Dr_Osman Posted January 28, 2012 Ciidamo ka Goostay Somaliland oo Maanta Gaarey Degmada Buuhoodle Deegaanka Sooljoogto oo ay dagaalada ka dheceen Buuhoodle (RBC) Waxaa maanta degmada Buuhoodle soo gaaray illaa 35 askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Somaliland kuwaasoo uy goostay dhanka ciidamada Buuhoodle. Askarta ka goosatay Somaliland ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo ku sugnaa deegaanka Qorilugud oo labo maalin ka hor dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, waxaybna dhamaantood wateen qoryaha fudud. Wariye madax bannaan oo ku sugan Buuhoodle ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada soo goostay ay soo dhoweeyeen saraakiisha maamulka Khaatumo. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku saabsan askarta ka goosatay. Hase yeeshee ilo wareed ku sugan magaalada Burco ayaa sheegaya in ragga goostay ay ahaayeen ciidamo ka soo jeeda gobolka Sool oo hore uga tirsanaa ciidanka Somaliland. Waa markii ugu horeysay oo ciidan ka tirsanaa Somaliland kana soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay goostaan tan iyo intii uu qarxay dagaalka ka dhex oogan Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle. Dhanka kale waxaa maanta degaan xaalada deegaanka Sooljoogto oo maalintii Khamiistii dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka. Dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 28, 2012 Website-yadda Reer Buuhoodle Oo Wada Baahinta Warar Colaada Bariga Dab Ku Sii Shidaya Iyo Warar Borobogaando Ah Oo Nabada Iyo Xasiloonida Gayiga Halis Ku Keeni kara Hargeysa (Ramaas) Jan 28,2012 – Bogaga Internet-ka ay ee ay wax ku qoraan dadka taageersan Maamulka laga iclaamiyey shirkii khaatumo 2 ee Taleex ayaa bilaabay baahinta warar dheeraad ah oo dhammaantood borobugaando ah. Website-yadan ku hadla afka Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, ayaa waxay baahinayaan warar aan jirin, kuwaas oo si ula kac ah loo abuuray isla-markaana been lagaga sheegayo dhaqdhaqaaqyada ka socda jiida Buuhoodle ee dagaalku ka dhacay, waxayna sidoo kale baahinayaan codad ay telefoono kaga duubeen haweenka Magaaalooyinka Somaliland ku dhaqan, kuwaasi oo ay waydiinayaan dareenka shacabka ee dagaalkii Buuhoodle oo ay guulo ka sheegteen Maleeshiyaadku. Sidoo kale, bogagan Internet-ka ayaa waxay baahinayaan warar ay ku sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwo qaranka Somaliland ay u goosteen dhinaca Buuhoodle, iyagga oo adeegsanaya Sawirada Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee dagaalka la galay ciidamada qaranka. Bogagan Internet-ka oo wararka ay qorayaan sababi karaan colaado hor leh oo ka qarxa jiida Buuhoodle ayaa waxa ay baahinayaan Mudaharaado aan jirin oo ay sheegayaan in laga sameeyay Magaalooyin ay ka mid tahay Boorama iyo in la xidh-xidhay culimo, kuwaasi oo ay dadka ku kicinayaan. Bogagan ayaa sidoo kale, waxa ay baahinayaan muuqalo daawasho ah iyo sawirada dad ku dhintay dagaalkii Buuhoodle, kuwaas oo ay ku sheegayaan inay yihiin askar ka tirsan ciidamada qaranka, balse aan intooda badan direys xidhnayn, balse u muuqda dad shacabka ah oo dagaalka ku jiray. Kaalinta website-yadani kaga jiraan colaadaha bariga ka jira ayaa ah mid weyn, haddii aanay ka waantoobana waxa la filan karaan inay colaadu sii fido. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Freedom Posted January 28, 2012 Drug addicted look at pirate land and you see bunch of them Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 28, 2012 Drug enduced...im thinking if the most civilised state amongst Somali's today in terms of representation, democracy etc...is fueled by drugs..you guys better start becoming crack heads... cause its doing wonders for Somaliland...hahaha...other then cheap propaganda and talk it all seems to be slowly unraveling for the khatumoooo..or khatumites...riwayad walahi...collaaad i like...because ultimately they lose with colaad, id rather have an open enemy then a hidden enemy.. thank you for comitting suicide and creating more people like me in Somaliland...hahaha... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 28, 2012 keeep the hate flowing...its been kinda boring for to long... Quote Share this post Link to post Share on other sites