General Duke Posted January 21, 2012 Mudaharaadkii ugu balaadhnaa ayaa ka soconaya magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool Mudaharaad lagaga soo horjeedo maamulka Somaliland oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba geystey ayaa ka soconaya Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Mudaharaadkan oo ka bilaabmay kulan ay masuuliyiinta Maamulka Somaliland ugu qabteen Hotel xamdi oo ku yaala bariga magaalada Laascaanood ayaa noqday mid isu bedeley rabshado. Ciidamada kala duwan ayaa iyagoo adeegsanaya rasaasta nool ayaa isku deyaya inay baneeyaan jidadka magaaladda waxaana inta haatan la ogyahay sida ay barkulan dad kala duwan u sheegeen dhintay 3 ruux oo laba dumar yihiin, isbitaaladda ayaa iyagana la geeye 7 ruux oo dhaawac ah oo dumar iyo dhalinyaro u badan. Mudaharaadkan ayaa lid ku ahaa mid la sheegay inay qabanqaabinayeen qaar ka mid ah maamulka Somaliland oo maanta lagu balansanaa in laga dhigo dhamaan magaalagooyinka Somaliland. Guud ahaan degmada Laascaanood ayaa u eg goob qas iyo qalaalse aafeeyey iyadoo ay jiraan dhagxaan waaweyn iyo waxyaabo kale oo lagu xidhay magaaladda Wadooyinkeeda. Maaha markii ugu horaysey ee mudaharaad noocan ahi uu ka dhoco tan iyo intii lagu dhawaaqay maamulka Khaatumo State ee dhowaanta lagaga dhawaaqay magaaladda Taleex ee Gobolka Sool Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 21, 2012 iidanka Somaliland dad rayid ah ku laayey magaalada Laascaano Updated About:3 mins ago0 Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidanka Somaliland ay ku dileen halkaasi ilaa iyo lix ruux oo rayid ah. Dhimashada dadkaa ayaa timid kadib marki ciidamada Somaliland ee joogay Laascaano ay rasaas ku fureen dad mudaaharaadayey oo kasoo horjeeday maamulka Somaliland ee halkaasi ka arrimiya. Wararka ayaa sheegaya rasaasta kadib in uu bilowday dagaal dhex maray maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidanka Somaliland, waxaana wararku ay sheegayaan magaalada ay la wareegeen maleeshiyada deegaanka. Xaalada ayaa wali kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka Somaliland ay soo rogaal celiyaan. Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted January 21, 2012 could this be the long waited up-rise? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 21, 2012 http://www.jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2193:maleeshiyada-somaliland-oo-shacab-ku-xasuuqday-magaalada-laascaanood&catid=42:wararka-af-somali Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 21, 2012 Laascaanood: Ciidamada Somaliland oo dad mudaaharaad dhigayey rasaas ku furay Updated:- 1 min ago| 1 Commnets Ugu yaraan 3-qof oo rayid ah ayaa geeriyootey 4-kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay dad mudaaharaad dhigayey rasaas ku fureen ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool. Ilo wareedyo ku sugan degmada Laascaanood oo ay Horseed Media xiriir la samaysay ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay islamarkaana ay gaareyso ilaa 6-qof inkasta oo warkaasi uu yahay mid aan weli la xaqiijin. Dhaawaca dhowr qof oo kale ayaa iyagana la geeyey xarumaha caafimaadka iyo Isbitaalka weyn ee Laascaanood waxaana dhamaan dadkaas ay waxyeeladu soo gaartey yihiin dad shacab ah oo samaynayey banaanbax lagu taageerayo maamul goboleedka dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo. Todobaad kahor ayey ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada Somaliland u dhaawaceen 2-qof oo rayid ah oo kamid ahaa boqolaal qof oo dhigayey dibad bax ay ku taageerayeen shirka Khaatumo islamarkaana ku dhawaaqayey halkudhigyo ka dhan ah maamulka Somaliland. Wixii warar ah oo arintan kasoo cusboonaada saacadaha soo fool leh ayaan idiin soo gudbin doonnaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
