Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Total Collapse of peace talks between the ONLF and the Ethiopian government

Recommended Posts

Ciidamada ETHIOPIA Oo Sheegtay Inay Qabteen Sarkaal Sare Ka Tirsan Dagaalyahanada ONLF Iyo Wadahadaladii U Dhexeeyay Labada Dhinac Oo Burburay

 

Addis Ababa (Ramaas) Jan. 23, 2012- Dawlada dalka ETHIOPIA ayaa *****lka ka qaaday in ay ciidamdeedu qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa garabka milatariga ee jabhada ONLF Oo ka dagaalanta Bariga dalkaas, kaasoo la sheegay in lagu soo qabto dagaal ay toddobaadkan labada dhinac food isku dareen deegaanka Soomaalida

 

Saraalka la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Dhoonbe Xirsi Allaale oo ahaa hawlgeliya sare, isla markaana maamulayay guuto si gaar ah u tababaran oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado dhulka Bariga fog ee deegaanka Soomaalida ETHIOPIA, laakiin waxa aan la sheegin halka lagu hayo iyo in maxkamad la horgayn doono dhawaan.

 

Sarkaal ciidamada uga hadlay Magaalada Addis Ababa oo aan magaciisa la sheegin, ayaa warbaahinta dawlada u sheegay in ay soo dhaweynayaan qabashada Allaale oo ay u arkayeen in uu caqabad ku ahaa degenaanshaha dhulka aan gacanta lagu dhigin, waxaana uu sheegay in ay ciidamada federalku ay ka qaybgeli doonaan waxa uu ugu yeedhay hawlgalka xidiida loogu siibayo kuwa nabada cadowga ku ah.

 

Dhinaca kale waxa iyana burburay wadahadalo qarsoodi ahaa oo u dhexeeyaya dawlada dhexe iyo jabhada ONLF ,kuwaasoo ka dhacayay labadii bilood ee u dambeeyay wadamada Yurubta Galbeed iyo Maraykanka , la iskuna dayay in lagu soo afjaro colaado gaamurtay ee ragaadisay deegaanka Soomaalida .

 

Dawlada ETHIOPIA , ayaa la sheegay in ay ku gacansaydhay dalab ka yimid wakiilada jabhada oo ahaa in inta aan la gaadhin wada xaajooyada rasmiga ah ee nabada in marka hore ciidamada dawladu joojiyaan dagaalada ka dhan ah falaagada, waxaana ay taas u aragtay in ay majaxaabinayso awoodeeda milatari ee ay ku muquunaysay falaagada hadda ka hor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this