Che -Guevara Posted January 30, 2012 Kenya oo sheegtay in Saraakiil sarsare looga dilay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gudaha Soomaaliya Isniin, Jannaayo 30, 2012 (HOL) − Milateriga Kenya ayaa sheegay in laba sarkaal oo sarsare looga dilay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo aan sheegin tirada askarta uga dhintay dagaalladaas. Afhayeenka Milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa ku sheegay warbixintiisa todobaadlaha ah in labada sarkaal ay ahaayeen kuwo sarsare oo hoggaaminayay weerarka ay Kenya ku qaadday Al-shabaab. "Goobta ay saraakiishan ku dhinteen ma ahan mid loo baahan yahay in shaaca laga qaado, balse waxaan idiin caddeynaynaa inay ku geeriyoodeen gudaha Soomaaliya," ayuu yiri Col. Oguna oo warfidiyeenka kula hadlay Nairobi. Afhayeenku sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada labada sarkaal ee looga dilay Soomaaliya. Isagoo xusay in labadan sarkaal ay noqonayaa kuwii ugu sarreeya ee looga dilay dagaalka ay Kenya ugu magacdartay 'Difaac dalkaaga'. Dhanka kale, Col. Oguna wuxuu sheegay inay toddobaadkii hore Al-shabaab ka qabsadeen deegaanka Hoosingoow oo uu ku macneeyay inay tahya goobta laga soo abaabulo weerarrada ay Al-shabaab ku qaadayso gudaha Kenya. "Bishii December ee lasoo dhaafay ugu yaraan 15-weerar oo qaraxyo ah ayay ka geysatay Al-shabaab gudahad alka Kenya, gaar ahaan deegaannada Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Dhadhaab oo dhammaantood ku yaalla gobolka Waqooyi-bari," ayuu Col. Oguna ku sheegay warbixintiisa. Sidoo kale, Oguna wuxuu sheegay in 22-kii bishan Jannaayo ay ciidamada Kenya la wareegeen deegaanka Hoosingoow ayna halkaas ku dileen tiro ka mid ah xubnaha Al-shabaab ayna ka furteen afar qori oo Ak-47 ah, qalab isgaarsiin iyo weliba booyad biyaha lagu qaato. Ugu dambeyn, sarkaalku wuxuu sheegay inay hakiyeen weerarradii ay Al-shabaab ka geysan jirtay gudaha Kenya, kuwaasoo uu xusay in laga soo abaabuli jiray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 30, 2012 Baga yaaa yidhi ciidankina so galiya Somalia ha gurtan meydadkooda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted January 31, 2012 With neither the audacity to advance nor the capacity to retreat, KDF poignantly realises that Somalia is no simple saunter in Serengeti 'Saunter in Serengeti' iga dheh. Dadkaan yaa wax u qoro. Who ever writes that Twitter account should pen a book or something. Quote Share this post Link to post Share on other sites