Liibaan Posted February 23, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> HEES CUSUB: Buuhoodle Maxaa Kaa Yaal ??? Khaatumo State of Somalia Maxaa Kaa Yaal ??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted February 23, 2012 'Liibaan';792064 wrote: Daawo- Sawirada Madaxwaynaha Maamul-Goboleedka Khaatumo State oo Si Heer Sare Ah Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Xudun Iyo Awr Bogeys! AWRBOOGEYS in the house, thanks the share Liibaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 Naxar Nugaaleed;793124 wrote: AWRBOOGEYS in the house, thanks the share Liibaan You are Welcome Naxar Nugaaleed, enjoy the pictures of Awrboogeys & other cities/towns of Khaatumo State of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 Banaanbaxyo Waa Weyn oo Ka Dhacay Buuhoodle,Widhwidh, Kalabaydh, SaaxDheer, Boocame, Sarmaanyo, Awrboogeys,Xudun, Tukaraq iyo Taleex Banaanbixii Maanta ee ka dhacay Buuhoodd ayaa ahaa mid si weyn loo soo abaabulay isla markaasna dadweynuhu ay ku muujinayeen sida ay u taageerayaan Maamulkooda Khaatumo iyo waliba midnimadda Soomaaliweyn waxaana ay shacabku wateen boodhado waa weyn oo hal ku dhegyo ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ku qorayn yihiin midnimadda Soomaaliweyn iyo waliba taageeridda Khaatumo Shacabka Buuhoodle waxa kale oo ay dab qabadsiiyeen Calalka Malayshiyaadka SNM-ta ah kuwaas oo goobta ka jeedinayey hadallo lid ku ah Jabhadda SNM waxa kale oo Mudaharaado noocan oo kale ah ka dhaceen Kalabaydh, Widhwidh, Tukaraq iyo Taleex Banaanbaxa Tukaraq Goor Dhaw Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 Banaanbaxyo Waa Weyn oo Ka Dhacay Buuhoodle,Widhwidh, Kalabaydh, SaaxDheer, Boocame, Sarmaanyo, Awrboogeys,Xudun, Tukaraq iyo Taleex Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Khudbado Madaxda Maamul Goboleedka Khaatumo State Ka Jeediyeen Banaan Weyn oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle ee Khaatumo Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Xafladii Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia , Denmark Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Wasiir Ku Xigeenada Arimaha Dibadda Maamulka Khaatumo State of Somalia Marwo Farduus Faarax Mirre oo Khudbad aad u Qiimo Badan Xafladii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia - Columbus, Ohio Wasiir ku Xigeenada Arimahadda Dibadda Maamulka Khaatumo Farduus Faarax Mire Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 http://youtu.be/mYyUu6tfpKE" frameborder="0" allowfullscreen> Daawo Heesta Astaanta Calanka Qaranka Soomaaliya iyo Xafladii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia , Denmark Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 Garaad Abdisalaan Xasan Maxamed oo ka mid ah Wafuuda Khaatumo State ee ku sugan Muqdisho Ayaa Waraysi Uu Siiyey Shabakadda Allssc(Dhagaysi Haboon) Garaad Abdisalaan Xasan Maxamed oo ka mid ah Waftida Khaatumo ee ku sugan Muqdisho ayaa waraysi uu Siiyey shabakadda Allssc kaga xog waramay kulamadii ay la qaateen Madaxdda DFKM ah ee Soomaaliyeed, Xeer Hoosaadkii dhawaan Golaha Sare ee Dhaqanka ay soo saareen waxana kale oo