadda la garab galo ay tahay mid masuuliyad ka saaran qof walba oo u dhashay Degaankan, isaga oo sheegay in huradda laga kaco oo Jaamacadda la taageero.

 

Codka arday ayaa waxaa ku hadlay Arday ay C/raxman Maxamed Cali Black iyo Yusuf Cali Yuusuf kuwaas oo iyaggana rajjo wanaagsan ka muujiyey Barnaamijka Bandhiga Cilmi Baarista la doonayo in lagu hirgeliyo horumarka Qardho uu yahay mid guul iyo waxtar u ah Shacabka.

 

Ugu dambeyntii waxaa leysku raacay in Bandhiga Cilmi baarista uu u noqdo mid guul ku dhammaada isla markaana Arday Cilmi baarista ay sameyn doonaan uu u noqdo mid anfac u leh Shacabka Degaanka Qardho kuwaas oo ay ka maqan tahay dhammaan kaabayaashii horumarineed, isla markaana ay magaaladda ka muuqto dayac nadaafad daro iyo weliba wadooyinka Magaalada oo sanadkii ugu dambeyay xirmay.

 

Xafiiska Warfaafinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya

Info@eastsomaliauniversity.com

www.eastsomaliauniversity.com

QARDHO-SOOMALIYA

 

bandhiga.jpg

DSC01601.jpg

DSC01586.jpg

DSC01623.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this