Sign in to follow this  
Che -Guevara

Kenyan Casualties in Somalia

Recommended Posts

Kenya oo sheegtay in Saraakiil sarsare looga dilay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gudaha Soomaaliya

 

Isniin, Jannaayo 30, 2012 (HOL) − Milateriga Kenya ayaa sheegay in laba sarkaal oo sarsare looga dilay dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo aan sheegin tirada askarta uga dhintay dagaalladaas.

 

Afhayeenka Milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa ku sheegay warbixintiisa todobaadlaha ah in labada sarkaal ay ahaayeen kuwo sarsare oo hoggaaminayay weerarka ay Kenya ku qaadday Al-shabaab.

 

"Goobta ay saraakiishan ku dhinteen ma ahan mid loo baahan yahay in shaaca laga qaado, balse waxaan idiin caddeynaynaa inay ku geeriyoodeen gudaha Soomaaliya," ayuu yiri Col. Oguna oo warfidiyeenka kula hadlay Nairobi.

 

Afhayeenku sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada labada sarkaal ee looga dilay Soomaaliya. Isagoo xusay in labadan sarkaal ay noqonayaa kuwii ugu sarreeya ee looga dilay dagaalka ay Kenya ugu magacdartay 'Difaac dalkaaga'.

 

Dhanka kale, Col. Oguna wuxuu sheegay inay toddobaadkii hore Al-shabaab ka qabsadeen deegaanka Hoosingoow oo uu ku macneeyay inay tahya goobta laga soo abaabulo weerarrada ay Al-shabaab ku qaadayso gudaha Kenya.

 

"Bishii December ee lasoo dhaafay ugu yaraan 15-weerar oo qaraxyo ah ayay ka geysatay Al-shabaab gudahad alka Kenya, gaar ahaan deegaannada Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Dhadhaab oo dhammaantood ku yaalla gobolka Waqooyi-bari," ayuu Col. Oguna ku sheegay warbixintiisa.

 

Sidoo kale, Oguna wuxuu sheegay in 22-kii bishan Jannaayo ay ciidamada Kenya la wareegeen deegaanka Hoosingoow ayna halkaas ku dileen tiro ka mid ah xubnaha Al-shabaab ayna ka furteen afar qori oo Ak-47 ah, qalab isgaarsiin iyo weliba booyad biyaha lagu qaato.

 

Ugu dambeyn, sarkaalku wuxuu sheegay inay hakiyeen weerarradii ay Al-shabaab ka geysan jirtay gudaha Kenya, kuwaasoo uu xusay in laga soo abaabuli jiray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

With neither the audacity to advance nor the capacity to retreat, KDF poignantly realises that Somalia is no simple saunter in Serengeti

'Saunter in Serengeti' iga dheh. 058.gif058.gif Dadkaan yaa wax u qoro. Who ever writes that Twitter account should pen a book or something.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this