Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo Ku Tilmaamay Maamulka Khaatumo State “Mid Magac Carruur leh”

Recommended Posts

Saalax   

Garoowe[RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa ku tilmaamay Maamulka cusub ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Taleex in uu yahay mid magac ciyaal ah lana mid yahay kuwii horey la magacbaxay Raascaseyr iyo Galbeedka Mudug.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa hadalkaan ka sheegay xili maanta uu ka qeybgalay Xaflad lagu Xusaayey Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed gudaha magaalada Garoowe,wuxuuna xusay in ay si weyn u canbaareynayaan Weerarka ay Somaliland kusoo qaaday Sool iyo Cayn oo yiri waxa ay ka tirsan yihiin Puntland.

Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale sheegay in Shacabkaasi ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan wax kasta oo khatar gelinaya naftooda,dhulkooda iyo maalkoodaba ayna difaacayaan haddii ay Dawladda Puntland yihiin.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey sida ay arakti ahaan ula muuqato Maamulka cusub ee Khaatumo State ee lagaga dhawaaqay dhawaan degmada Taleex ayaa waxa uu ku sifeeyey mid magac ciyaal ah lana mid ah kuwii lamagacbaxay Raascaseyr iyo Galbeedka Mudug isagoo yiri Minimada Puntland waa muqadas.

Shirkii lagu qabtay Taleex kana soo baxay Maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu ku sheegay Jeneraal Cabdisamad Cali Shire in aysan marnaba u dhamayn beelaha wada-dega deegaanadaas isagoona xusay in ay marin habaabin ku sameeyeen kooxo balse ma uusan carabaabin kooxdu waxa ay tahay.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili maalmo ka hor uu isna ka gaabsaday in uu ka hadlo Maamulka cusub ee Khaatumo State Madaxweyne Faroole isagoona sheegay in uusan rabin in uu hadal iyo tafaasiil ka jeediyo sheegayna arrintu in ay tahay Cayriin.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this