Somalia Posted January 22, 2012 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dugsiga Maxamuud Mire kaasoo ay wax ka bartaan ku dhowaad 1,000 arday kuwaasoo si lacag la’aan ah wax ku barta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisan waxaa ku wehlinayay Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Waxbarashada iyo maamuleyaasha iskoolka Maxamuud Mire, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu mid mid u gacan qaaday ardaydii halkaasi ku sugneyd wuxuuna sidoo kale booqday qeybaha xafiisyada iyo keydka iskoolka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay shaqsiyaadkii gacanta ku hayay isla markaana badbaadiyay xilliyadii burburka wuxuuna ka sheegay goobta in maanta ay tahay maalintii ugu farxada badneyd maadaama uu hortaagan yahay boqolaal arday Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay mustaqbalkooda dhisaan waxbarasho lacag la’aan ahna heysta. “Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa waxbarashada oo ah aas aaska bulshada, waxaadna la socotaan in ummad kasta ay horumarkeeda ku xirantahay heerka aqoonteeda” ayuu yiri R/wasaare Dr. Gaas oo tilmaamay in xukuumadiisu ay fursad u siisay arday fara badan in loo helo waxbarasho dibadeed oo lacag la’aan ah sida dalalka Turkiga, Sudan, Yemen iyo dalal kale oo haatan la filayo. “Waxaan ku guuleysanay inaan balanqaad ka helno dowladdo kala duwan, waxaana ka mid ah balanqaadyadaasi dhismaha wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo dowladda Sucuudiga naga balanqaaday” ayuu yiri Mr. Gaas oo balanqaaday in iskoolka Maxamuud Mire ay u dayactiri doonto xukuumadu qeyb ka mid ah iskoolka. Dhinaca kale, R/wasaaraha ayaa kormeeray xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda oo la dayactiray isla markaana ay xafiisyo ka dhigteen Wasaaraddo dhowr ah oo ka soo guuray Wasaaraddii Harkaha iyo Saamaha wuxuuna R.wasaaruhu ugu baaqay Wasaaradduhu inay dardargeliyaan hwolaha bulshada ay u hayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted January 22, 2012 Things are changing for the better. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted January 22, 2012 Kids feel safe around him unlike the Alshabaab butchers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 23, 2012 peasant;778253 wrote: Kids feel safe around him unlike the Alshabaab butchers. Or Abdulahi Yusuf and xabashi's. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted January 23, 2012 Carafaat;778270 wrote: Or Abdulahi Yusuf and xabashi's. or secessionists and Godane;) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 23, 2012 KingofKings, dont think kids in Moqadishu need to feel unsafe around secessionist. Godane is a unionist. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted January 23, 2012 Carafaat;778270 wrote: Or Abdulahi Yusuf and xabashi's. You people never cease to amaze me. Still using the Habashi card. Tell me what your score was. http://www.iqtest.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted January 23, 2012 secessionists are threat to their country and future. therefore, they have every reason to fear you. Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted January 23, 2012 Carafat probably does not know habashis are in Beledweyne as we speak and kicking Alkababi asses. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted January 23, 2012 kingofkings;778275 wrote: secessionists are threat to their country and future. therefore, they have every reason to fear you. its seems you doing all the talking and fearing at the moment...still living on handouts and proud of it i see...big step up...im proud of you guys. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 23, 2012 Somalia;778214 wrote: Abdiwelli may Allah bless you and keep you. Mr. PM you have done a great job... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Macallinka Posted January 23, 2012 That was my school, was there sitting for the mid term exam the famous day that the civil war broke out! and haven't seen since , very emotional i tell yh. thanks for Mr PM and well done for your excellent job, we need people like that to build Somalia back to what it was inshallah Quote Share this post Link to post Share on other sites