FreshPrince Posted January 21, 2012 Where is Human Rights? Civilians being slaughtered with Anti-Aircraft machine guns by the SNM militia (Somaliland aka Somalidiid militia)! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted January 21, 2012 LAASCAANOOD : Mudaharaad ay dad ku dhinteen oo looga soo horjeedo Somaliland oo hareeyay magaalada Laascaanood January 21, 2012 Laascaanood:-Mudaharaad xoogan ayaa iminka ka socda magaalada Laascaanood kaas oo looga soo horjeedo Somaliland, waxaana la sheegayaa in mudaharaadkan uu yahay mid rabshado wata oo khasaare dhimasho iyo burbur gaystay, goobojooge ku sugan magaalada ayaa noo xaqijiyay dhimashada 2 qof oo Wiil iyo Gabar ah iyo 9 qof oo dhaawac ah,dhammaantoodna dadkan waa mudaharaadayaasha. Mudaharaadkan, oo aad u culus ayaa wali socda waxaana dadka dhintay kuwa dhaawacmayba ay waxyeeladu soo gaartay kadib markii Ciidanka Somaliland ay la dhaceen rasaas xoogan oo aan aabo-dayin. Mudaharaadkan ayaa la sheegayaa in uu jawaab u yahay mudaharaadyo ka dhacaya magaalooyinka Hargaysa iyo Burco oo taagero u ah Ciidanka ku sugan gobolka Sool iyo wax ay ugu yeereen gooni isutaaga Somaliland oo ay ku sheegayaan muqadis. Maamulka Khatumo State ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Taleex ayaa xaruntiisa lagu sheegay magaalada Laascaanood oo sida la wada ogsoon yahay ay gacanta ku hayaan maamulka Somaliland. Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 21, 2012 Breaking News; Fighting in Cayn region,.... http://www.jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2194:dagaal-ka-qarxay-duleedka-sool-joogto-ee-gobolka-cayn-iyo-daryanka-madaafiicda-oo-laba-dhacaya&catid=42:wararka-af-somali Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted January 21, 2012 This is a travesty that can't be ignored. The people of Laascaanood must be given their freedom Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 21, 2012 ^^^Warlord Siilanyu and his gang should be prosecuted................ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 21, 2012 Mudaaharaad ,,, eh ? ............. It is called Democracy and it happens all over the world. It can be violent or peaceful ,, depends on the situation. It even happens here in Hargeisa sometimes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 21, 2012 Mudaaharaad ,,, eh ? ............. It is called Democracy and it happens all over the world. It can be violent or peaceful ,, depends on the situation. It even happens here in Hargeisa sometimes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 21, 2012 Syrian democracy? Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 21, 2012 aascaanood,(Lasanod Online)- Mudaharaado sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa hadda ka socda magaalada Laascaanood. Waxaana la sheegayaa in mudahraadkan uu keenay dhimasho iyo dhawac soo gaadhay shacabka mudhaharaadayey. kuwaas oo maleeshiyada Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen. Wararku waxay sheegayaan in tiroba saddex qof ku geeriyootay rabshadahan ka dhacay magaalada, dhaawucuna uu yahay in ka badan toban qof. Wadooyinka magaalada ayaa lagu xidhay dhagxaan iyo taayiro lagu gubay wadooyinka magaalada. Mudaharaadkan ayaa ka dhashay kadib markii maamulka Hargeysa haween kasoo guray magalooyinka Burco iyo Hargeysa, si ay mudahraad ka dhan ah maamulka Khaatumo ugu qabtaan magaalada Laascaanood. Shacabka magaalada oo ka war helay qorshahan ayaa saaka billaabay banaanbax si looga hortago Haweenkan laga keenay Gobollada Waqooyi. Kala socda Lasanod Online wixii war ah ee kasoo kordha mudaharaadkan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 21, 2012 All these crimes are documented and the day to bring before the just for those committed is not far.. Quote Share this post Link to post Share on other sites