AsadSL Posted January 21, 2012 Jiljileeca Siyaasadda Arrimaha Dibadda Axmed-Sillaanyo & Muuqaalada Is Diidan Ee Ka Ifaya Saameynta Uu Shirka London Ku Yeelan Karo Somaliland Hargeysa, Somaliland (Togaherer) – Toddobaadkii u dambeeyay waxaa isa soo taraya ama xayn-daabka siyaasadda Somaliland ku soo xoogaysanaya cadaadis ay dawladda Britain ku soo saarayso dawladda Somaliland inay ka qayb-gasho shir dib-u-heshiisiineed oo London loogu qabanayo Soomaalida ku dhaqan dalkii burburay ee Somalia, kaas oo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay sidii xal loogu heli lahaa burburka iyo xasilooni darrada ka jirta dalkii Somalia laysku odhan jiray. Xukuumadda talada u haysa Somaliland ayaa tan iyo intii ay xilka la wareegtay badhtamihii sannadkii 2010 waxay ku dhaqmaysay siyaasad ka duwan siyaasidihii arrimaha dibadda ee dawladii Somaliland ee ka horeeyay, taas oo ay sheegtay inay wax ka bedeshay isla markaana ay meel kasta u geli doonto baadi-goobka aqoonsiga Somaliland, xataa haddii ay noqoto ka qayb-galka shirarka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida, waxaana dhawr jeer wasiirka Arrimaha dibadda ee xukuumadda hadda talada dalka haysaa ka qayb-galay shirar loo qabtay maamul-goboleedyada Soomaalida ka jira iyo dawladda itaalka daran ee Sheekh Shariif Madaxweynaha ka yahay, taas oo ay xukuumadda Axmed Siillaanyo ku kasbatay cambaareyn farabadan, marka la’eego bulshadda gudaha dalka. Sidoo kale waxa jira olole aan toos ahayn oo loo arko in ay xukuumadda Somaliland ugu ololaynayso inay shacbiga Somaliland kaga dhaadhiciso in fursado siyaasadeed oo waaweyni ugu jirto Somaliland haddii ay ka qayb-gasho shirka dabayaaqada February 2012 loogu qabanayo Soomaalida magaalada London. Inkastoo masuul ka tirsan xukuumadda Britain uu horeshaaca uga qaaday in Madaxweyne Axmed Siillaanyo aqbalay martiqaad ay dawladda Britain ku marti-qaaday shirka Soomaalida ay ugu qabanayso London, haddana xukuumadda Somaliland ganafka ayey ku dhufatay hadalkaas, waxanaay sheegtay inaanay aqbalin ka qayb-galka shirkaas. “Ra’iisal Wasaaraha (Britain) ayaa ku baaqay shir caalami ah oo loo qabto Somalia, kaas oo qabsoomi doona 23 February, dabcan Somaliland waa lagu casuumay, waxaana dhawaan kulan la yeeshay Madaxweyne Siillaanyo, waxaanuna u gudbinay martiqaadkaas, isagoo balanqaaday inuu ka soo qayb-geli doono. Runtii waxay noqonaysaa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday haddii Somaliland ay shirarka dib-u-heshiisiinta iyo nabadeyntaSomaliaka qaadato door buuxa oo xaqiiqo ah”. Sidaa waxa yidhi wasiirka Afrika u qaabilsan wasaaradda Arrimaha dibadda Britain Henry Bellingham oo ka jawaabayay su’aalo ay xildhibaano ka tirsan BaarlamaankaUK, isla markaana u ololeeya qadiyadda Somaliland ka weydiiyeen doorka ay Somaliland ka qaadan karto shirkaLondoniyo meeqaamka aySomalilandshirkaas kaga qayb-geli karto. Sidoo kale wasiirkaas ayay Mudaneyaashu wakhtigaas weydiiyeen in Somaliland loo ogolaanayo inay shirkaas ka qayb-gasho iyadoo aan loo diidayn go’aankooda gooni-isu-taaga ah iyo in fursad loo siinayo inay madaxda xukuumaddaBritainla kulmaan oo ay u bandhigaan sababaha ay daruuri u tahay inSomalilandloo aqoonsado dal madax banaan. waxaanu Mr. Bellingham su’aashaas kaga jawaabay hadal taxadir leh oo aanu ku caddayn meeqaamka ay Somaliland kaga qayb-galayso shirkaas, waxaana jawaabtii u dhignayd sidan: “Waa daruuri in Somaliland lagu martiqaado, waana arrin aad u