Sign in to follow this  
Saalax

Dagaalkii Buuhoodle Ku Dhex Maray Ciidamada Qaranka Iyo argagixisada Buuhoodle Oo Istaagay

Recommended Posts

Saalax   

Dagaalkii Maanta Jiida Buuhoodle Ku Dhex Maray Ciidamada Qaranka Iyo Maleeshiyo Beeleedyada Reer Sool Oo Istaagay Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Khasaaraha Ka Dhashay

 

di-LVGJ.png

 

Buuhoodle (Ramaas) Jan 26,2012 – Dagaalkii Galinkii dambe ee maanta ka qarxay deegaanka Sool-joogta oo aan wax badan ka durugsanayn Magaaladda Buuhoodle, ayaa goor dhawayd istaagay.

 

Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle ah ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaadle oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, waxaana sidoo kale la sheegayaa in labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis.

 

Wararka jiida dagaalku ka dhacay laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada qaranka dagaalkaasi ay kaga dhinteen laba askari, isla-markaana tiro intaa ka badani ay ka dhaawacantay, iyadda oo ay jiraan askar laga qabsaday ciidanka.

 

Sidoo kale, khasaare ayaa dagaalkaasi ka soo gaadhay Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, waxaana lagu waramayaa inay ka dhinteen dad tobaneeyo ah, kana dhaawacmeen tiro aan kale, waxaana Maleeshiyaada laga qabtay lix qof.

 

Dagaalka oo aan saacad ka hor si rasmi ah u dhammaaday ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ciidamada qaranku jiidii dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin, halka la sheegay in Maleeshiyaadkii dagaalka la galay ay ku sugan yihiin duleedka meesha loo yaqaano Sool-joogta oo markii hore dagaalka ay ka soo qaadeen.

 

Dhaawacyada ciidamada qaranka ayaa la filayaa in la keeno Magaaladda Burco, si looga daaweeyo dhaawacyada dagaalkaasi ku gaadhay.

 

Dhinaca kale, Magaaladda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ku soo qul-qulayaan Garaado reer Sool ah oo ka kala imanaya deegaanada gobolkaasi, iyadda oo la xaqiijiyey in sidoo kale uu halkaasi soo gaadhay Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah kooxdii waday shirka Taleex.

 

Lama oga ujeedada ka dambaysa ee Garaadada iyo siyaasiyiinta reer Sool u yimaadeen Buuhoodle, balse warar aan la hubin ayaa sheegaya inay hawlo siyaasadeed halkaasi ka wadaan

 

 

 

Ramaasews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

War Deg Deg Ah: Dagalkii Buhoodle Oo Laysu Gabal Dhacsaday, Maleeshiyadii Werarka Soo Qaaday Oo La Kulantay Dhimashadii Ugu Badnayd Iyo Xaalada Taagan.

(Hadhwanaagnews) Thursday, January 26, 2012

(HNW- Burco) Waxaa maanta ka dhacay Degaanka Buhoodlae dagaal aad u ballaadhan, kadib markii ay soo weerareen ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay degaanada Sool Joogto,

 

(HNW- Burco) Waxaa maanta ka dhacay Degaanka Buhoodle dagaal aad u ballaadhan, kadib markii ay soo weerareen ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay degaanada Sool Joogto, maleeshinayada nabad diidka ah ee ku dhumalaysta degaanada Buhoodle. Dagalkan oo bilaabmay abaaro 3:00 Galabnimo wuxuu ahaa mid khasaare ballaadhan ay ciidanka Qaranku gaadhsiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday. Wararka ay shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ka helayso magaalada Buhoodle ayaa shegaaya, in dhimashada Maleeshiyadii werarka soo qaaday ilaa hadda marayso 35 ruux. Halka dhaawucuna uu tiro beelay.

 

Dhinaca ciidanka Qaranka Somaliland waxaa soo gaadhay Saddex askari oo dhimasho ah iyo Lix dhaawac ah. Sida ay shabakadda Hadhwanaagnews u xaqiijiyay Axmed Nuux oo ku sugan Magaalada Qorilugud, dhinaca kale maraanu caawa la xidhiidhnay Magaalada Buhoodle ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay dagaalkan, yagoo dadka magaalada ee waxgaradka ahi eeda dusha u saraayay kooxda fidna wadayaasha ah ee Khaatumo Seeeg oo yagu dagaalkan soo abaabulay, isla makraana ayaamahanba ciidamo maleshiyaad ah ka uruurinaayay degaanadaas. Dhinca kale ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa caawa gabalku ugu dhacay yagoo sii caydh sanaaya Maleeshiyada nabad diidka ah, waxayna firxadkii ugu danbeeyay caawa gabalku ugu dumay Ayda loo yaqaan Saleebaan Ooday, Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu ballaadhna ee wakhtiyadan ka dhaca degaankaas, waxaana lafilayaa in aanu halkaas isku tagayn ee ay ciidmada qaranku sii wadayaan. Dhinca kale warar hordhac ah oo aan wali sugnayn ayaa shegaaya in kooxdi G.6 oo u hoggaminaayo Cali Khaliif Galaydh ay carar ku galeen Xuduudka waddanka Itoobiya. Si kasba ha ahaate wixii warar ah ee soo kordha kala soco Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

 

 

 

Hadhwanaagnews.

Office Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this