Sign in to follow this  
Carafaat

Galaydh: “Dib u Dhuumaalaysan mayno, Walaalahayaga waan wada hadlaynaa” (Video)

Recommended Posts

Carafaat   

Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah maskaxda ka dambaysa shirka Taleex ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in uu wada hadal la galo maamulka isku magacaaba Somaliland ee dhibaatada joogtada ah ku haya shacabaka Laascaanood.

 

Galaydh oo maanta (24.01.2012) ka hadlay magaalada Taleex ayaa sheegay in uu wax badan kala shacabka iyo maamulka Hargeysa sida adarteedna aysan dhuumanaynin balse ay diyaar u yihiin in wada hadal la galaan.

 

 

Waxaan umalaynayaa dadkaa aynu wada dhalanay ee goboladaa u dhashay dhulka kama guurayaan annana kama guurayno Ilaahbaa iskeen baday,yeynaan inaku dhuumaalaysan,yeynaan inaku meel ay ragganimadu ku jirin laga doonin, ayuu yidhi Galaydh.

 

Hadalka ka soo yeedhay Galaydh ayaa ku soo beegmay xili aad loo hadal hayo in maamulka Hargeysa uu doonayo wada hadalo uu la sameeyo beesha ***********,

 

Wararka laga helayo xubnaha ku dhawdhaw odayasha G6 ayaa sheegaya in uu xidhiidh dhexmaray G6 iyo Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya oo ku sugan magaalada Hargeysa.

 

Faarax macalin dhawaan mar uu tagay Hargeysa ayuu sheegay in maamulka Siilaanyo looga baahan yahay in uu wada hadal la galo beesha ***********.

 

Isimada beesha *********** ayaa diiday wada hadal dhxmara iyaga iyo maamulka Somaliland inta ay ciidamadiisu ku sugan yihiin dhulka beesha.

 

Xiliga ay isimadu diideen wada hadalada ayaa ahayd horaantii 2004 balse ma kala cadda in ay Iismadu ogolaan doonaan in wada hadal lala furo maamulka xasuuqa joogtada ku haya maatada Laascaanood xiligan.

 

Dad badan ayaa doonaya in maamulka Taleex lagaga dhawaaqay looga fadhiyo in uu si deg deg ah ku soo celiyo dhulka gacanta ugu jira maamulka Hargeysa.

 

Hadalka ka soo yeedhay Galaydh ayaa ka hor imanaya doonista shacabka oo ah in awood la isaga kiciyo maleehsiyada haysata walina duulaanka ku ah gobolada SSC.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this