Sign in to follow this  
Dr_Osman

Illegal Journalist Enters Puntland Territory And Deported. Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Boosaaso-City-300x225.jpg

 

Boosaaso: Weriye qaab sharci daro ah dalka kusoo galay oo dib loo celiyey [Dhegeyso]

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Wasaarada amniga ee Puntland ayaa ka warbixisay weriye Jarmal ah oo dhowaan laga musaafuriyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Wasiirka wasaarada amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in sababta ninkaas dib loogu celiyey ay tahay kadib markii uu jebiyey shuruucda dalka u degen.

 

Mudane Khaliif ayaa sheegay in ninkaas oo lagu magacaabo Martin Ladule uu isaga oo aan wax Fiiso ah sidan kasoo degey garoonka haseyeeshee markii danbe ay maamulka hay’adda WFP sheegeen in uu iyaga u socdey sidaasna lagu sii daayey.

 

Wasiirka ayaa mar la weydiiyey sababta keentay in maadaama markii horeba ninkan lasii daayey hadana dib loogu soo qabtay loona musaafuriyey sheegay in uu naftiisa khatar geliyey maadaama isagoo og noola sheegay in ilaalo la’aan aanu magaalada aadi karin uu baxay isaga oo aan cid soo ogeysiin lagana soo helay markii danbe gudha magaalada.

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa dhinaca kale beeniyey warar ay qaar kamid ah wakaaladaha wararku shaaciyeen oo sheegayey in Martin Ladule lagu afduubtay magaalada boosaaso, wuxuuna tilmamaamay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin.

 

Dhegeyso codka wasiirka amniga

http://horseedmedia.net/2012/01/22/boosaaso-weriye-qaab-sharci-daro-ah-dalka-kusoo-galay-oo-dib-loo-celiyey-dhegeyso/

 

Wasiirka wasaarada amniga, hub ka dhigista, iyo dhaqan celinta ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay maamulka Galmudug inay xil weyn iska saaraan sidii dib xoriyadiisa loogu siin lahaa weriye kale oo dalka Germany ka yimid haseyeeshee haysta dhalasho Maraykan ah oo ay kooxo hubaysani shalay ka afduubteen koonfurta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Todobaadyo kahor ayey ahayd markii ay madaxda waasaarada amniga iyo hay’adaha UN-ka ee magaalada Boosaaso ka hawlgalaa ay wada qaateen kulan ku aadan sidii ammaanka hay’adaha loo sugi lahaa iyaguna ay u dhowri lahaayeen shuruucda dalka u degen islamarkaana ay dowlada ula soo socod siin lahaayeen imaatinkooda si hab sharciga waafaqsan loogula shaqeeyo.

 

Waxayna talaabada ay dowladu qaaday u muuqataa mid ay kaga hortegeyso in dadka Ajaanibta ahi ay dalka qaab aan sharci ahayn kusoo galaan arintaas oo ah mid dowladu ay tilmaantay inay khatarteeda leedahay oo ay horseedi karto arimo badan oo sumcadda iyo magaca Puntland waxyeelo u geysan kara.

 

Horseed Media

 

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Man I cant wait for the iftin and golis glass towers to go up. Urban planning is critical so it impacts graciously on the skyline. If they put it both next to hotel safari along with the tawakal tower damnnnn it will look sick

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This year I am hopinh to see the laying of the foundation rock for 3 more towers all glass blocks. Preferrably Red Sea Trading, Qaran, Puntland Telecom who I think need to lift up their game, That will really boost our skyline if they locate it all in the downtown...have 6 solid glass towers along with the other existing towers will make our city no 1 in Somalia, I think we can do it. Invest in Bosaso,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this