Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO: Madaxda Sare Ee Maamulka khaatumo State of soomaaliya oo Maanta soo Gaadhay Buuhoodle

Recommended Posts

Liibaan   

Lasanod Online Thursday, January 26, 2012

 

Waftigii-Buuhoodle.jpg

 

 

labada-madxweyne.jpg

 

Buhoodle,(lasanod Online)- Madaxda sare ee maamulka Khaatumo state of Somalia iyo isimada gobollada SSC ayaa maanta soo gaaray..

 

magalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.Waxaana laga soo galbiyey meel magaalada u jirta 30KM.

 

Madaxda maamulka khaatumo state of Somalia ayaa kumanaan dad wayne ah kula hadlay garoonka kubada cagta ee xabado.

 

Madaxda maanta soo gaaray magaalada buuhoodle ayaa waxaa ka mid ahaa madaxawaynaha Maamulka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo ku xigeenadiisa iyo xubnaha gududa fulinta G6.

 

Waxaana ay sheegeen inay aad uga mahad celinayaan soo dhowaynta diiran ee maanta loogu sameeyay Buhoodle..

 

Xafiiska Wararka Laascaanood

 

Laascaanood Somalia

 

_________________________________________________________________

 

 

 

Qudbadihii Waftigii Golaha Madaxtooyada,G9 Iyo Isimada SSC Ee Maanta Gaadhay Buuhoodle (Daawo).

 

Buuhoodle(Allssc): Waxaa magaalada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn ay gaadheen Golaha Madaxtooyada, G9 iyo Isimada SSC oo maanta gaadhay Magaalada Buuhoodle.

 

Waxgaradka oo magaalda Buuhoodle u tagay sidii ay ula kulmi lahaayeen wax garadka iyo Shacabka Gobolka Cayn iyaga oo sii maray degmooyin badan kuwaas oo ay dadka kula hadlayeen. Shacabka Gobolka Cayn ayaa aad u soo dhoweeyay waftigan Balaadhan waxana dhamaan wadooyinka buuxiyay shacabka Reer Buuhoodle oo Caleemo qoran u ruxayay Waftiga si ay usoo dhoweeyaan.

 

Dhinaca kale waxaa maanta Gobolka cayn soo weeraray magaalada Buuhoodle kuwaas oo ku xisaabtamayay inay gudaha magaalda Buuhoodle u galaan inta lagu mashquulsan yahay soo dhoweynta Waftigan Balaadhan oo laga sugayay Magaalada Buuhoodle, waxaase taas badalay Bulsahda Gobolka Cayn iyo Maamulka Khaatumo oo si buuxda Cagta u mariyay Jabhada SNM.

 

 

 

Halkan Hoose Ka Daawo.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

gol.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State kuna Sugan Buuhoodle Oo Siwayn Uga Hadlay Duulaankii Lagu Sooqaay G/ Cayn! (Daawo Sawirada Iyo Dhagaysi).

 

http://allssc.com/?p=21518

 

Buuhoodle(Allssc)Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ayaa Kahadlay Duulaankii shalay ka Lagu soo qaaday duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka SNM.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) isagoo ku dheeraaday dhibaatada iyo duulaanka joogta ah ee lagu hayo Shacabka Deegaanada Khaatumo State.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi Ka hadalay Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) isagoo ugu horayn uga tacsiyeeyay dadkii halkaasi ku shahiiday wuxuuna ku baaqay in loo dhabar adaygo dhibaata ayna guul ka gaadhi doonaan – In shaa Allah.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo sheegay in dhibaata iyo xasuuqa shalay loogaystay Haweenay iyo 4 Caruura oo ay dhashay aanu kaqarsoomayn indhaha caalamka aana lagu mar marsoonayn dad Ciidan ah ayaanu Laynay!

 

Ugaas Cabdilaahi Ciise oo kamid ah madaxda dhaqanka ee Sool,Sanaag & Cayn kana mid ah golaha dhaqanka ee maamulka Khaatumo ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana uu shacabka ugu baaqay inay marwalba u heegan ahaadaan sidii ay uxaqiijin lahaayeen dhamaan amaanka Deegaanada Khaatumo State Of Somalia.

 

Axmed Keyd

 

Allssc Buuhoodle, Somalia

 

 

DSC067561.jpg

DSC06748.jpg

DSC06749.jpg

DSC06750.jpg

Picture-947.jpg

Picture-941.jpg

DSC06751.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://youtu.be/GXbKydRCFF0" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Buuhoodle, Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

Darwiish Tv – Daawo Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State oo Kahadlay Duulaankii Jabhada SNM Kusoo Qaaday Deegaan Buuhoodle!

