Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somaliland State Responds To The Oil Producing GOVT Of Puntland

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wasiir-Geel-jire-300x225.jpg

 

Somaliland oo hanjabaad kulul kaga jawaabtay eedayn ay u jeedisay Puntland iyo hadalka Moorgan

 

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay eedayn uu maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya u soo jeediyey oo la xidhiidha dagaalka deegaannada Buuhoodle ku dhex-maray Ciidanka Somaliland iyo ciidamo maamulka dhawaan shirkii Taleex lagaga dhawaaqay.

 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Axmed Cali Askar oo isagu shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, kaasoo Somaliland ku eedeeyey inay si gardarro ah u laynayso shacabka gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle. Waxaanu sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Genaral Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo isaguna habeen hore kulan lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka sheegay inuu taageersan yahay wixii ka soo baxay shir bishan lagu soo gebogabeeyey degmada Taleex ee gobolka Sool oo lagaga dhawaaqay maamul-goboleed loogu yeedhay Khaatumo.

 

“Eedaymaha Puntland ka imanaya waa arrin lala yaabo, waa arrin Puntland ku doonayso marmarsiiye colaadeed, Puntland in badan waxaan ugu baaqnay inay jaar wanaagga, walaalinamada iyo nabadda ilaaliso. Laakiin, waxa muuqata inaanay dhegaha iyo laabta midna u sii-daynin baaqyadayadaa faraha badan-le. Wasiirka Puntland ee sheegay in Somaliland wax ku doonayso dhulkii isticmaarka waxa uu isagu wax ku doonayo ama Puntlanad waa qabyaalad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi-Geel-jire oo ka jawaabayey eedaynta ay Puntland u soo jeedisay Somaliland.

 

Waxaanu Wasiir Geel-jire oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan qabaa inay Puntland xaq aan ka maqnayn leeyihiin waxaan u raadinaynaa dadka aannu walaalaha nahay, ee isku dalka iyo isku dadka nahay ee ay leeyihiin Distuur baannu daafacaynaa, Distoorka Puntland-na waxa ku qoron inaanay Madaxweyne ka noqon karin Puntland dadka gobollada Sool iyo Buuhoodle deggen.”

 

“La iska doodi-maayo ee waxa lugu doodayaa dalkan Somaliland waa dal xuduuddiisa la yaqaaa, dadkiisana la yaqaan, laakiin iyagu (Puntland) waxay ku doodayaan dad aannu isku qabiil nahay ayaa halkaa deggen meel walba waa laga helayaa cid siku qabiil ah, Maraynkan ayaa laga helayaa cid aannu isku qabiil nahay dalakan dadka wada deggen ayaa xuduudihiisa wada leh,cid meel kale iska joogta oo yidhaahda annaga dalka leh maxay caddeyna oo ay u hayaan aan ahayn abtarsiimo iyo qabiil.” Sidaa ayuu yidhi Geel-jire oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Puntland aamminsan tahay in Buuhoodle iyo Sool yihiin dhul Puntland leedahay oo ay Somaliland doonayso inay xoog ku haysato.

 

Geesta kale, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo hadalka Moorgan jawaab ka bixiyey, waxa uu yidhi; “Moorgan oo 1988-kii xasuuqa uu ka sameeyay Goballadan (Somaliland) la ogaa ayaa maantana Tiifiiyada soo fadhiisanaya isaga oo Saraakiil isku wareejiyay u soo goohaaya colaad ay Puntland dabada ka wadDo, waxaannu leenahay Walaallayaal waxaasi wax idinka idin-anfaca maaha, annagana wax na-anfacaaya maaha. Dadka colaadda u soo goohaya waxaannu uga digaynaa annagu cid maddoonanno oo ma jeclin inaannu cadaw yeelanno, haddannu yeelanno oo Illaahay-ba ka dhigo oo aannu iska hornimaadno cadaw-gayaga uma naxariisanno kamana baqanno, waddankayagana waannu difaacnaa ee waxaannu leenahay wallaalayaal nabadda ayaa innoo wada dana.”

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka ee Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this