Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland PSU AND KIU Universities Streghthen Educational Cooperations. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

GAROOWE : Jaamacaddaha PSU iyo KIU oo hehiis wadagalay (Sawiro)

January 23, 2012 11:47 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

 

Garoowe:-Jaamacadda Puntland State University PSU ayaa heshiis ku saabsan Ardayda Jaamacadda dhamaysta ee qaata Bajularka ay Mastarka ku qaataan Jaamacada Kampala International University KIU si Online ah.

 

M-waynaha Jaamacadda PSU Maxamuud Sheekh Xaamid ayaa waxa uu si faah-faahsan u sharaxay heshiiska labada Jaamacadood wadagaleen, waxaana uu sheegay In Jaamacadda KIU ay Shahaadada Mastarka bixinayso, Macaliyiinta iyo Casharadda bixinayso, oo ay u samaynayso u qareemid Jaamacadda PSU si ay uga mid noqoto Ururka Jaamacadaha Caalamiga ah, PUS ayuu sheegay in ay dhammaan agabka lagu shaqaqaynayo ee Maxaliga ah ay bixinayso, ayna dhaqaalaha maamulayso.

 

Maxamed Adula M-waynaha Jaamacadda KIU ayaa waxa uu ammaan iyo bogaadin ujeediyay PSU gaar ahaan M-waynaha Jaamacadda PSU oo uu sheegay in uu dadaal badan u galaay sidii Jaamacaddu u ahaan lahayd mid heersare ah, waana taas buu yiri mida ay hadda ku gaartay in illaa Mastar ay ka baxdo Jaamacaddu, waxa uu i qoto-dheer uga sheekeeyay Aqoonyahano dhowr ah taariikhda ay ku leeyihiin Waxbarashada iyo muhiimadda ay leedahay Waxbarashaddu.

 

Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Maxamuud Idiris ayaa ammaan u jeediyay Jaamacadda PSU iyo maamulkeeda waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee Jaamacadaha PSU iyo KIU, waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay soo dhawaynayaan ay cid kasta oo Waxbarashada wax ku kordhinaysa qalinba ha ahaadee.

 

Baashi Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cismaan oo sheegay in ay tahay xafladii ugu horaysay ee lagu casumo isaga oo Issim ah ayaa waxa uu soo dhaweeyay heshiiskan, waxaana uu xusay in uu Garoowe uu joogi jiray iyada ooa an lahayn dugsi hoose/dhexe iyo sare toona balse 3 Galaas oo kaliya ka jireen, maanta Jaamacaddo ka furan yihiin, waxaa uu sheegay in ay tahay wax wanaagsan.

 

Madaxwaynaha PSU ayuu aad u ammaanay, waxaana uu sheegay in Aabihiis Allaha u naxariistee uu dadka baray Diinta Ilaamka oo ku sheegay Aakhiraawi isna uu dadka baray Cilmiga Maadiga ah oo ku sheegay Dunyaawi.

 

Suldaan Saciid Maxamed Garaase, ayaa isna soo dhaweeyay heshiiskan, waxaana uu Alle uga baryay in uu noqdo mid taabo gala oo Ummadda waxtar u noqda.

 

Puntlandpost.com

 

Mr. Maxamuud Sheekh Xaamid M-waynaha Jaamacadda PSU

k.jpg

 

Pro. Maxamed Adula M-waynaha Jaamacadda KIU

k1-450x342.jpg

 

k3.jpg

k2-450x342.jpg

 

Baashi Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cismaan

k4-450x342.jpg

 

Suldaan Saciid Maamed Garaase

k5-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this