 

Madaxda Sare ee Maamulka Khaatumo State Ayaa Kahadlay Duulaankii shalay ka Lagu soo qaaday duleedka magaalada Buuhoodle waxayna dagaalkaasi ku tilmaameen duulaan gardaro ah oo uu wado maamulka SNM.

 

Shalay ayay ahayd markii Maamulka Hargeisa uu duulaan qaawan kusoo qaaday G/ Cayn halkaasi oo uu cawaaqib xumo aad uwayn kala kulmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Daawo Sawirada Sidii Heerka Qaran ahayd ee Wufuudii Shalay Soo Gaadhay G/ Cayn Loogu soo Dhaweeyay (Sawiro)

 

Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbin doonaa sawiradii sidii heerka qaran ahayd eeloo soo dhaweeyay Wafdigii shalay soo gaadhay magaalada Buuhoodle kuwaasi oo ay Hogaaminayeen Madaxda Sare ee Maamulka khaatumo State, Golaha Dhaqanka, G9, iyo iyo wufuud kale oo aad utira badan.

Waxaan laga hortagay Meel Magaalad ujirta 40km..

 

 

Picture-6931.jpg

Picture-7011.jpg

Picture-713.jpg

Picture-722.jpg

 

Picture-726.jpg

Picture-741.jpg

Picture-749.jpg

Picture-764.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Buuhoodle : M/weyne ku xigeenka Maamul-Goboleedka Khaatumo State oo Soo Booqday Mujaahidiinta SSC/Khaatumo ee Sugan Jiida Hore ee Dagaalka



 

 

Buhoodle:- M/weyne kuxigeenka maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia Maxamed Yusuf Jamac (Indhosheel) ayaa ka warbixiyey dagaalkii ay soo qaadeen huwanta SNM iyo jabkii loo geystey iyo sidii wax u dheceen:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madaxweynaha Khaatumo State of Somalia, iyo Odayada G9 ee Khaatumo State oo Jig-jiga Tegay iyo Weji Gabaxa Wasiiradda Somaliland ee Addis Ababa

 

Harowo.com

January 29, 2012

 

Wafdi uu horkacayay Garaad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo ay wehliyaan xubnaha G9 ee Khaatuma State of Somalia ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Jigjiga ee Kililka Ismaamulka Somalida Ethiopia.

 

Wafdiga Khaatuma State oo Magaaladda Buhodle ay ka galbiyeen Ciidamadda Liyuu Booliska Kililka 5-aad waxay safar dhinaca lugta ku mareen dhul rafa oo dhan 265 KM ,taas oo ah Masaafadda ay isu jiraan Jig Jiga iyo Buhodle.

 

Wafdiga Khaatuma State of Somalia waxay kulan albaabadda u xiran la leeyihiin Madaxweynaha Kililka 5-aad Mohamud Cumar Ileey sida ay ii xaqiijiyeen ila wareedyo jooga Jiga Jiga.

 

Socdaalka Gudigga G9 iyo Garaadada beesha *********** ayaa ku beegan xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kan Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Somaliland weji gabax siyaasadeed kala kulmeen Xukumadda Federalka Ethiopia oo ay uga dacwoodeen Madaxda Maamulka Kililka 5aad ee Ethiopia.

 

Labada Wasiir oo Xukumadda Addis Ababa u gudbiyay in Madaxweynaha Kililka 5-aad oo u dhashay beesha ******* inuu beesha *********** siinayo hub iyo saanad Melleteri ayaan garaawshiyo ka helin Xukumadda Ethiopia.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Federalka Ethiopia ayaa telefishinka dalkiisa ka sheegay inay wafdiga Somaliland uga cudur daarteen qorshahii safarkooda maadama uu ahaa mid ay haboon tahay inay kala hadlaan Maamulka kililka 5-aad.

 

“Sida uu hore u sheegay Ra’isulwasarre Melles Zenawi wuxuu maamulka kililka 5-aad leeyahay awood madaxbanaan,wixii ku saabsan arrimaha Somalidana isaga ayaa uga masuula Xukumadda Federalka Ethiopia”ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

 

Somaliland waxay ka walaacsan tahay in Ethiopia ka dambeyso Maamul goboleedyadda Khaatuma State iyo Awdal State of Somalia.

 

Walaaca Xukumadda Siilaanyo wuxuu cirka iska shareeray markii ay xaqiiqsadeen in Cali Khaliif Galeydh iyo Garaad Jaamac oo wata Baabuur laga leeyahay Buhodle ay ku dhex safreen Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Atirisho   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

What did he say about Abdullahi Yusuf on 1:30? I didn't understand it.

 

Good job reer Khatuumo state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this