uu ka hadlay Aflagaadadii uu dhawaan Faroole u jeediyey Waftida Khaatumo ee ku sugnayd Adis abab waxana uu sheegay in cidii Aflagaado iyo Cidii Taageero la timaadaba ay taariikhdu xusayso HALKAN KA DHAGAYSO Garaad Cabdisalaan waxa uu umadda Khaatumo kula dardaarmay in ay beenawday in *********** uusan tashan karin loona baahan yahay in aan la curdan dharin Maamulka ugubka ah ee Khaatumo state waxa uu sheegay in ay Caqabad imaan karto oo Dawladaha waa weynba ku yimaadaan Dhagaysi Haboon http://allssc.com/?p=22975 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 MAAMUL GOBOLEEDKA KHAATUMO STATE OF SOMALIA IFTIIN SHAACAY KARTI IYO DADAALNA KA MUUQDO Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Nabadgelyo iyo Naxariis Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW)korkiisa,Guulo waaweyn oo qiimahooda leh 30-ka Cisho oo Maamulka Khaatumo State Of Somalia Dhisnaa Maasha Allah inkastoo Colaad iyo weeraro dagaal oo gardaro ah lagu soo qaaday iyo weeraro dhanka warbaahinta iyo Saxaafada dhinacyada hadana guulahooda iyo tallaabooyinka hanaan socodka Khaatumo State ayaa ku taagan khad qeexan oo qorshihiisa iyo hadafkiisaba leh waana kuwo dhinacyo kala duwan loo qaaday sida:-Howlaha Kormeerka Madaxweyne-Xurmadle-Col-Axmed Cilmi(Axmed Karaash),Madaxweyne Ku Xigeen Col-Maxamed Indhasheel Howlaha Difaaca iyo Heeganka Safka Hore,Halka Madaxweyne Ku Xigeen-Xurmadle-C/Nuur Cilmi(Biindhe)Booqoshooyin Siyaasdaeed. Sidoo kale waxaa xusid mudan booqashooyinkan iyo kulamada Xurmadle-Proof-Cali Khaliif Galeyr,Xurmadle-Gen-Maxamed Aden iyo Aqoonyahan Xurmadle-C/Rashiid ka wadaan xiligan qaaradan Yurub kuna soo mareen Dalalka:-Norway,UK iyo Denmark oo si weyn loogu soo dhoweeyeey Jaaliyadaha Khaatumo State iyo kuwa Somaliweynba ugu sharxeen ahamiyada dhismaha Khaatumo iyo ahamiyada qaranimada,midnimada iyo soo nooleeynta Hanaankii dowladnimo lagama maarmaan tahay Ummadda Somaaliyeedna mid yihiin walaalo iyo dad ehel ah oo si weyn baahi u qaba hanaan cadaalad,sinaan iyo garsoor leh,maantana xaalku meel xun maraayo oo murugadiisa iyo jaha-wareer weyn leh,Khaatumo State tiir somaaliyeed oo midnimada ku taagan,Khaatumo State Hanaan Nabadeed iyo Deris Wanaag ayuu Proff-Cali ka dhawaajiyeey Jaaliyaduna si weyn u farxaan una riyaaqeen,Halka Gen-Maxamed Aden ku booriyeen guud ahaanba Dadka Somaliyeed masuuliyada ka saaran qaranimada iyo midnimada dalkooda(Waa lama Hudhaan Ciida Hooyo),waxaan la illaawi kareeyn guulihii iyo soo dhoweeyntii G9 iyo Isimadu kala kulmeen Dowlada Somalida Itoobiya iyo Dowlada Dhexe ee Itoobiya,Fariimo iyo Xiriiro dowladaha gobolka iyo beesha caalamka. Dr Galaydh Sidoo kalle waxaa jiro kulamo taageero,xog waran iyo ku dhiiri gelinta Jaaliyadda Khaatumo State Of Somalia garashada iyo gudashada masuuliyadooda oo ka socda Dalka Mareeykanka oo eey hormoodka tahay Wasiir Ku xigeenka Xiriirka Debeda Marwo:Farduus Mirre iyo xubno ka mid ahaa ergooyinkii shirkii Khaatumo2 Taleex Sida-Col-Siyaad Maxamuud C/Raxmaan iyo gudiyada Jaaliyadda Khaatumo State ee USA,sidoo kale waxaa Jirra dadaalo iyo dar-dar gelinta doorka Jaaliyada qurba jooga oo ka socdo meelo badan