Saalax Posted January 25, 2012 Shirkad Macdan baadhis ka wadday Somaliland oo sheegtay inay qaybtii ugu horraysay u dirtay Kanada Hargeysa(RBC):- Shirkad lagu magacaabo Nobian Gold oo bilii u dambeeyey-ba sahamin iyo baadhis lagu ogaanayo noocyada Macdanta laga heli karo deegaannada Waqooyiga Hargeysa ee Somaliland, ayaa shaacisay inay macdan badan oo kala duwani ku jirto dhulkaas, isla markaana qaybtii u horreysay baadhis ugu dirtay dalka Kanada (Canada). Sidaa waxa lagu sheegay kulan maanta dhexmaray Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti ka socday Shirkad ku hawllan baadhista Macdanta Somaliland. kulankaas laba geesoodka ah ayaa la iska xaal-waraystay halka ay marayso bilowga hawsha baadhista Macdanta Somaliland oo ay maalgelinayso Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mendesta, isla markaana ay fulinayso Shirkad kale oo la yidhaahdo Nobian Gold. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shirkadda u soo jeediyay inay wada shaqayn toos ah la yeelato Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo Qaranka uga mas’uul ah wixii ku saabsan dhinaca Macdanaha, isagoo intaas ku daray in sida ugu suurto galsan loo bilaabo hawlgalka baadhista Macdanta marka la helo natiijada tijaabada Macdanta Somaliland oo loo qaaday waddanka Kanada. Dr. Tucker Barrie oo ah ku-xigeenka shirkadda Mendesta Group ayaa sheegay in shirkaddoodu ay si sharci ah u baadhi doonto Macdanta ku duugan Somaliland, waxaanu caddeeyay in hawlgalkoodii koowaad ay ku sahamiyeen Dhul qiyaastiisu gaadhayso Afar iyo Toban kun oo Killo mitir laba jibaaran oo ah deegaanka Waqooyiga Hargaysa. Dr. Tucker, waxa uu tilmaamay in Macdano badan oo faa’iido lihi ay ku jiraan dhulka Somaliland, taas oo ay ku ******** sida uu xusay tijaabooyinka qaybyada ah ee ay sameeyeen. Dr Tucker Barrie waxaa kale oo uu ka warramay qorshayaasha mustaqbalka dhaw ay Shirkaddoodu ka fulin doonto gudaha Somaliland. Maxamed Cumar Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda fulinaysa hawshan ee Nobian Gold ayaa shaaciyay in tijaabooyinkii loo qaaday dalka Kanada natiijooyinka ka soo baxay dhawaan waddanka la keeni doono isagoo u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaajinta Mashruucan. RBC Radio Xafiiska Wararka Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 25, 2012 http://www.raxanreeb.com/?p=129204 Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 25, 2012 They beat me to it....noooooooooooooooooooooooo..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 25, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 25, 2012 Is this the come back for the Puntland OIL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 25, 2012 This is good news will see how this project goes Quote Share this post Link to post Share on other sites