Liibaan Posted January 23, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Afhayeenka Maamulka Khaatumo State Oo Ka Hadlay Xasuuqii Laascaanood iyo Buuhoodle Lasanod Online Sunday, January 22, 2012 Taleex,(Lasanod Online)-Waxaa Maanta Si rasmi ah Qasriga madaxtooyadda ee Maamulka Khaatumo State ee Degmada Taleex shir jaraaid ku qabtay afhayeenka maamulka khaatumo State Of somalia Mr Cumar Jaamac Saleebaan waxa uuna Cumar ka hadlay arimaha Foosha Xun ee Maamulka Somaliland ka wado Goboladda Sool iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo State of Somalia,waxa uuna Mr Cumar Sheegay in aanay mamulka Khatumo u Dul qaadan doonin Xasuuqa ay ka wadaan Goboladda SSC,isla markaana ay ka Bixin Doonaan Jawaab Ficilaysan, Halkan kadaawo video-ga Shirsaxaafadeedka. Xafiiska Wararka Laascaanood Laascaanood Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 23, 2012 Maamulka Khaatumo State Of Somalia Oo Canbaarayn Dusha Uga Tuuray Maamulka SNM Xasuuqay Kageysteen Magaalada Laascaanod MaamulkaKhaatumoState of Somalia ayaa maanta si wayn u canbaareeyay Xasuuqii shalay loo gaystay shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee Xarunta gobolka Sool. dhanka kale waxay digniin uculus udireen ciidamada Maamulka SNM ee kusugan magaalada Laascaanood inay si deg deg ah ugala baxaan maleeshiyaadka halkaasi ku sugan hadii kale cawaaqib xumada ay kala huleelaan ay dusha uridan doonaan. Shir saxaadeedka ka soo aqalka madaxtooyadaMaamulkaKhaatumoStateayaa waxaa saxaafada u akhriyey Afhayeenka Maamulka Khaatumo State Cumar Jaamac Saleebaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 24, 2012 CANBAAREEYNTA TACADIYADDA IYO XASUUQADDA S/LAND KA GEEYSTEEY M/LAASCAANOOD Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda codka xoriyad difaaca,midnimo illaalinta,karaamo dhoowrida iyo wanaag ka shaqeeynta,dulmi diidaha,dagaal iyo colaad ka soo hor-jeedka,xumaan ka fogaanshaha,xasuuqi iyo gumaad diidaha iyo gumeeysi iyo gunimo ka soo horjeedka. Waxaanu si cad oo qeexan canbaareeyn culeeyskeeda leh halkan uga soo gudbineeynaa Maamulka S/Land Xasuuqii,Tacadiyadii iyo fafalkii naceybka iyo Somali kala fogeeynta ku saleeysneyd oo Ciidankooda(hab Beeleedka ah) Maleeshiyaadka xanuunka iyo cunsuriyadda ku gaashaaman eey ka geeysteen Magaalada Laascaanood xarunta G/Sool(Dhimasho,Dhaawac xad dhaaf iyo Hanti Burburinta)si cad loogu beegsaday Bulshada rayidka ah oo weliab u badan:- Haween,Caruur iyo Waayeelba. Dhaq-dhaqaaqa Nabada wuxuu qiraayaa in Falkaas waxshinimada iyo naceeybku heerka wuu ka gaareeyn Guud ahaanba:-Maamulka,Golayaasha,Culimaa-udiinka, Hogaan Dhaqameedka,Xisbiyada Siyaasadeed,Ururdda Bulshadda iyo Jaaliyadda Qurba Jooga ah ka turjumaayo cunsuriyadda iyo somaalidiid-nimada xanuunka dilaaga ah ku noqoday Beelaha Maamulkaas oo shaatigii Jabhadnimada la soo Baxay(SNM-tii)waan arrin ayaan daro ah si weyna u dhaawacday magacii iyo maqaamkii Maamulkaas iyo bulshadiisaba. Dhaq-dhaqaaqa Nabada wuxuu masuuliyadda dhibaatadaas xanuunka weyn leh dusha uga tuuraayaa Hogaanka S/Land,Golayaashiisa,Xisbiyadda,Hogaan dhaqameedka iyo Culumaa-udiinka oo si cad uga leexday habkii toosanaa oo shareecada Islaamku dhigeeyso oo aheyd:-Wanaag ka shaqeyn,Nabad raadiin iyo dhibaato ka fogoow. Dhaq-dhaqaaqa Nabada wuxuu qeexaayaa in Hogaanka S/Land iyo Taliyaasha Ciidanka ama Meleeshiyaadka Beeleedka ka amar qaata in eey yihiin gacan ku dhiiglayaal, Xasuuqayaal iyo Dagaal Oogayaal mudan in la maxkamadeeydu oo cadaalada la hor- jeedo(Maxkamada Dembilayaasha Dagaalka). Dhaq-dhaqaaqa Nabada,Midnimadda iyo Cadaalada waxeey halkan tacsi uga diraayaan Dadkii Xasuuqaas ku naf waaweyn iyo kuwa ku dhaawacmayba oo gacanta ka xaq daran dhibaateeysay. -Guul Qaranimadda iyo Midnimada Somaaliyeed). -Afhayeenka Guud Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 24, 2012 crying about Guul Qaranimadda iyo Midnimada Somaaliyeed .... tolloooow yaaa Djibouti o yedhaaa..so somali maha..?? To believe in the 5 pointed star is to except Somaliland. If Djibouti is gone, if NFD is gone if Somali Galbed is gone then kiss the union between Somaliland and Somalia goodbye we have them all or we have none. Waa crocidle tears...they dont give a dam about Somali unity...lakin we called their bluff. hahaah :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted January 24, 2012 Xasuuqa shacabka walee xisaab ba ka danbayn Hermet no one cares if somaliland is gone, they can take their three cities whereever they want yaa wax ku falaya and I never understand why they dnt accept their three cities and look for their recognition? U folks always talk abt dijibouti and u know how small it is marka ii sheeg waxa umada kale xaqeeda ku falasiin? Uff dad caqli biya lagaga shubay stick to yur three cities.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 24, 2012 Xasuuqii shacbigi Somaliland horee xisaab tee ba ka danbaysay??? tiii 1991 lagu heshiyay so maha..oo Somaliland lagu dawaqay oo reer las canod na ay jogeeen...lets not kid ourselves..xasuuq mesha kamu dicin...70 thousand people were killed in Hargaisa, Burco, Erigavo, Berbera, etc.. yaaa la la xisabtamay...this is no genocide, protests happen and loss of life happens...its a fact. over dramatic people...Somaliland waa muqadas..the world does not function according to the dreams of Aaliyaah but Africa is divided along colonial lines not clan lines... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted January 24, 2012 Markasta xaqdaradina laga hadlo ama awdal ha noqoto ama reer SSc saad u galisiin waxad ka hadashan wixi hargaisa ka dhacay as if that justifies it caqli xumo..secondly no one believes in those colonial borders other than somaliland marka gumesi hadad saas u jeceshihin u folks should attend that conference Britain is holding and ask them to colonize your three cities cuz seriousaly dhib ba ni haysata if u guys cant move on Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 24, 2012 Two people got killed unfortunately and we call it a massacre in what world do these people live in Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dervish Posted January 24, 2012 Loool Xaaji it takes two to tango. 20 years of lies its our turn to make ish up Quote Share this post Link to post Share on other sites