iyo howlo gargaar iyo taakuleeynba,waxaa sida qoraxda ugu shaacay aduunka oo dhan Magac Khaatumo State soo dhoweeyn iyo taageero moral ahaana helay,isla markaana si weyn u gilgilay Maamulada dhinacyada gaar ahaan S/Land oo xaalad jaha-wareer iyo isku yaac gashay colaad abaabul iyo fidno hudhan wada waan arrin ayaan daradeeda leh dhaawac weyna ku ah xiriirkii soo jireenka ahaa iyo deris wadaag dadka ka dhaxeeyeey, Halka Hogaanka iyo Isimadda Reer Khaatumo Wadan Hab Nabadeed iyo baaqyo ahamiyad weyn leh oo asluubtooda iyo run ka hadal ku saleeysan,30 cisho oo guushooda iyo horumarkooda leh soo dhoweeyna mudan,laakiin weli faanoole fadhi kama godna. -Allah Mahad Leh- -Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 23, 2012 Dhamaan Shacabka Khaatumo State Iyo Shacabka Midnimada iyo Qaranimada Dalkooda Soomaliya Jecel Fadlan ka Soo Qaybgal Banaanbaxa (Mudaharaadka) 23/02/2012 London Ka Dhacaya. Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda cod nool, caqli, damiirka iyo dareenka wadaniyadeed difaaca xuquuqda qarameed iyo illaaliyaha karaamada sumcada iyo maqaamka Somaalinimada diidaha gumeeysi iyo gun-nimada hoos joogida iyo isu dhiibida cid kale iyo xaaladaha fool xumadooda leh intii mudo ahba ina heeystay:-Sida Dagaalada,Colaada Sokeeye,Xasuuq iyo Gumaadka Shacabka, Kala Qoqobka iyo kala Yaaca Ummadda iyo guud ahaanba muuqaalada murugadda iyo dayaceeda leh. Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ka duulaaya ahamiyada qaranimada,midnimadda iyo Hanashada hanaan dowladnimo oo cadaalad,sinaan iyo hab garsoor leh wuxuuu ugu baaqaayaa guud ahaanba Jaaliyadda Somaaliyeed ku dhaqan Dalkan UK ama qaarada Yuruba ka soo qeyb galka banaan baxa karaamo difaacida iyo qaranimo u hiilinta oo Maalinta Khamiista 23/02/2012 ka dhici doono Magaaladda London goobta shirka Arrimaha Somaaliya looga hadlaayo lagu qaban doono 10 Downing Street,fadlan soo Qaado Astaanta Qaranka Somaaliyeed(Calanka)iyo hadii aad heli kareysid durbaano. Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada iyo Cadaalada oo qadarinaaya xaaladda iyo dhibaatooyinka dhaawaca weyn leh oo meesha xun ina dhigay,kana gubanaaya dayaca dib u dhaca iyo tacadiyada kala duwan oo dadkeena la kulmaayeey mudada 21- ka ah,waxaa muuqata in la gaareey waqtigii fadhiga laga kici lahaa,hurdada laga toosi lahaa,kala daadsanaanta laga gudbi lahaa,qabyaaladda cudurka la illaawi lahaa loona hiilan lahaa qaranimadda,midnimadda iyo jiritaanka Dalkeena Hooyo, Walaalayaal Somaaliya waa Dalkeena inagaa leh,waa ciidii hooyo,hooygii qaaliga ahaa ka soo qeyb gal Mudaaharaadka codkaaga dalkaaga,dadkaaga iyo naftaada ugu hiili. SOMAALIYA SOMAALI BAA LEH- -AF-HAYEENKA GUUD DHAQ-DHAQAAQA SOMALIYEED NABADDA,MIDNIMADDA IYO CADAALADDA. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 24, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> KHAATUMO STATE OF SOMALIA 2012 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted February 24, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Ila qosol: Xafladii Maamul Goboleedka Khaatumo State of Somalia, Denmark Quote Share this post Link to post Share on other sites