Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Wadani party reaches Djibouti +PICS

Recommended Posts

Jaaliyadda S/land Ee Djibouti Oo Taageero U Muujisay Ururka Wadani

 

Jabuuti, 30 January, 2012 (Haatuf) - Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa si weyn u taageeray Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo 27/01/2012, lagu qabtay Hoolka Tamarind Bristo oo ku yaal Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Jabuuti, taas oo ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo isugu jira Rag iyo Haween ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu taageero Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo guud ahaanba Ururka WADANI, waxaana ugu horreyn Xafladda ka hadashay Aamina Cabdi oo xubin ka ah Jaaliyadda Somaliland ee Jabuuti , waxanay faahfaahin ka bixisay ujeeddada ay kulankaas u qabteen ee ay isugu yimaaddeen, waxaanay tidhi “Waxaynu caawa isugu nimi oo aynu Xafladdan quruxda badan halkan ugu qabannay haddaynu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti inaynu taageero ugu muujinno Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah Ururrada siyaasadda Somaliland, ahna ururkii ugu horreeyey ee isu diiwaangeliya Urur-siyaasadeed, kaas oo uu Guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland”.

Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Urur-siyaasadeedka WADANI waxaynu la garab-taagannahay hiil, hoo iyo taageero buuxda, waxaanannu leenahay Waddani ha guulaysto, haddaannu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Djibouti, Sababta aannu u taageerayno Urur-siyaasadeedka WADANI waxa weeye waxaannu u aragnay inuu WADANI yahay Urur-siyaasadeedka kaliya ee Qaranka Somaliland metali kara, ee maanta wadi kara dadka iyo dalka Somaliland”.

Waxaanay Marwo Aamina u soo jeedisay guud ahaanba bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan inay taageero hiil iyo hooba leh isla garab-taagaan Urur-siyaasadeedka WADANI oo ay ku tilmaantay mid lagu aammini karo hoggaaminta Qaranka Somaliland ee mustaqbalka.

Shugri Balayax, oo kulankaa ka hadashay ayaa halkaa ku soo bandhigtay Buraan-bur ay ku muujinayso taageerada ay u hayaan Urur-siyaasadeedka WADANI, kaas oo ay ku tilmaantay mid Somaliland halka ay maanta joogto hore uga dhaqaajin kara haddii uu ku guulaysto doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan sannadkan iyo sannadaha soo socda ee golayaasha deegaanka, Baarlamanka iyo Madaxtooyada Somaliland oo iyadu ugu dambayn doonta oo la filayo inay afar sano ka dib qabsoonto. Waxaanay Shugri u mahad-celisay dadka faraha badan ee isugu yimi Xafladdaas iyo qaban-qaabiyayaasha suurageliyey qabashada Munaasibaddaa Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti isugu yimaaddeen kuna taageereen Urur-siyaasadeedka WADANI habeennimadii ay Bishani 27-ka ahayd.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Md. Cabdiraxiim Cali, oo gebagabadii Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, gaar ahaan Caasimadda dalkaas ee gartay inay halkaa ka soo taageeraan Ururada siyaasadda dalkooda Somaliland ka ay u arkayaan in hoggaaminta dalka iyo dadkaba lagu aammini karo mustaqbalka, waxaanu aad ugu mahad-celiyey dadka xafladdaa isugu yimi. Guddoomiyaha Jaaliyaddu waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo sidoo kale Ururka uu horkacaya-ba, isaga oo sheegay inay taageero hoo iyo hiil-ba leh la garab-taagnaanayaan WADANI maanta illaa maalinta doorashooyinka oo uu xusay inay u rejaynayaan guul, Cabdiraxiim Cali isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta iyo maalinta doorashadaba waannu garab-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI ee uu Guddoomiyaha u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaan ballan-qaadayaa aniga oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jabuuti inaannu hoo iyo hiil-ba la dhinac-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI, oo aannu maalinta doorasho la gaadhana codkayaga diyaar ula nahay”.

Waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxaannu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro Illaahay uga baryaynaa inuu talada dalka Somaliland ku guuleeysto, una fududeeyo hawsha culus ee hoggaaminta Ururka iyo Qarankaba ah ee uu hayo”.

Waxa Xafladdaa lagu soo bandhigay Heeso cusub oo uu leeyahay Urur-siyaasadeedka WADANI oo dadweynihii Munaasibaddaa ka qaybgalay aad uga mafsuudeen dhagaysigooda, kuwaas oo la daaray wakhtigii nasashada iyo sharaab-cabbidda Xafladdaas oo ahayd mid si fiican loo soo agaasimay oo bilic iyo degganaansho badan laga dheehanahay, iyaga oo dadka ka soo qaybgalay farxad iyo dhoolla-caddayn badani ka muuqdeen wejiyadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

shouldnt they go to Taleex, Boocame or Buhoodle and ask people what they want? rather going to foreign countries, i assume its still a Somaliland political party? this is what I meant with the western orientated elite of Hargeysa. cajiib.

 

where is Mintid, maybe he can explain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

why? a political party represents the people from particular constituencies of a country within its political platforms. Wadani doesnt represent Djibouti constituency nor Djiboutians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;782259 wrote:
^^ No but its about getting wider platform in the horn of Africa there thousands of Ethnic Somalilanders in Djibouti do not forget that.

there are many ethnic landers(according to your definition) in Garowe, Bosasso. Will Wadani campaign there as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;782265 wrote:
there are many ethnic landers(according to your definition) in Garowe, Bosasso. Will Wadani campaign there as well.

No there aren't any in bosaaso and garowe not sure never knew faroole and his likes were Somalilanders

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;782269 wrote:
No there aren't any in bosaaso and garowe not sure never knew faroole and his likes were Somalilanders

Aren't garaad and Maakhirians ethnic landers? I have been there Xaaji, there are many of them there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;782288 wrote:
Aren't garaad and Maakhirians ethnic landers? I have been there Xaaji, there are many of them there.

Yes they are but the pirates are not there aren't many of them there only ha handful of them there are even people from burco and ceerigaabo in Bosaaso. But Carafaat Djibouti is different 5 of the cabinet members of Djibouti are ethnic Somalilanders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji Xunjuf;782291 wrote:
Yes they are but the pirates are not there aren't many of them there only ha handful of them there are even people from burco and ceerigaabo in Bosaaso. But Carafaat Djibouti is different 5 of the cabinet members of Djibouti are ethnic Somalilanders.

In Muqdishu there are more then 5 "ethnic" landes. what is your point, except for support dictatorships/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

non-sense argument. are you talking about a clan with tribal lands or a country with borders. Xaaji, mar mar ayaa isku khalada Qabiilka iyo Qaranka. for you it means clearly the same. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

No the Somalilandish people or the Ethnic Somalilanders do not live in Somalia them holding political positions is meaningless through the channels of the 4.5 clan system.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this