muhiim ah in dhammaan qaybaha kala duwan ee Somalia ay shirkaas ka soo qayb-galaan isla markaana doorkooda si buuxda uga qaataan, iyadoo sidoo kalena aanu ku rajo-weynahay in waddamada safka hore ee urur-goboleedka IGAD iyo xubno kale oo caalami ahi ka soo qayb-geli doonaan.” Somaliland ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay inay dib ula soo noqotay madax banaanida sannadkii 1991-kii, aan marnaba ka qayb-gelin shir dib-u-heshiisiineed oo loo qabanayo dhinacyada Soomaalida, waxaanu Baarlamaanka Somaliland hore uga soo saaray xeer u diidaya muwaadiniintu inay xataa sifo shakhsi ah uga qayb-galaan shirarka Soomaalida loo qabanayo, iyadoo xeerkaas hore loola tiigsaday siyaasiyiin shirar Soomaalida loo qabtay ka qayb-galay isla markaana xabsiga loo taxaabay halka kuwo kalena ay mustaafir ugaga maqan yihiin dalka muddo dheer. Dhinaca kale, tan iyo intii xukuumadda Axmed Siilaanyo ku dhawaaqday inay wax ka bedel ku samaysay siyaasadii arrimaha dibadda, waxaa dadka qaar u arkaan in u ay muuqato oo uu soo baxay hoos u dhac weyn oo la xidhiidha dhinacyadii ololaha aqoonsi-raadinta madax banaanida Somaliland. Tusaale ahaan, waxay ahayd dabayaaqadii bishii November ee sannaadkii ina dhaafay markii uu wasiirul-dawlaha horumarinta caalamiga ah ee dawladda Britain, Alan Duncan, shaaca ka qaaday inaanay xukuumadda Somaliland ka helin tobankii bilood ee u dambeeyay sannadkaas wax qoraal ah oo la xidhiidha qadiyadda aqoonsiga madax banaanida Somaliland, taas oo iftiimisay hoos u dhac ku yimi ololihii aqoonsi-raadinta madax banaanida Somaliland tan iyo intii xukuumadda Axmed Siilaanyo la wareegtay talada. Sidoo kale, hoos u dhaca siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa waxaa muujisay hadal ka soo yeedhay dorraad guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin oo socdaal ku yimi Somaliland, kaas oo sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay diyaaradda ka soo wada raaceen Nairobi ay ku kulmeen uun diyaaradda guudkeeda, balse aanu ka warqabin socdaalkiisa Nairobi, iyadoo uu Faarax Macalin ka mid yahay masuuliyiinta faro-ku-tiriska ah ee Baarlamaanka Kenya ka tirsan ee qadiyadda Somaliland taageeray, ay ahaydna inay wufuudda Somaliland ee dalkaas tagaa ka warqabaan si ay ugu fududeeyaan xidhiidho farabadan. Marka arrimahan la isu geeyo, waxaa loo arkaa inay walaaca dad farabadani ka muujinayaan in haddii xukuumadda Somaliland ka qayb-gasho shirkaLondonay habacsanaanta ka muuqata siyaasadda arrimaha dibaddu ka sii darri karto. iyadoo aanay ilaa hadda caddayn fursadaha siyaasiga ah eeSomalilandugu jirta ka qayb-galka shirkaas ee ay ugu badheedhi karto khataraha kaga imman karra. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ayaa looga fadhiyaa inay shacabka Somaliland si cad oo aan caadifad iyo hoos u guux toona ku jirin loogu soo bandhigo fursadaha siyaasadeed eeSomalilandugu jiri karta haddii laga qayb-gallo shirkan. iyadoo la barbardhigayo kuwo ay ku waayi karto haddii ay Mawqifkeedii hore uga taagnayd shirarka Soomaalida wax iska bedelaan. Sidoo kale arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay inay xukuumadda Axmed Siillaanyo hoos u eegto ayaa waxay tahay in talo qaran laga yeesho go’aan kastoo laga gaadhayo ka qayb-galka shirarka Soomaalida loo qabanayo, ha noqdokanLondoniyo kuwa kale ee lagu eedeeyo inuu wasiir KhaarajigaSomalilanddus-dus kaga qayb-galo. Quote Share this post Link to post Share on other sites