Sign in to follow this  
kingofkings

UK Andrew Mitchell Arrives In Garowe Pics.

Recommended Posts

Garoowe; (Allpuntland)-Wasiirka Hormarinta caalamiga ah ee UK Mr.Andew Mitchell ayaa Saaka booqasho rasmi ah kusoo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isagoona noqday mas’uulkii ugu darajada sareeyey ee ka socda Dalka Ingiriiska oo Puntland Booqday, Waxaana Wasiirka Garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golayaasha kaladuwan ee dawlada Puntland iyo Xubno kale isagoona markii uu yimid booqday meelo badan oo muhiim ah oo kuyaala caasimada dawlada Puntland wuxuuna indhihiisa kusoo arkay hormarka aan sacabka lasaari Karin ee ay Puntland gaartay mudadii koobnayd ee ay jirtay oo shaqo adag ay bulshada iyo dawladuba qabteen.

 

Mr.Mitchell waxaa safarka ku wehelinayey madax sarsare oo ka socotay safaarada dawlada UK ee Nairobi, madax katirsan xafiiskiisa, saraakiil ka tirsan laamaha hormarinta iyo kuwa gargaarka caalamiga ah ee dalkaas, Wariyeyaal ka howlgala xarumaha warbaahineed ee ugu waaweyn Dalka UK iyo xubno kale oo darajooyinkoodu aad u sareeyo waxaana garoonka kusoo dhaweeyey xubno uu horkacayey Wasiiru-dawlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland Dr.Abdulkadir Abdi Hashi iyadoona ay kamid ahaayeen wasiiro kale oo dawlada ka socda, xildhibaano,Madaxda laamaha kaladuwan ee Hay’adaha Qaramada Midoobey oo si toos ah ay dawlada UK u taageerto, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland iyo Dadweyne aad u farabadan oo lulayey Calanka Puntland iyo kan UK kuna labisnaa dharka lagu xardhay calamada Soomaaliya & Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka ayaa Ereyo farxadeed oo ka turjumaya sida uu dareenkiisu ugu faraxsanyahay imaanshihiisa Garoowe ujeediyey dadkii soo dhaweeyey isagoona intaas kadib loo galbiyey Aqalka madaxtooyada ee Puntland halkaasoo uu ku qaabilay Madaxweyne xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen.Cabdisamed Cali Shire oo sidoo kalena imika ah kusimaha madaxweynaha Puntland iyadoona ay la joogeen Wasiirka Maaliyada Dr.Faarax Cali Shire, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid, Wasiirka Deegaanka Iyo Duurjoogta Cabdiqani Yuusuf Cadde iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland waxaana soodhawaynta kadib ay labada dhinac qaateen kulan cabaar soconayey oo Albaabadu u xirnaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulanka kadib ayaa ay labada dhinac warbaahinta la hadleen Waxaana dawlada Puntland u hadlay Madaxweyne xigeenka Puntland Jen.Cabdisamed Cali Shire oo hadalo kooban oo uu jeediyey ku sheegey in dawladiisu ay si aad ah ugu faraxsantahay imaanshaha waftigan heerka sare ah ee ka socda dawlada UK oo uu sheegey in dawlada Puntland ay si weyn u taageerto taasoo uu sheegey in dawlada Puntland iyo Shacabkeeduba ay ka mahadcelinayaan ayna fariintaas u gudbinayaan dawlada UK.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Hormarinta caalamiga ah ee dawlada UK Mr.Andew Mitchell oo isna warbaahinta kula hadlay Aqalka madaxtooyada dawlada Puntland ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay inuu noqdo wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan Dawlada Britain oo booqda Puntland Wuxuuna amaanay hormarka baaxada leh ee ay dawlada Puntland gaartay, Wasiirka ayaa sheegay in booqashadiisa Garoowe ay tahay inuu marka ugu horaysay u hambalyeeyo shacabka reer Puntland uuna u muujiyo in dawladiisu aysan marna ka daalayn taageerada ay siinayso, Wuxuu sidoo kalena sheegey inuu Puntland u yimid si uu ugu faahfaahiyo shirka ay dawladiisu martigelinayso bisha danbe loona kaasoo uu sheegey in hormarka Soomaaliya looga hadlayo laguna xoojinayo Qorshaha Road Mapla, La dagaalanka Burcad Badeeda ayuu sheegey in dawladiisu ay Puntland kala hadashay iyo arimo kale oo muhiim ah oo uu sheegey inay tahay inay Puntland kala hadlaan maadaama buuyiri Wasiirku ay Puntland tiirka koowaad ka tahay Siyaasada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kalena Waftiga heerka sare ah ee kasocda dawlada UK ayaa booqday meelo badan oo kuyaala caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed kuwaasoo ay kujiraan meelo uu kamidyahay Suuqa Kaluunka ee Garoowe oo ay dawlada UK maalgalinayso isagoona halkaas warbixin uga dhagaystay madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobey ee suuqaas dhisaya, sidoo kalena wuxuu booqday Suuqa qudaarta ee Garoowe, isbitaalka Guud ee Garoowe, xarunta ururada bulshada rayidka ah Isagoona sidoo kale booqday Taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland halkaasoo uu booqday qaybaha kaladuwan ee taliskaas uu ka koobanyahay wuxuuna halkaas ku daawaday Dhoolatus ay sameeyeen ciidamada Cid-da iyo Laamaha kale ee Booliska Puntland kaasoo ku saabsanaa qaabka ay ula tacaalaan baaritaanada falalka dhaca, u gargaarida shacabka, sugista Amniga iyo arimo kale oo muhiim u ah shaqada ciidanka Booliska taasoo uu ku tilmaamay mid uu aad ula dhacay isagoona mardhawayd soo gabagabeeyey booqashadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this