Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: The Only Survivor of the 1989 Jazeera Genocide Tells the Story

Recommended Posts

“Markay Rasaastii nagu fureen, dadkii waxay noqdeen qof ashahaata iyo qof qayliya, aniga waxay igaga dhacday dhabarka”

markaas ka dib ayay dadkii soo dhex mareen oo midka ay dhaqaaq ka dareemaan ay rasaas ku dhufanayeen,

 

Cumar Muuse Mirre oo ka badbaaday Xasuuq ciidamada kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ku kaceen Muwaadiniin ay ku laayeen xeebta Jaziira ee Koonfurta Magaaladda Muqdisho sanadkii 1989-kii ayaa xalay Magaaladda Hargeysa kaga sheekeeyay sida uu uga badbaaday xasuuqaasi loo geystay shacabkii reer Somaliland ee ku noolaa Xamar.

 

Cumar Muuse Mirre oo xalay Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) casho sharaf ugu sameeyay Magaaladda Hargeysa ayaa si qiiro leh uga sheekeeyay sidii uu u dhacay xasuuqaasi loo geystay 46 qof oo reer Somaliland ah, kuwaas oo ciidamada ******tu ay habeen badh kala baxeen guryahooda.

 

Cumar Muuse Mirre oo ugu horeyn ka hadlaya wakhtiga uu dhacay xasuuqii Jaziira ayaa yidhi “Waxaan ka waramayaa xasuuqii xeebta Jaziira ee Magaaladda Muqdisho, waxay ahayd 17.7.1989-kii, abaaro 1-dii habeenimo ayay shan askari oo ku hubaysan qoryaha Ak 47 ay guriga noogu soo dhaceen, markii ay soo daateen waxay nagu khasbeen inaanu guriga (qolalka hurdada) aanu ka furno, waxaana albaabkaka furay Cabdirisaaq Caydiid Alle ha u naxariistee, markii uu albaabkii ka furay anigu waan cararay waxaanan galay meel xamaam ah oo alaab guriga lagu ranjiyeeyay ay yaaleen, gudaha ayay askartiina gurigii u soo wada galeen, dadkii ayay hurdada ka wada kiciyeen, markii aan is-idhi bal waxa ay dadka ku samaynayaan ayaan jiidhay alaabtii meesha taalay waxayna maqleen shanqadhaydii, waxayna igu yidhaahdeen soo bax, markii aan soo baxay, dhammaantayo waxay isugu kaayo keeneen daarada guriga, wakhtigaas waxaanu ahayn shan rag ah oo ay ku jiraan odey da’ weynaa oo laangadhe ahaa oo Alle ha u naxariistee la odhan jiray Saxardiid Xaaji Xuseen Cabsiiye iyo Wiil yar iyo waliba afar dumar ah.

 

Waxay yidhaahdeen odeygan weyni socon kari maayee dumarka ha u wheel yeelo, intayadii kalena waxay geeyeen meel aan guriga ka fogeyn oo ay dad badhkooda feedho qaawan yihiin oo sida askarta oo kale u fadhiya, meeshana waxa taagnaa laba gaadhi oo waaweyn oo kuwa ciidamada ah iyo gaadhi qori saaran yahay oo Toyota ah.

 

Dadka meesha fadhiya way garaacayaan oo laad ayay la dhacayaan, anagana sidii oo kale ayay noo fadhiisiyeen, markaas ka dib ayuu nin noo yimid, markaas ayuu waydiiyay dadkani waa imisa, markaas ayuu yidhi waa 47 Taliye, markaas ayaa gaadhiga lana saaray, markii ay gaadhiga na saareen xagga Koonfureed ayay noola dhaqaaqeen, markii aanu Magaaladda ka baxnay gaadhigii wadadii wuu ka baydhay oo meel raf ah ayuu maray, markaana waxa taagan (gaadhiga dushiisa) wiil dhalinyaro ah oo aan wakhtigaa da’diisa ku qiyaasay ilaa 18 jir oo gacan ka jaban, waxaana aniga aktayda fadhiya odey da’weyn oo aan ku qiyaasay ilaa 80 jir, odeygii inta uu igu soo foorarsaday ayuu igu yidhi waxaan u malaynayaa in la ina laynayo, ilmihii yaraa ee gacanta ka jabnaa oo hadalkayaga maqlayey ayaa ooyey, markii aanu muddo soconay waxa lana geeyay meel badda dhinaceeda ah, baabuurkii ayaa lanaga soo rogay, askartiina isku-weer ayay naga qabteen, waxayna noo kexeeyeen koox-koox waxayna na fuushiiyeen meel buur ah, iyagga oo na maqashiinaya hadalo ah “Waar jeelka albaabada u furra dad ayaanu wadnaaye”

 

Anigu waxaan ka mid ahaa shantii qof ee ugu dambeeyay ee gaadhiga agtiisa laga soo dhaqaajiyey, waxayna na geeyeen dhaadhaca dambe ee meesha buurta ah ee na geeyeen ayay haddana shan shan ruux noo fadhiisiyeen, markaas ayay noo cadaatay in lana laynayo, laakiin markaa wax aanu samayn karno maba laha, waayo cadadka aanu nahay iyo tiradda askarta na wadaa way isleekaayeen.

 

Markaas ka dib ayaa mid aan is-idhi waa taliyahooda ayaa mid kale ku yidhi taliye way soo dhammaadeen, markaas ayuu ku yidhi “ku fur maxaad sugeysaa”, markaas ayay rasaastii nagu fureen, dadkiina waxay noqdeen qof ashahaata iyo qof qayliya, aniga waxay igaga dhacday dhabarka laakiin hoos iimay galin ee way I jiidhaysay, markaas ka dib ayay dadkii soo dhex mareen oo midka ay dhaqaaq ka dareemaan ay rasaas ku dhufanayeen, markaas ayuu mid lugta igu dhigay oo uu yidhi taliye aniga rasaastii ayaa iga dhamaatee ila eeg, markaas ayuu ku yidhi war wax dhintay maad arage wuu dubaaxinayaaye ciida ka rog ayuu ku yidhi ninkii watay, markaas ayay naga tageen, muddo markii aan meeshii joogay ee aan shanqadh waayey ayaan meeshii ka kacay, markaas ayaan badda iskaga soo maydhay dhiigii macamusta aan sitay gaadhay, waxaanan u soo cararay xagga Magaalada oo markaa ii jirta ilaa 30KM, markaas ayaan ku soo laabtay gurigii la iga qaaday”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this