Sign in to follow this  
Liibaan

Xildhibanada Khatumo eeKa Tirsan Dawlada Somaliya OoKu Baaqay InLa Tageero Mamulka Khatumo

Recommended Posts

Liibaan   

xill.jpg

 

 

 

Xildhibaano Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya Oo Ku Baaqay In La Taageero Maamulka Khaatumo

Lasanod Online Monday, January 23, 2012

 

 

 

 

 

 

Muqdisho,(Lasanod Online)-Shir jaraa’id oo ay maanta Magaalada Muqdisho ku qabteen Xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG

 

 

Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa waxa ay ugu baaqeen Madaxda dowladda KMG Soomaliya inay fara galin ku sameeyaan xiisadaha ka taagan gobolada SSC, ayna garab istaagaan dadka shacabka ah ee sameystay Maamulka la magacbaxay Khaatuma.

 

 

 

Xildhibaan Xaaji Cabdi Max’ed Cali oo la hadlay warbahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland uu dhibaato ballaaran ku hayo dadka rayidka ah ee ku nool goboladaasi, isagoo sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah looga baahanyahay inay garab istaagaan dadkaasi maadaama uu xusay inay ka shaqeeyaan sidii calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa goboladaasi.

 

 

 

Isagoo hadalkiisa wata Xildhibaanka ayaa waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan gobolada SSC inay sii wadaan dibadbaxyada iyo dagaalada ka dhanka ah Maamulka Somaliland islamarkaana ay u istagaan sidii ay u sameysan lahaayeen Maamul hoostaga dowladda KMG ah.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Laascaanood

 

Laascaanood Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this